HomeShirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo la soo hor-dhigay Mashaariic iyo Qorsheyaal Ugub...

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo la soo hor-dhigay Mashaariic iyo Qorsheyaal Ugub ah oo Xukuumaddu hirgelinayso

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagaga hadlay dhowr qodob oo isugu jira qorshaha sannadkan ee mashruuca Horumarinta Degmooyinka dalka ee JPLG iyo diyaar-garowga wasaaradda caafimaadku ka gashay caabuqa Coronavirus oo faro-baas ku haya Caalamka.

blankSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka baxay madaxtooyada, waxa kale oo shirka golaha wasiirrada lagu soo bandhigay daraasad ay samaysay wasaaradda horumarinta Gaadiidka ku samaysay badbaadada iyo ilaalinta tayada gaadiidka dowladda iyo kuwa shacbi-weynaha.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa Maxamuud Warsame, Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

Fadhigii 54aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu lafo-guray mashruuca maamul-daajinta dawladaha hoose ee Bulshada loogu dhaweynayo Adeegyada Aas-aasiga ah ee JPLG-ga iyo arrimo kale oo qaranka muhiim u ah.

Ugu horayn madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa golaha warbixin dheer ka siiyay mashruuca horumarinta iyo maamul daadejinta Dawladaha hoose ee JPLG oo laga maamulo xafiiska madaxweyne ku xigeenka, isagoo xusay marxaladihii mashruucu soo maray iyo sida dawladaha hoose uga faa’iidaystaan.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxu tilmaamay in mashruucan oo dalka ka bilaabmay sannadkii 2008-dii Laguna bilaabay 8-degmo sannadkan 2020-kana lagu fidiyay 3-degmo oo cusub oo ah degmooyinka Ceergaabo, Laascaanood iyo Caynaba.

Dhinacooda masuuliyiin ka socday xafiiska mashruucan, ayaa golaha u soo bandhigay heerka horumarineed ee mashruucan iyo maamul-daadejintiisa oo lagu ballaadhiyay adeegga Aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, waxana mashruucani muujinayaa diyaarinta qorshaha degmooyinka iyo horumarka maamul-daadejinta, isaga oo door muuqda ka qaadanaya kor uqaadidda iyo koboca dhaqaale ee dawladaha hoose ee dalka.

Sidoo kale, wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isagoo dul istaagay diyaar garowga wasaaradda horumarinta caafimaadku ka gashay sidii looga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa coronavirus, iyadoo madaarrada, dekedaha iyo xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland heegan buuxa la geliyay laguna diyaariyay kooxo caafimaad oo tababaran.

Wasaaradda horumarinta caafimaadku waxay bulshada Somaliland ku baraarujinaysaa inay ilaaliyaan fayo-dhawrka iyo nadaafadda goobahooda waxayna wasaaraddu kaashanaysaa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO iyo daneeyayaasha caafimaadka Somaliland.

Dhinaca kale, guddida arrimaha bulshada ee golaha ayaa warbixin qoto dheer golaha ka siiyay qorshaha dadka baahiyaha gaarka ah leh, iyagoo soo diyaariyay sidii dadkaas looga taageeri lahaa caafimaadka, waxbarashada iyo xirfadaha.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, ayaa golaha u soo bandhigay daraasadda gaadiidka dawladda isagoo iftiimiyay qorshayaasha loo dejiyay gaadiidka ee ilaalinta, dayactirka iyo tayaynta gaadiidka.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories