HomeShirka Golaha Wasiirrada oo Xeerar lagu Ansixiyey iyo Xeerka Baananka oo Guddi...

Shirka Golaha Wasiirrada oo Xeerar lagu Ansixiyey iyo Xeerka Baananka oo Guddi loo saaray

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagu ansixiyey laba xeer oo kala ah Qabyo-qoraalka Xeerka Liisamada Ganacsiga iyo Qabyo-qoraalka Xeerka Caymiska Qaranka.

blankFadhiga oo ahaa kii 50aad ee Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday laguna ansixiyey xeerarkan iyada oo kuwo kalena lagu qaybiyey.

Waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo-qoraalka xeerka shaqaalaha dawladda oo ay soo diyaarisay hay’adda shaqaalaha dawladdu iyo nuqullo ka mid ah siyaasadda qaran ee maal-gashiga.

Dhanka kale, waxa Golaha wasiirradu Guddi u saareen Xeerka Baananka oo muddooyinkii ugu dambeeyey Golaha horyaallay si ay daraasad dheeri ah ugu soo samayso.

Markii uu shirku dhammaaday waxa saxaafadda la hadlay afhayeenka Madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac oo faahfaahin ka bixiyey xeerarka qaarkood la ansixiyey, kuwa cusub iyo Xeerka baananka Somaliland ee Guddiga loo saaray.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories