HomeShirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Qodobbo lagu Go’aamiyey iyo Madaxweyne Siilaanyo...

Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Qodobbo lagu Go’aamiyey iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Khudbad dhinacyo badan ka jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kalfadhi aan caadi ahayn oo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye maanta ugu qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu go’aamiyey qodobbo ay ka mid yihiin dib u dhigista Shirweynaha Xisbiga iyo Xubno cusub oo ku soo biiray Xisbiga.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyay madaxweyne Ku xigeenkiisa Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qeyb galay kalfadhigan aan caadi ahayn ee Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Waxa kale shirkan ka soo ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga oo tiradoodu dhan tahay 148 xubnood, waxa iyaguna goob joog ka ahaa Salaadiin, cuqaal iyo Taageereyaasha xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Fadhigan waxa lagu ansixiyay ijn shirweynaha xisbiga dib loo dhigo illaa 25-ka Bisha December ee dabo-yaaqada sanadkan 2013-ka, waxa cod gacan taag ah ku ogolaaday 147 xubnood, cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin, waxase aan codayn Guddoomiyaha Golaha dhexe.

Sidoo kale, waxa lagu ansixiyay ururadii doorashada ku hadhay ee RAYS, DALSAN Iyo UMMADDA ee dhawaan ku soo biiray heshiiskana la gaadhay xisbiga KULMIYE, waxa ogolaaday 140 xubnood, laba xubnood way diideen, afar xubnoodna ayaa ka aamusay, halka Guddoomiyuhuna aanu codayn, sidaasi ayaanu qodobkaasina ku ansaxay.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay kalfadhigan aan caadiga ahayn , ayaa ugu horayn dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii uu ka baxeen dadkii dadku qaaday shalay ee uu ku jiray ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Shire Faarax.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay dhamaanba xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE sida qiimaha leh ee ay u soo qaban qaabiyeen xafladaasi shirka aan caadiga ahayn. Waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi fac aad u wayn iyo taariikh ku leh dalka isla markaana aan awoodiisu aad u balaadhan tahay.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu mar kale ku celiyay inaanay Somaliland ka qeyb geli doonin shirka London, waxaanu yidhi “Shirka London sidii aan hore u sheegnay kama qayb gelayno, oo waxaanu u aragnaa in aanu na khusaynin, danina aanay ugu jirin qaranka Somaliland.”

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray, “Wada hadalada Somaliland iyo soomaaliya waxa ahaayeen barnaamij socda oo ka soo bilaabmay shirkii London 12-kii bishii February ee sanadkii 2012-kii, kaasi oo ay dunidu fagaare ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed, intaasi ka dib waxa dhacay labadii kulan ee London iyo Dubia, waxaanan ku kala saxeexanay qodobo dhaxal gal ah hor dhacna u ahaa wada hadaladaa.

Mana jiraan wax iska kaaya bedelay diyaarna waanu u nahay in loo wada hadlo si siman, mana jirto cid nagu khasbaysaa wax aanay dani ugu jirin ummadayada,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo uu sheegay in muddooyinkan danbe ay dalka si aad ah u yimaadeen shirkado iyo ganacsato shisheeye kuwaasi oo maal gashi iyo ganacsi kaleba dalka ka abuuri doona, waxaanu madaxwayne Siilaanyo u soo jeediyay hay’adaha amaanka ee dalka iyo shacbakaba in loo baahan yahay in la ilaaliyo shirkadahaasi iyo ganacsatadaasi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories