HomeSHIRKA DOODDA QARAN: Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh...

SHIRKA DOODDA QARAN: Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh – Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale (Q.2aad)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

shirIn dadku dawladda bannaan-baxyo ku taageeraan ayay ka shiri karaan. In dadku bannaan-baxyo ku diidaan xukuumadda iyo waxa ay waddo ayay ka shiri karaan. Dastuurka ayaa u dammaanad qaadaya. In aan loo diidin in ay shiraan ayay ka shiri karaan. Si ay u shiraan ayay u shiri karaan.

Waa xeer. Waa xaagaan. Waa xaq. Waa xurmo. Waa xil. Waa xishmad. Waa xasilin. Waa xaraarad-jebin. Waa xanaaq-jebin. Waa xuquuq aanay dadka cidina ka qaadi karin. Waa deeq Ilaahay ku mannaystay. Waa murtida iyo mugga halgankoodii hubeysnaa ee ay ‘Sidaa yeel’ ku diideen qorigana ka qaateen. Naf iyo maalba waa tii loo huray ee loo hurushoobay.

Si’ aad u debecdaan oo xusuus dib ugu noqotaan ma-hadhooyinkii la soo maray aynu quluubta iyo arwaaxdaba culay iyo cidaadba uga dhigno tuducyo uu lahaa Ibraahin-gadhle oo ku jiray maansadiisii Dir-sooc ee uu ka tiriyay Shirweynihii 6aad ee SNM, 6dii Bishii Abriil 1990kii oo ku beegnayd, sannad-guuraadii 9aad ee SNM. Waxaynu soo qaadanaynaa qayb maansadaa Dir-sooc ka mid ah oo aynu ku suntanayno:

 

Durba miyaad illowdeen

 

Waar hooy dadkaygow,

Laba daan dhexdoodiyo,

Dalqo bahal qof galayoo,

Dirqi iyo tu’ fool adag,

Dibaddawgu soo baxay,

Halkii shalayto lagu dilay,

Ma dareemi waayee,

 

Durba miyaa illowdeen,

Duunyadeenni dhacantiyo,

Inuu deynki maqan yahay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Xeerkii dalkaw yiil,

Kuwii uu deldelayiyo,

Kuwuu daaya odhan jiray?

 

Durba miyaa illowdeen,

Nimcadii dalku lahaa,

Kuwuu daajinaayiyo,

Kuwii dayro laga dhigay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Adigoon dembiba gelin,

Jeel-u-daaddahayntii?

 

Durba miyaa illowdeen,

Diric iyo ninkii raga,

Doqon dhaafintiisii?

Maalintii dadkaygow,

Daabicii dur laga dhigay,

Durna daabac loo rogay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Adigoo dibbiray cadho,

Ku-sii-digashadiisii?

 

Durba miyaa illowdeen,

Maalkii dadweynaha,

Kii la yidhi daldalo iyo,

Kii shilinka lagu dilay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Hablihii dednaa iyo,

Dibadaha u-saarkii?

Saw dorraato ma ahayn,

Maalintii dadkaygow,

Daba-gaabta loo xidhay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Dhaqankii la doorshiyo,

Diintii la dhalan rogay?

 

Sow dorraato ma ahayn,

Xaqa kii daliishiyo,

Markuu culimadii dilay?

 

Durba miyaa illowdeen,

Waqti aan digaag hoyan,

Dadkeennii xeroon[1] jiray?

 

Durba miyaa illowdeen,

Dhiiggii la daadshiyo,

Wixii dooxa meyd yiil?

 

 

Durba miyaa illowdeen,

dayuuradii lalaayee,

Dusha kaa rushayn jiray?

 

Durba miyaa illowdeen,

Madfacii la dirayee,

Orodoo dadweynaha,

Daydayo la odhan jiray?

 

Durba miyaa illowdeen,

Daleeddaan wadhnayn iyo,

Dib-u-weerarkiisii?

 

Waar hooy dadkaygow,

Nin ku dagay markii hore,

Oo ku dilay markii xigay,

Ka-digtoonidiisay,

Dooddani ku faraysaa.

 

Waa in yar oo ka mid ah dhaxalkii suugaaneed ee uu inooga tegay Mujaahid, hal-abuur Ibraahin Sheekh Saleebaan, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Bal ka warrama goorta uu tiriyay iyo goorta aynu joogno. Waa 23 sannadood hortood. Ma is-tidhaahdeen xagga garaadka waxba iskama keen beddelin, gaar ahaan hoggaammada aan la mahadin ee ummaddii tabaale la og yahay soo martay la hadhay.

Hal-abuurku waa ka aanay maansadiisu duugoobin ee ay mar walba taagan tahay. Maalmuhu isu ekaa. Maalmuhu maalmahaa u ekaa. Gu’ inoo kordha mooyaan e’, miyaanu garaadba inoo kordhayn. Aroor walba ma inta aynu gegego habaas weyn ka toosno, ayaa dirir hooray iyo doog la inoogu misaalaya. Goor ma ayaynu muraayadahan baas iska tuuraynaa oo runta iyo xaqiiqda u daaddegaynaa.

 

(La soco……………………………………..)


 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories