HomeSHIRKA DOODDA QARAN: Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh...

SHIRKA DOODDA QARAN: Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh – Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale (Q.1aad)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

shir“Ilaahay ka-sokowna,

Annakaa leh awoodda,

Oggolaanna ma-doonno,

Intuu taago unuunka,

Nin yidhaahda anaa ah,

Af-weynaanu ka diidnay,

Nin kastoo anafooda,

Nin kastoo laba-eefa,

Nin kastoo is-afuufa,

Annakaa ka shanayna,

Lays amaahinna maayo,

Axmed Weyso-caddow,

Ciddidaa uskaggeeda,”

 

Maansadii Ergo ee Gaarriye, 30/4/1992kii, Hargeysa,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

21/11/2013ka, Hargeysa,

Qormada: 1aad

Aynu ku bilowno hees uu qaado Maxamed Axmed (Kuluc) oo aan filayo in uu ereyadeeda iska lahaa Naxariisto Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, hal-abuurkii caan-baxay ee Maxamed Cali Kaariye. Aynu ku bilowno midho heestaa ku jiray oo ahaa:

Shar gudban, Sheydaan xijaaban. Allahayow na nabad-geli. Aammiinta nagu dara. Ereyadaa markii uu ku luuqaynayay laba Buuroodba wuu fuulay: Shar-laga-naadi oo koonfur-galbeed Boorame kaga beegan oo aan ka fogeyn iyo Shaan-shaan (Shamsaan) oo magaalada Cadan ku taal, gaar ahaan meel xaafaddaTawaahi kaga beegan koonfur-bari. In uu ceelkii Shilaabo ee Shan-xadhigle qudhiisa shubayna sheekada wax kaga dara.

Si aanay Xukuumaddeenan xanaaq-badan xakame-jecel inoo qabsan oo aanay u odhan nalama xusin, marka hore aan is-barraxno. Oo maxaynu isku barraxaynaa? Marka hore waxaynu subcinaynaa guulaha ay soo hoysay xukuumaddeenna waxyaabihii ay u taagnayd intoodii badnayd in ay ka soo hor jeedsatay u muuqataa. Saarka ayaa kaga soo dega e’ waxba luuqda, durbaanka iyo sacabka midna ha ka hagranina, sidaad ku badbaadi doontaanba mooyaan e’.

Si aynu uga badbaadno aynu subciska bilowno oo nidhaahno: Derbiyada cas-casi sheeGan, waddooyinka aan dhammaan ee shanta kiiloo-mitir ahi sheeGan, darajooyinka la bixiyay sheeGan, mushaharka la kordhiyay sheeGan, madaarrada dhismahoodii kala dhantaalmay sheeGan. Wixii aad ku darsan kartaanna ku darsada. Shardigu waxa weeye in aanay Ga’-du laban-laabnayn. Maxaa yeelay, waa Ga’-doodii ee ma aha teennii. Weli ma aynu arag wax yidhaahda xilka aanu leenahay ee aanu buugga ballan-qaadka ah ka qornay ee codkii shacbiga siisannay, nagu ammaana. Xukuumad dhaqankaa leh ma aynu arag. Bal adduunka dhex-qaada oo ka soo hela.‘

‘Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa.’

Wax badan oo kale ayaa sheeGGan. Ha illoobina markan waa markeennii oo innaga Ga’-deennu waa ay laban-laban tahay. Waa ay shedan tahay. Waa ay shidan tahay. Waa ay shirraban tahay. Ma shaadirna mana shukaysna, hidde iyo dhaqan baa ku shaxan oo shollaha u yaal oo waa ay shuurinaysaa marna shaanbinaysaa.

Wax badan oo kale ayaa sheeggan. Inta taban ee aan xilkeeda la gudan ayaa ka badan. Nabadgelyada rukummadeedu ruxmeen ee suuqa duhurka cad xabbadda la isula soo baxayaa sheeggan. In doorashooyinkii la sadheeyay oo rajadoodii liidataa sheeggan. In dhismayaashii qarannimo, dhismayaal qofeed beddeleen ayaa sheeggan. In madax-bannaanidii Somaliland hoos u dhacday oo laga dardaar-werinayaa sheeggan. Musuqa dalka hadheeyay ayaa sheeggan. Eexda iyo qaraaba-kiilka aan hore loo arag ayaa sheeggan.

Run ahaantii halkaas ayaan kaga hadhi lahaaye, Ga’-dii ayaa hadba I gujinaysa oo igu leh: “Kol haddaad noo gacan-qaadday ha na hagarn ee na sii wad.” Sidaas ayaan u go’aansaday in aan sii yar hinjiyo waxyaabaha la tabanayo iyo tabaalaha ummad aan galabsan ku habsaday.

Cashuurta cirka lagu laalay iyo baabuurta cagaagtay ee xabaalaha dul-cararaysaa sheeggan. Anigoon xil gudan ii soo bannaan-baxaa sheeggan. Ga’-deennu raalli ha iga ahaato, maxaa yeelay inta aad hoos u leedihiin iyo higgaaddiinna ayaan ogahay.

Inta sheelan ee aan sheegganayn marka shinkoodu buuxsamo ayaa shubaal quruxsan oo sharraxan lagu shirbin doonaa.

Yaa yidhi lama shiri karo? In la shiraa waa dhaqan? In la shiraa waa Diini? In la shiraa waa dastuuri? In la shiraa waa curfi iyo caado beni-aadamku leeyahay oo uu xoolaha iyo dugaaggaba kaga duwan yahay. In la shiraa waa dan. In la shiraa waa duug aan tirmin iyo wax duunka aadamaha ku abuuran.

Qofka ayaa keligii shiri kara oo naftiisa la showri kara. Balwed iyo aafo haysata ayuu duunkiisa iyo dareenkiisa hoose kala faqi karaa. Dantiisa ayuu ka shiri karaa. Dan qoys ayuu ka shiri karaa. Dan qowmiyadeed iyo dan qaranba wuu ka shiri karaa.

Qoyska ayaa shiri kara. Qolo ayaa shiri kartaa. Dad degmo ku wada nool ayaa shiri kara. Gobol baa shiri kara. Beel ayaa shiri karta. Golayaasha Qarankaa shiri kara. Xisbiyada ayaa shiri kara. Bulshada rayidka ah ayaa shiri karta. Ururrada xirfadeed ayaa shiri kara. Xoolo-dhaqatada, beeraleyda, kalluumaysatada, xijileyda, iyo danley oo dhan ayaa shiri karta. Yaa ku haysta? Yaa ka joojin kara? Madaxweynaha iyo mas’uuliinta qaranka ayaa intii ay dan bidaan ee xeerarku oggol yihiin la shiri kara. Muxaafidkaa shiri kara. Marka ay sidaa tahayna Mucaaridkuna wuu shiri karaa.

Dadku wuu shiri karaa. Dantooda iyo ta dalkaba waa ay ka shiri karaan. In ay Madaxweynahooda mar labaad soo doortaan ayay ka shiri karaan. In aanay dib dambe u dooran ayay ka shiri karaan. In ay xukuumadda taageeraan oo ay wixii wanaagsan ku garab galaan ayay ka shiri karaan. In ay wixii xun kaga hor yimaaddaan ayay ka shiri karaan. In ay bannaan-baxyo ku taageeraan ayay dadku ka shiri karaan. Sidaana xukuumaddeennu – Kacaan-u-eg Kadeed-badan – waa ay jeceshahay oo in ay hanti u hurto ayay u badan tahayba.

(La soco…………………………………………..)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories