HomeSHIRKA DOODDA QARAN: Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh...

SHIRKA DOODDA QARAN: Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh – Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

shirQormadii 4aad

2010kii, iyada oo Hargeysa la joogo ayuu Xisbiga Kulmiye heshiis qoraal ah oo rasmiya la galay Urur-siyaasadeed aan sharciyeysnayn oo aan shahaadada qaadan oo u sharraxnaa in uu urur-siyaasadeed noqdo. Anigu urur ku sheegi maayo e’, wuxu ahaa aqoontayda gaaban, u-sharraxane urur-siyaasadeed. Heshiiskaasi mid qarsoodiya ma ahayn. Daahir yaa shamis ayaa loo soo bandhigay.

Nidaamkii tallaabadaa qaaday ayaa maanta Madasha Wada-tashiga canbaaraynaya. Ma marba sida uu doonaa? Ma doociisa iyo dareenkiisa hadba markaa jooga ayaa xeer inoo noqonaya?

Miyaanay taasi daw-darro ahayn? Miyaanu Kulmiye markaa qaldanayn? Miyaanay tallabadaasi markaa la joogay gef ku ahayn xeerarka QARANkan u yaallay? Mise QARANnimadu waxay ka bilaabantaa marka uu qofka xilka doonayaa kursiga ugu sarreeya ku fadhiisto? Miyaanay dadkii hoggaaminayay urur-u-sharraxanihii QARAN xilalkii u sarreeyay xukuumaddaadii ugu horreysay loo dhiibin? Miyaan KULMIYE intii hal-doorka u ahayd dhaxamaha lagaga tegin, maantana aanay ku dhawayn in shadaafta loo laabo oo uu daadku qaado. Waa haddii Eebbe idmo iyo qoryashayaasha aawan ee fulintooda la sugayo, sida aanu maqallay.

Nidaam xadhig ku cago-jugleeyay xoor kama maalo. Xoolaha ayaa xadhigga loo sameeyay iyo ma-yeedhaanka aynu dhaqanno. Dadka xeer baa dabbaala. Dadka xurmo iyo xishmayn baa lagu xakameeyaa. Xaq-dhowrka iyo xaq-soorka ayaa deeqa. Dad xadhig loogu hanjabaa kow ma aha. Waa wax soo jiray. Tan aynu joogno ayay ka  dhacday oo wixii laga dhaxlay maanta laga nool yahay.

Nidaam xadhig ku gooddiyay, waxay marka xigta la gashaa in uu dadka xabbad la dhacao. Wixii intaa ku xigaana waa xasuuq. Xinjir iyo xab la bururshoo ayaa ku xigta. Xawawar iyo xuduudo laga tallaabo ayaa ku xigta. Xanaf iyo xadaafiir aan hadhin ayaa ka dhalata. Waa loo soo joogay oo nidaamkii sidaa u dhaqmaa waa kii eeda ee dagaala. Cirkaa looga xero-dhigaa. Dadka iyo dalka lama qab-qaban karo. Duugga wixii soo hadhaa waa dadka iyo dalka.

In la shiraa dembi la galo ma aha. Waa la shiri karaa oo waa xaq uu muwaaddinku leeyahay oo aanay cidina ka qaadi karin. Waxa wax la iska weydiin karaa waxa laga shirayo. Bal hadda u fiirsada inta danayste muraadle habeenba soo fadhiisata shaashadaha ee tidhaahda: “Madaxweynaha oo keliya ayaa Shir Qaran qaban kara?” oo xaggee ayay ku qoran tahay? Bal Qodob Dastuuriya ha cuskadaan.

In la shiro in la doodaa dembi ma aha. Waxa keliya ee wax la iska weydiin karaa waa Ajendaha iyo maxaa laga shirayaa.

Xisbiyada Qaran ee Mucaaridka ah iyo Madasha Wada-tashiga ee Shirka ku baaqay waxay ku suntadeen: SHIRKA DOODDA QARAN.Waa saddex erey oo sharfan. Tuugna ma xado. Dadka shirka ku baaqay iyaga ayaa la weydiinayaa sababta ay shirka ugu baaqeen, bal se doc-ka-yeedhku u odhan maayo oo iyaga u hadli maayo. Miyaa la illoobay maah-maahihii Soomaaliyeed! Sow tii la yidhi: “Af jooga looma adeego.” Doc-ka-yeedhadan shirka ka soo hor jeedaa ma intaas ayay garan la’yihiin. Caqligeennii iyo garashadeennii ayay caayayaan maalin walba.

Wuxu marka hore waa SHIR.Waana la shiri karaa. Mar labaadka waa DOOD.Waana la doodi karaa. Mar saddexaadka waa mid QARAN.Mid qolo ma aha. Mid qabiil ma aha. Mid qoys ma aha. Mid qofeed ma aha. Waa mid QARAN.Arrimo Qaran ayaa lagaga hadlayaa. Dhuxushan gadbaddii boqolka kun ee shilin marayso ayaa laga hadli karaa. Xaalufka ba’an ee dhirtii ku socda ayaa lagaga hadli karaa. Tahriibkaa laga hadli karaa. Cudurka ‘AIDS-ka’ ayaa lagaga hadli karaa. Cashuurahan cirka isku shareeray iyo baabuurtan cagaagan ayaa lagaga hadli karaa. Aafada bacda iyo nadaafadda ayaa lagaga hadli karaa. Sidii aynu dooraashooyin xaq ah oo xalaal ah oo nabadgelyo ku dhaca loo qabsan lahaa ayaa lagaga hadli karaa. Sidii aynu xisbiyada iyo qabyaaladda u kala saari lahayn ayaa lagaga hadli karaa. Ammaankeenna liicay iyo sidii hay’adaha amniga loo xoojin lahaa ayaa lagaga hadli karaa. Waxa la isku weydiin karaa su’aasha ah: MAXAA INAGA SI’ AH? Maxaa ka si’ ah Xisbiyada, midabkuu doono ha yeesho e’? Maxaa ka si’ ah Xukuumaddeenna? Maxaynu ugu bognaa? Maxaynu ugu baannaa?

Bayaannada Doodda Qaran se maxay noqon karaan?

(La soco…………..)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories