HomeShirka Daneyayaasha Shaqo-abuurka Dalka oo Hargeysa ka furmay iyo Cilmi-baadhis lagu soo...

Shirka Daneyayaasha Shaqo-abuurka Dalka oo Hargeysa ka furmay iyo Cilmi-baadhis lagu soo Bandhigay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Xukuumaddu waxay ku hawlan tahay sidii loo dhiirrigelin lahaa shaqo qofka nacfi u leh iyo in la ilaaliyo xuquuqaha dadka shaqada ku jira” – Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka daah-furay Shirka Wada-tashiga Arrimaha Shaqo-abuurka oo sannadkiiba hal mar la qabto.

Shirkan oo ay qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland, waxa ka Qayb-galay daneeyayaasha Shaqo-abuurka oo isugu jira hay’adaha iyo Wasaaradaha dowladda Qaarkood, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan.

Ugu horeyn, waxa kulanka furay isla markaana muhiimadda uu kulanku leeyahay faahfaahin ka bixiyey Agaasime-waaxeedka Shaqo-gelinta, waxaanu sheegay inay wasaarad dejiyaan siyaasadda shaqo-abuurka dhalinyarada dalka, kulankanina qayb weyn ka yahay dar-dargelinta hawlaha shaqo-abuurka Qaranka. Waxa uu Agaasimuhu uga mahad-celiyey daneyaayeyaasha inay ka soo qayb-galaan kulanka oo ujeeddadiisa ku tilmaamay in lagu falan-qeeyo afkaarta shaqo-abuurka, fursadaha iyo caqabadaha jira.

Xubno metelayey Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha maxalliga ah ee ka hawl-gala dalka oo kulanka ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda kulankani u leeyahay xogta shaqo-abuurka, waxaanay wasaaradda Shaqo-gelinta ku bogaadiyeen qaban-qaabada shirkan.

Xubno ka socday hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee kulanka ka qayb-galay, ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan daraasado laga sameeyey fursadaha shaqo-abuurka iyo caqabadaha la xidhiidha ee ka jira dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo gebo-gabadii kulanka ka hadlay, ayaa faahfaahiyey muhiimadda Shaqo-abuurka dhalinyarada ugu fadhiyo Qaranka iyo Dedaalka ay Wasaarad ahaan ugu jiraan hirgelinta siyaasadda shaqo-abuurka.

blank“Xukuumaddu waxay ku hawlan tahay sidii loo dhiirrigelin lahaa shaqo qofka nacfi u leh iyo in la ilaaliyo xuquuqaha dadka shaqada ku jira. Waxa lagu hawlan yahay in la sameeyo xeerka ururrada Shaqaalaha rayidka ah,” Sidaas waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo qoyska.

https://www.facebook.com/slntvone/videos/433852161963083

blank

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories