HomeShirka Beesha Ciise Muuse oo la muddeeyey iyo Dareenka Xukuumaddu ka qabto

Shirka Beesha Ciise Muuse oo la muddeeyey iyo Dareenka Xukuumaddu ka qabto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shir Beeshe Ciise Muuse ay hore u shaacisay inay ku qabsanayaan Deegaanka Dubur oo ka tirsan degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil, ayaa markii ugu horreysay la muddeeyey maalinta uu furmi doono, kaasoo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dareen sasle ka muujisay.

Shirkaas ayaa la shaaciyey inuu si rasmi ah u furmi doono 29-ka bishan September ee aynu ku jirno sannadkan 2011-ka, waxaana shirkaas loogu yeedhay Dan iyo Duco. Waxaana sidaa lagu sheegay qoraal kooban oo ay ku saxeexnaayeen Magacyada Salaaddiinta iyo Odayaasha Beesha iyo Guddiga qaban-qaabada Shirka, kaasoo u dhignaa sidan:- “Ujeedo: Muddeynta Shirka Beesha Ciise Muuse: Haddii aanu nahay Guddida qabanqaabada shirweynaha Beesha Ciise Muuse ee gobolka Saaxil  iyo salaadiinta beesha waxaannu ogeysiinaynaa, gaar ahaan ergooyinka ka qaybgeli doona shirka, in shirka Beesha Ciise Muuse oo loogu magacdaray ‘Dan iyo Duco’  ka furmi foono magaalada Dubur ee degmada Sheekh, maalinta khammiista ee 1da Dul Qacda 1432, oo ku beegan 29-ka September 2011. Shirka dulucdiisu waxay salka ku haysaa waa horumarka dadka iyo deegaanka gobolka Saaxil .”

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ayaa dareen sasle ka muujisay shirkaas, gaar ahaan Badhasaabka Gobolka Saaxil oo marar badan ay Guddiga qaban-qaabada Shirka iyo Aqoonyahana Beesha qaarkood ku eedeeyeen inuu isku dayey sidii uu shirkaa u joojin lahaa, isla markaana aanu u qabsoomeen ee uu u burburi lahaa, ka dib markii uu ula muuqday Shir lagaga soo horjeedo Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo iyo maamulka uu Gobolka Saaxil u idmaday. Hase ahaatee, dareenkaas saska leh ayaa la sheegay inuu illaa hadda ka jiro dhinaca Xukuumadda, iyada oo beeshu dhinaceeda caddaysay inaanu shirkeedu ahayn mid Maamulka lagaga soo horjeedo, balse uu yahay mid ay aayahooda mustaqbalka iyo horumarkooda kaga tashanayso beeshu.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories