HomeShirka ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo maanta ka Furmay Muqdisho

Shirka ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo maanta ka Furmay Muqdisho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Shirka Ansixinta dastuurka Soomaaliya, ayaa maanta  ka furmay Magaalada  Muqdisho waxaana hadallo kala duwan ka jeediyay madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyada oo mas’uuliyiintii  halkaa ka hadlay oo dhan ay ku tilmaameen guul la gaadhay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif, Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan, Ra’iisul waasaraha Cabadiweli Gaas iyo Mahiga oo hadallo dhaadheer ka jeediyay kulanka, ayaa waxay intooda badan  ku tilmaameen maalin taariikhi ah shirka lagu ansixinayo dastuurka.

blank
XUQUUQDA SAWIRKA: Hiiraan Online

“Dastuurkani waa mid ka tarjumaya mustaqbalka Soomaaliya, waana qodobka ugu muhiimsan qorshaha looga baxayo xilliga KMG ah marka la gaadho bisha Ogost ee Sanadkan,” ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku yidhi hadalkii uu ka jeediyay furitaanka shirka.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay ergada u fadhiya ansixinta Soomaaliya ee qabyada ah inay yihiin kuwii labaad oo loo soo xulo inay ansixiyaan dastuur ay Soomaaliya yeelato, isagoo sheegay in dastuurkii lixdankii ay ansixiyeen ergooyin lasoo xulay, inkastoo sannad kad dib loo qaaday afti dadweyne.

Danjire Augustine Mahiga oo isaguna hadal ka jeediyay, ayaa soo jeediyey inaan la iloobin saamiga ay haweenku ku leeyihiin dawlada, isagoo sheegay in shirka lagu qabto Muqdisho ay dadaal badan u soo galeen, ugu dambeyn ku guuleysteen.
Shariif Xasan Sheekh Aadan, Afhayeenka baarlamaanka, ayaa isaguna hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaaliya uu iftiin u baxay loona baahan yahay in la higsado iftiinkaas.

“Farxad ayay inoo tahay inaan maanta u fadhinno shirka lagu ansixinayo dastuurka qaybayada ah ee Soomaaliya,” ayuu yidhi Shariif Xasan oo sheegay in dastuurkan uusan ahayn mid dhameystiran balse waa billow fiican oo Soomaaliya ay heshay.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shirka ka hadlay ayaa yidhi, “Maanta waxay noo tahay maalin taariikhi ah iyo fursad weyn oo la gaadhay. Dastuur la’aan dowlad lama ahaan karo.”

Sheekh Shariif wuxuu odayaasha ka dalbaday inaanay iloobin haweenka isagoo ka dalbaday odayaasha in dedaal fara badan geliyaan ansixinta dastuurka, isagoo sheegay inay taasi sharaf u tahay iyaga, dawlada iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan. “Wixii khaldan ee dastuurka ku jira waa inaad isla garataan oo aad calaamadisaan si baarlamaanka soo socda uu wax uga beddelo,” ayuu yidhi Shariif Sheekh oo ka dalbay odayaasha inaanay  eegin xilliga dhow ee ay eegaan mustaqbalka soo socda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories