HomeShirka 8aad Ee Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Burco Ka Furmay

Shirka 8aad Ee Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Burco Ka Furmay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Burco (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirweynaha siddeedaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta ka furmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo Muddada uu socdo lagu lafo guri doono arrimo kala duwan, ayaa waxa ugu horrayn hadal kooban ka jeediyey xoghayaha guud ee xsibiga KULMIYE, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, waxana uu xubnaha golaha dhexe ee kulanka ku sugnaa ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay shirka uga soo qaybgaleen.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa isaguna dhankiisa ka xog-warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu xisbigu soo maray, horumarka uu sameeyey iyo sida uu maanta u noqday xisbi gaamuray, jid Dimuqraaddi ah hoggaankiisu isu beddelo dalkana kusoo hoggaamiyey dariiq lagu aflaxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirweynaha Daah-furay, ayaa ugu horrayn si qoto dheer u sharraxay heerarkii uu kala duwanaa ee uu xisbiga KULMIYE soo maray iyo horumarka uu dalka ka hirgeliyey muddadii uu hoggaanka dalka hayey, waxana uu hoosta ka xarriiqay in hiigsiga dheer ee xisbigu yahay inuu dalka dhiso isaguna noqdo xisbi muddo dheer sii jira oo jiilal kala kuwani iska dhaxlaan.

Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa oo uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi madasha ka jeediyey ayuu kaga hadlay arrimo door ah oo salka ku haya sida uu xisbigu u yahay mid Dimuqraaddi ah oo hoggaankiisa la isugu beddelo hab Dimuqraaddi ah, waxana uu yidhi, “Xisbiga Kulmiye waa xisbi dimuqraadi ah oo ruug caddaaya. Waa xisbiga kali ah ee talada dalka qabtay laba jeer oo lagu soo doortay doorashooyin xor iyo xalaal ah sidaasna ay dalka Madaxweynayaal uga noqdeen labadii Guddoomiye Xisbi. Waa Xisbi dhexdiisa ay ka jirto dimuqraaddiyad, hoggaankiisa Sarena lagu soo doorto hab dimuqraadi ah oo gacan taag ah. Waxa aynu Shirkan Golaha Dhexe ku dooran doonaa Guddoomiyihii Saddexaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye.”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada u caddeeyey in xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ay waqti badan gelisay sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, muddadii ay hoggaanka dalka hayeen hirgeliyeen horumar ballaadhan oo ay bulshadu intifaacsanayso ilaa maanta.

Dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in dalka lagu hagayo shuruucda iyo qaanuunka bulshadu dhigatay, meelna aanay uga bannaanayn fadqalallo iyo cid doonaysa inay qori caaradii wax ku doonaysa, waxaanu yidhi, “Doorashooyinka waxa aynu u raacaynaa sida sharcigu dhigaayo, haddii sharciga laga leexdana dalku socon maayo. Dimuqraaddiyadda waa markaygii ee halla ii dhiibo oo ma aha Baaskiil yar oo ciyaalku kaxaystaan, mana jirto wallaahi haddii markayga la I siin waayo xabbad baan wax ku qaadanayaa, taasna rag hore wax ugu waayey oo qaranku taas kuma heshiin, dastuurkeennuna ma jidaynin oo Af waayeel ma aha”.

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu caddeeyey in doorashooyinka loo raacayo qaabkii ay komishanka doorashooyinku jadwalka usoo saareen, isaguna uu wareegtada kusoo saaray,

blank“Doorashooyinku sidii ay guddida doorashooyinku muddeeyeen, aniguna aan saxeexay bay ku soconayaan, waana waddada qudha ee amni, dimuqraaddiyad iyo xasillooni lagu gaadhayo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa maalinta berri ah soo xidhmi doona, waxana lagu wadaa in lagu doorto murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga iyo guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga.

Waa markii labaad ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye lagu qabto magaalada Burco, waxaana ugu dambaysay bishii August sannadkii 2008-dii wakhtigaas oo magaalada Burco lagu qabtay Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga, iyadoo shirkaasi ahaa kii ugu xasaasisanaa ee khilaaf ka dhex-abuuray xisbiga, in kasta oo markii dambe laga heshiiyey, waxaana shirkaas murashaxa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa loogu doortay Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories