HomeShirka 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo Qabsoomay iyo Go’aamada...

Shirka 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo Qabsoomay iyo Go’aamada ka soo Baxay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Nuxurka khudbad Madaxweynaha Qaranku ka jeediyey daah-furka Shirka + digniinta Qaramada Midoobay uu u diray

Hargeysa (SLpost)- Shirka 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee haya talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qabsoomay magaalada Hargeysa maanta.

Kal-fadhigga shirkan oo ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Dhexe ee cusub ee ka soo baxay shirweynihii afraad ee xisbiga KULMIYE ee qabsoomay 4 ilaa 6 bishan October, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 310 xubnood oo isugu jira 241 xubnood oo ka kala yimaada gobollada, xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo maayarrada degmooyinka dalka ee xisbiga, guddoomiyayaasha gobollada dalka iyo hoggaanka guud ee xisbiga, waxaanna shirkan oo socday hal maalin ka soo baxay go’aamo kala duwan.

blankShirka uu daah-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa lagu doortay hoggaan uu Golaha Dhexe ee xisbiga hagi doona shanta sanno ee soo socda, iyadoo sidoo kalena waxa lagu ansixiyey Xoghayaha Guud ee xisbiga oo loo doortay Mr. Ibraahim Axmed Raabi iyo Xubnaha Guddida Fulinta xisbiga oo ka kooban 31 xubnood oo isugu jira 25 xubnood oo golaha dhexe ka yimi iyo 6 xubnood oo hoggaanka xisbiga ah, kuwaas oo Madaxweynuhu horgeeyey magacyadooda shirka, kadibna ergadu cod aqlabiyad ah lagu meelmariyeen.

Hoggaanka cusub ee Golaha Dhexe ee shirka lagu doortay ayaa kala ah; Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Cali Maxamed Cali (Cali Cali-ow) oo noqday Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Dhexe iyo Mustafe Maxamed Yoonis oo loo ansixiyey Xog-hayaha Golaha Dhexe ee xisbiga, kuwaas oo muddo shan sanno ah hayn doona xilkan.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ku hadlayey xubnaha la doortay, ayaa uga mahadceliyey ergada Golaha Dhexe ee shirka fadhiday codka ay siiyeen iyo sida ay ugu aamineen inay shirguddoon ahaan mar labaad sii hayaan maamulka golaha dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo iyo mahadcelin uu u jeediyey xubnaha la doortay iyo ergada Golaha Dhexe ee shirka fadhiyey kadib waxa uu ka hadlay waajibaadka iyo masuuliyadda Golaha Dhexe ee xisbiga saaran iyo sida ay tiir-dhexaadka ugu yihiin hawlaha xisbiga, isaga oo hoosta ka xarriiqay shaqooyinka horyaalla gole ahaan, waxaannu yidhi, “Golaha dhexe masuuliyaddiisa koowaad waa inuu hirgeliyo aragtida ama hiraalka xisbiga ee shirweyne guddoomiyey, xeerkiisuna qeexayo, aragtidaas shirweynuhu tilmaamay waxa waajib ku ah Golaha Dhexe inuu ka sameeyo qoraal uu u beddelo siyaasad, taas oo noqonaysa maanafeestada xisbigu ku galo doorashooyinka.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in mudnaanta koowaad ee xukuumadda uu hoggaamiyaa tahay ilaalinta qarannimada iyo madax-bannaannida Somaliland, islamarkaana aan cidna looga habranaynin difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, “Mudnaanta koowaad ee xukuumaddu waa inay ilaaliso madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland oo aanay culays kasta oo yimaadda, hadduu yahay mid siyaasi ah, mid ciidan iyo mid dhaqaale oo lagu gacan-maroojinayo aanay u dhaqaaqin oo ay lasoo istaagto madax-bannaanida qaranka, xukuumad ahaanna taasaanu isu taagaynaa, nin kasta oo ciidan badan leh, nin kasta oo qumbulo-durriyo leh iyo cid kasta oo lacag badan leh, midna looga habran maayo Qarannimada Somaliland madax-bannaannideeda,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin cad u diray hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo qarannimada Somalialnd, isagoo Wakiilka Xoghayaha Guud ee UN-ta uga digay inuu waxyeeleeyo ixtiraamka ka dhexeeya dawladnimada Somaliland iyo Qaramada Midoobay, waxaannu yidhi, “Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo ay ka mid yihiin hay’ado badan oo isku magacaaba samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga urursada waxaanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa Qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo VILLA SOOMAALIYA (Madaxtooyada Soomaaliya) ee dawladdaas ay iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawlad kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa, inta aanay kusoo xad-gudbayn sharaftayada iyo Qarannimadayada, waxaannu ka rabnaa inaanu wada dhaqanno annaga oo is ixtiraamayna.”

Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu digniin culus u diray Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo hay’adaha kale ee ku abtirsada, “Ka yeelimayno Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa hay’adaheeda iyo kuwa kale ee samo-falka sheegta inay noo soo qaadaan qorshe iyo amarro laga soo bixiyey Xamar oo ay nagula dhaqmaan oo ay keenaan Somaliland, waana xaaraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Shirka Toddobaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa isla maanta la soo gebogabeeyey, waxaanna hoggaanka cusub ee la doortay iyo golahan cusubiba ay gudo geli doonaan hawlahooda shaqo.

Somalilandopost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories