HomeShir-Sannadeedka Caafimaadka Somaliland oo lagu qabtay Gobolka Sool iyo Nuxurka Khudbad gar-naqsi...

Shir-Sannadeedka Caafimaadka Somaliland oo lagu qabtay Gobolka Sool iyo Nuxurka Khudbad gar-naqsi xambaarsan oo Xaglo-toosiye ka jeediyay‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waxaa Jira Siyaasiyiin Gobolka ka soo jeeda oo aan Jeclayn in Wax laga qabto Gobolka”

LAASCAANOOD (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyada Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa Maanta Magaalada Laascaanood waxa uu ka furay Shir Sannadeedkii Caafimaadka, kaas oo noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah ee wasaaradu ku qabato gobol ka baxsan caasimada.

Shir-Sannadeedkii Caafimaadka oo Somaliland lagu qabtay Gobolka Sool iyo Nuxurka Khudbad gar-naqsi xambaarsan oo Xaglo-toosiye ka jeediyay‏Shirkan Waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka,Agaasime Waaxeedyada Qaybaha Wasaaradaasi ka Kooban tahay .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka xog waramay Waxqabadkii u hirgalay bah’da Caafimaadka Sannadkii tagay ee 2014 iyo Qabyada jirta ee la rabo in sannadkan la dhamaystiro.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo si rasmi ah u furay Shir sannadeedkaas ayaa ugu horayn sheegay inuu ku faraxsan yahay in Markii kowaad ay shir miisaankan oo kale leh ku qabtaan Xarunta Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood.

Wasiirku waxa uu is dul taagay nuxurka ay Shirkan ka leeyihiin “Shirkan waxaan rabaa in madaxdu ay ku soo saarto qorshaha iyo hadafyada aynu rabno in aynu gaadhno si aynu u dhamaystirno Wixii himilo ah ee inoo qorshaysan,Sannadkii hore wixii inaga qabyoobay waa inaad miiska soo saartaan si aynu u qabyo tirno”.

Markaas kadib Waxa uu Wasiirka Caafimaadka iyo madaxda Wehelinaysay ay Kormeer ku soo sameeyeen Xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Sool iyo qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Laascaanood isagoo soo indho indheeyay Xaalada Cisbitaalka iyo bukaan jiifka yaala waxaanu warbixin ka dhagaystay Gudida horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Sool.

Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo halkaasi ka hadlay ayaa iftiimiyay isbedelka Cisbitaalka Laascaanood ku yimid mudadii uu xilka hayay “Runtii Maalintii Wasaaradan la ii dhiibay Dhakhtarkani Wuu xidhnaa Wasiirkii Xilka igu wareejiyay Xil wareejintiisii ayay ka mid ahayd dhakhtarka Laascaanood iyo ka Ceerigaabo inay xidhan yihiin, Safarkii ugu horeeyay ee aan ku imidna qashin baa tuulnaa waxaa maanta ii farxad inuu furan yahay oo shaqaynayo oo dadku jiifaan dhismayaashuna ku soo kordheen,Safarkii u horeeyay ee aan imid waxaa la igu lahaa Dhakhtarka noo fur ,maantana hadaad leedihiin dhakhtar qalliin ayaanu u baahanahay waa alxamdulilaah”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Horumarku maalin kuma yimaado maadama cisbitaalka dhawaan la furay wakhti ayay qaadanaysaa sidii waxa ka dhiman loo buuxiyo, mudadii sannadka iyo badhka ahayd ee aan joogay wasaarada waxyaabaha kale ee aan qabtay waxaa ka mid ah Iskuulka Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka ee Gobolka Sool oo lacag Sadex boqol oo Kun oo dollar ku dhow dhow ay gashay anaa dhagax dhigay oo dhisay isla markaana furay waa dhisme dhaxal gal ah oo soo saari doona kal kaaliyeyaasha caafimaadka ee dalka guud ahaan iyo gobolka Soolba u baahnaa”.

Wasiirka Caafimaadku waxa uu tilmaamay Mashaariic door ah oo uu ka hirgaliyay Gobolka Sool isagoo fulinaya balanqaadkii Madaxweynaha waxaanu yidhi “ Meesha la yidhaahdo Kala baydh Xudun iyo Awr boogays hay’ad UNFPA la yidhaahdo Ayaan ku soo xidhay oo qalabka iyo daawadana bixisa isla markaana Mid walba oo ka mid ah Sadexdaas Xarumood Shaqaalaha ka hawlgala siisa Guno fiican” .

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye waxa uu ka hadlay dad dano siyaasadeed leh oo Madaxweynaha hortiisa ka sheegay in caafimaad aanu jirin “arrintaas dhacday waxay ahayd qorshe la soo abaabulay oo Siyaasadaysan,Waxay ka u malaynayeen in Madaxweynuhu aanu ka warqabin xaalada caafimad ee dalka waa Nasiib daro, laakiinse waan fahamsanahay anigu,waxaa jira dad la dagaalama oo aan jeclayn in Gobolka wax loo qabto,Weliba waa siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Sool,Kuwaas oo la dagaalamaya qofkii raba inuu wax ka qabto,Waxaan idiin cadaynayaa in Shakhsi ahaan aanan u joojinayn dadka noocaas u fikiraya,Wixii aan qaban karana waan qabanayaa”.

HALKAN KA DAAWO WARKAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories