HomeShir Mucaaradka uga Furmay Hargeysa iyo Nuxurka Hadallo ay ka jeediyeen Hoggaamiyeyaasha...

Shir Mucaaradka uga Furmay Hargeysa iyo Nuxurka Hadallo ay ka jeediyeen Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada iyo Madasha Wada-tashiga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

SHIR MUCAARADKA (5)Hargeysa (SLpost)- Shir ay hore u iclaamiyeen Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hoteel Dalxiis ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad iyo siyaasiyiinta ku bahowday Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Guddoomiyeyeyaasha Xisbiyada UCID iyo Waddani, siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga, Aqoonyahan, Mujaahidiin iyo dadweyne tiro badan, ayaa ka qab-galay shirka, waxaana intii uu shirku socday lagu gorfeeyey Ajandaha lagaga hadlayo muddu saddex maalmood ah oo shirku socon doono.

SHIR MUCAARADKA (3)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn ka hadlay shirka, ayaa naqdiyey baahiyaha iyo gol-doloolooyinka dalka ka jira. Waxa uu Guddoomiye Faysal sheegay in gabi ahaanba ay liitaan kaabayaashii dhaqaale iyo arrimihii Aas-aaska Nolasha ahaa sida; Biyaha, Wadooyinkii iyo Maciishaddii oo sicir-barar aafeeyey. Waxa uu Faysal intaas ku daray in xaaladda dalku ku sugan yahay xilligan ay ugu daran tahay aafada qabyaaladda oo uu xusay inay saamayn ku yeelatay wada-noolaanshaha iyo is-dhexgalka bulshada.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa tooshka ku ifiyay dibin-daabyooyin uu xusay inay tiro-beeleen oo Xukuumadda taladda Dalka haysaa ay Umadda ku hayso, waxa uu xusay in sababta ay shirka u iclaamiyeen tahay ka dib markii ay Xukuumaddu ka dhago-adaygtay inay fuliso go’aankii iyo Heshiis ay kala saxeexdeen Xisbiyadda Mucaaradka ah.

SHIR MUCAARADKA (5)Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ka tirsan Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga oo ka hadlay shirka gunaanadkiisii, ayaa naqdiyey hab-dhaqanka xukuumadda Siilaanyo iyo hoggaaminteeda, isagoo ku eedeeyey inay u badheedhay burburinta Qaranimada Somaliland.

Shirkan oo ka baaqday inuu furmo maalintii Khamiista ee todobaadkii hore oo xukuumaddu hortaagtay qabsoomiddiisa, kaddib markii mucaaradku ujeeddada shirka ku sheegeen mid lagaga tashanayo aayaha dalka isla markaana ka dhan ah muddo-xileedka dhammaaday ee madaxweyne Siilaanyo. Haseyeeshee, waxa shirkan qabsoomiddiisa fasaxda maxkamadda sare ee Somaliland oo mucaaradku u gudbiyeen dacwad ka dhan xukuumadda iyo inay xaq u leeyihiin inay qabsadaan shir ay danahooda kaga arrinsadeen, balse go’aan maxkamadda sare ka soo baxay ayaa lagu fasaxay shirkaas, balse waxa ay Maxkamadda Distooriga ahi meesha ka saartay inay mucaaradku qaban karaan shir heerkiisu gaadhsiisan yahay ama ku magacaaban TALO-QARAN.

Dhinaca kale, shirka Mucaaradka uga furmay Hotel Dalxiis ee Hargeysa, ayaa ku soo beegmay iyadoo maanta uu dalka ku soo laabtay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo todobaadyadii u dambeeyey Safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

SHIR MUCAARADKA (6) SHIR MUCAARADKA (4) SHIR MUCAARADKA (2) SHIR MUCAARADKA (1)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories