HomeShir-madaxeed ay ka qayb-qaateen haweenka gobolka Geeska Afrika oo Hargeysa lagu soo...

Shir-madaxeed ay ka qayb-qaateen haweenka gobolka Geeska Afrika oo Hargeysa lagu soo gebo-gabeeyey iyo Nuxurka Khudbado ay ka jeediyeen Masuuliyiinta Qaranku

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 13 February, 2012 (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “C.raxmaan Ciro” ayaa maanta soo gabo gabeeyay Shir-madaxeedka Hoggaamiyeyaasha haweenka Afrika ee G-40, kaasi oo muddo afar maalmood ah uga socday huteelka Ambassador ee Caasimada Hargaysa.

Shir-madaxeedkan oo ay sidoo kale ka qayb galeen Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Macdanta iyo Biyaha, Qorshaynta Qaranka Diinta iyo Awqaafta, Mas’uuliyiin iyo Madax kala duwan, waxa ka qayb qaadanayey Afartan xubnood oo haweena isla markaana ka kala yimid dalalka Ugandha, Koonfurta Sudan, Itoobiya, Ereteriya, Jabuuti, Somalia iyo Somaliland ayaa mudadii uu socday waxay ku lafo gurayeen sidii loo heli lahaa fikrado midho dhal ah oo wax ka tara sidii ay haweenku saami fiican uga heli lahaayeen ka qayb qaadashada hogaaminta dalalkooda.

Madaxweyne  ku xigeenka  somalilnad  c/raxmaan c/laahi  ismaaciil saylici  oo ka hadlay  halkaais  ayaa waxaa uu mahadnaq  usoo jeediyey   dadka  iyagu  shirka  soo qaban qaabiyey,  isagoo  sheegay       inay haween weynaha Somaliland   iyo guud ahaan haweenka  dunida  ay  door ballaadhan  oo aan la dafiri Karin  ka qaateen horumarinta  iyo nabadaynta,  waxaa kale oo uu intaasi ku daray  madaxweyne ku xigeenku in Somaliland  ay  tahay  waddan muddo  20 sanno ka badan  nabdoon  oo  horumar ballaadhan  ku talaabsaday,  isagoo gacan muuqata aan ka helin dunnida inteeda kale.

Guddoomiyaha golaha wakiilada  Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi  Cirro oo isaguna  madashaasi ka hadlay  ayaa sheegay in  Somaliland ay sharaf  u tahay  in  ay marti geliso shir caalami ah  oo looga  tashanayo   arrimaha  qaaradda  Africa, Guddoomiyahu wuxuu   isbarbar dhigna ku sameeyey maqaamka ay kala taagan yihiin Somaliland  iyo   Somalia,  waxaanu xusay  inay Somaliland  ku guulaysatay inay midayso  ummaddeeda,  hirgalisayna doorashooyin xor  iyo xalaal  ah,  waxaanu rajo wanaagsan  oo ku saabsan qaddiyadda Somaliland  ka rajeeyey  shirka dhawaan ka qabsoomi doono  magaalada London.

Wasiirada  wasaaradaha  diinta iyo  awqaafta  sheikh  Khaliil  c/laahi axmed  iyo qorshayta  qaranka  Md  Sacad  cali shire  oo iyaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyey  ayaa ka mahanceliyey  qaban qaabada  shirka, waxaanay  tilmaameen  kobcinta  iyo kor u  qaadka maqaamka Somaliland  gaadhay mudadii ay jirtay iyo in dumarku ay udub dhexaad u ahaayeen guulaha aynu ku talaabsanay

Wasiirka  shaqada  iyo arrimaha bulshada  marwo  Ilhaan  maxamed jaamac  ayaa  iyaduna ka warantay   doorka xurmada leh ee ay haween ahaan ku dhex leeyihiin  bulshada   .

Masuuliyiin ka socday   ururada  qaramada  midoobay, IGAD  iyo ra’iisal  wasaarihii hore  ee Norway   oo  iyagu halkaasi ka hadlay  ayaa ka waramay   sida ay  hay’adahoodu  uga   qayb qaataan  horumarinta bulshada geeska afrika  iyo  guud ahaan  dalalka  afrikaaanka ah, iyagoo  xusay  inay  dawlada Somaliland  horumarka  ay  gaadhay  uu yahay  mid  mudan  in  dunida loo bandhigo,  waxaa  shirkan  oo ay soo qaban  qaabisay  daladda   nagaad  madaxda  lagu  waydiiyey  su’aalo  ku saabsan  Somaliland  iyo  qaddiyadeeda.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories