HomeShir loo Qabtay Shirado ka kala Socda Adduunka oo ku Tartamaya Qandaraaska...

Shir loo Qabtay Shirado ka kala Socda Adduunka oo ku Tartamaya Qandaraaska Mashruuca biyo-ballaadhinta Hargaysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Wakiillo ka kala socda 40 shirkado caalami ah oo ka kala yimi guud ahaan qaaradaha adduunka oo dhan si ay ugu tartamaan qandaraaska mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee uu bixiyey Midowga Yurub, ayaa shir lagu siinayo xog-warran uu u furmay maanta.

Shirkan oo lagu qabtay hoolka Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxa ka qaybgalay masuuliyiin kala matalaysa inta badan 40 shirkadood oo ku guulaystay inay ka soo gudbaan qiimaynta wareeggii kowaad (short list) kadib markii hay’adda UN-HABITAT oo fulinaysa mashruucan iyadoo la kaashanaysa Wakaaladda Biyaha iyo Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland ay warbaahinta gudaha iyo mid caalami ah ku baahisay qandaraaska biyo-ballaadhinta Hargeysa ee dhigidda dhuumaha (pipes) iyo dhismaha xarun cusub oo kaydiya biyaha ka hor inta aan la soo gaadhsiin magaalada Hargeysa ee biyo-soo-saarka degaanka Geed-deeble. Waxaanna la siiyey faahfaahin ku saabsan mashuurcan iyo hawlaha shaqo ee laga rabo, iyadoo dhammaantood la soo tusay xarunta biyo-soo-saarka Geed-deeble, ceelasha biyaha iyo dariiqa uu soo raaco dhuunta biyaha soo qaadaa.

DSC00097Qandaraaskaasi oo ahaa mid si caalami ah loo shaaciyey oo cid walba u furnaa, ayaa 40-ka shirkadood ee ku soo baxay wareegga kowaad oo ka kala socda Qaaradaha Africa, Europe, America, Latin America iyo Aasiya, isla markaana ka kala jira in ka badan 20 waddan oo dunida ku yaal oo ay ka mid yihiin; Somaliland, Kenya, Uganda, France, Germany, Rwanda, Sudan, South Sudan, Somaliya, Djibouti, Rwanda, Ethiopia, India, China, Argentina, USA, UAE, South Korea, Italy, Turkey, Switzerland, South Africa, Netherland iyo Spain, waxa laga dalbaday inay dalka Somaliland yimaadaan oo ay arkaan shaqada la qabanayo ka hor inta aan lagu kala saarin wareegga labaad ee qiimaynta lagu samayn doono dhukumentiyadooda.

MaaDSC00109reeyaha Wakaaladda Biyahay Hargaysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo ugu horreyn furitaankii shirkan ka hadlay, ayaa sheegay in afartankan shirkadood ee tartanka biyo-ballaadhinta caasimadda u galaya oo badankoodu 25-kii bisha dalka soo gaadhay sababta loogu yeedhay tahay si ay xog-dheeraad ah u helaan ka hor inta aanay gelin tartanka wejigiisa labaad, isla markaana shirkan ay u qabteen ujeeddadiisu tahay sidii loo siin lahaa faahfaahin dheeraad ah, loogana jawaabi lahaa wixii su’aalo ah ee ay qabaan.

“Shirkani marka uu u dhammaado shirkad waliba way iska noqonaysaa oo ay soo xarayso codsiyada qandaraaska waqtigii loogu talogalay. Waxaannay tani bilow u tahay in hawshii mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa uu degdeg u bilaabmo oo ciddii ku guulaysataa gudasho, dhuumihiinna waa xayeysiiyey oo waqtigii qandaraaska tartankiisu xidhmayeyna waxyar baa ka hadhay, Isha Allaahu waxaan rajaynayaa in hawshaasi Ilaahay inoo fududeeyo oo aynu u guulaysanno,” ayuu yidhi Maareeyaha Biyaha Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Axmed Cabdalle oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ka soo qaybgalka shirkadahan ee tartanka biyo-ballaadhinta Hargeysa ku tilmaamay mid guul wayn u ah Somaliland, waxaannu yidhi, “40-kaa shirkadood ee maanta caasimadda Somaliland ee Hargeysa yimi si ay uga qaybgalaan tartanka mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa waxay muujinaysaa Somaliland iyadoo aan weli la aqoonsan nabadgalyada iyo maamulka dawladeed ee ka jira, wakiillada ka socda shirkadaha waxa wejiyadooda ka muuqda inay faraxsan yihiin inay hawl fiican qabtaan Somaliland oo ka shaqeeyaan, waxaan odhan karaa ictiraafkii aynu inta badan sugaynay inuu furihii u horreeyey tani tahay, maadaama afartan shirkadood oo qaarkood ka socdaan waddamada ugu waawayn adduunka ay maanta doonayaan inay Hargeysa ka shaqeeyaan, waxaannan rajaynayaa inay si dakhso ah adduunka uga soo baxdo kelmada Somaliland waa dal jira.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories