HomeShir lagu gorfaynayo Waxqabadka Haya'daha Qaramada Midoobay iyo Doorka Saxaafaddu ku leedahay...

Shir lagu gorfaynayo Waxqabadka Haya’daha Qaramada Midoobay iyo Doorka Saxaafaddu ku leedahay oo maanta ka Qabsoomay Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 07 March, 2012 (Slpost)- Shirweyne lagaga hadlayey waxqabadka hay’adaha Qaramada Midoobay iyo doorka ay saxaafada Somaliland ku leedahay ayaa maanta ku qabsoomay Hotel maansoor ee magaalada Hargaysa.

Kulankan waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo kala ahaa wasiirada wasaaradaha arimaha dibada Dr maxamed cabdilaahi Cumar, Madaxtooyada Xirsi cali Xaaji Xasan, wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha warfaafinta, arimaha gudaha iyo Qorsheynta, halka sidoo kalena ay ka soo qayb galeen hay’adaha qaramada midoobay ee ku sugan Somaliland oo uu hor kacayo xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay ee arimaha gargaarka iyo bani’aadanimada ee Somaliland iyo Somalia Mr Marc Bowden iyo Xubno ka socda hay’adaha kala duwan ee saxaafadda Somaliland.

Wasiirka Arimaha dibada ee Somaliland Dr maxamed Cabdilaahi Cumar oo shirweynahaasi furay ayaa u sharaxay ka soo qayb galayaasha waxii ay Somaliland qabsatay mudadii gaabnayd ee ay xukuumadani xafiiska joogtay, waxuuna si gaar ah u soo qaatay sida loo hagaajiyey xaaladda haweenka, isla markaana la xakameeyey dhibaatooyinkii soo waajahi jiray haweenka marka ay umulayaan, halka sidoo kalena kor loo qaaday nolosha iyo xirfadda shaqaalaha iyo ciidamada, isagoo cadeeyey in arimahaasi hirgelintooda ay hay’adaha qaramada midoobay door weyn ka qaateen.

Wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland oo ka hadlayey ujeedada kulanka maanta waxa uu sheegay in kulankani yahay mid dib loogu eegayo waxqabadka hay’adaha samafalka ee Somaliland ku sugan iyo doorka ay saxaafadda somaliland ka qaadatay.

Wasiirku waxuu sheegay in saxaafadda Somaliland ay horumar la taaban karo samaysay mudadii ay jirtay, isla markaana ay si xirfadaysan uga jawaabaan hawlaha ka socda wadankan.

((Somaliland waa dal nabadgelyo ku naaloonaya laakiin ku yaalla mandaqad ay dhibaatooyin ammaan ka jiraan) ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada Somaliland oo sidoo kale ka hadlay  in taasi tahay midda ay u taagan tahay  saxaafada Somaliland inay digtoonaan ka muujiso loogana baahan yahay saxaafada inay hubiso inay baxaan warar aan xaqiiqo ahayn.

wasiirku waxuu kaloo ku hambalyeeyay saxaafda somaliland koriinka ay samaysay waxuuna sheegay inay la siman tahay saxaafadda caalamka isla markaana ay ka qayb galaan kulamada heer goboleed  sida kii ugu dambeeyey ee Addis-ababa ku qabsoomay.

Dr Maxamed cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay in shirkii London ee dhowaan qabsoomay ay Somaliland ka heshay ammaan ay soo jeediyeen ka soo qayb galayaashii ka kala socday adduunka, isla markaana la garawsaday nadaamka Dimuqraadiyadeed ka horumar iyo ka maamul wanaag ee ay Somaliland gaadhay.

Xidhiidhiyaha qaramada midoobay ee arimaha gargaarka iyo bani’aadanimada ugu qaybsan Somaliland iyo Somalia Mr Marc Bowden oo kulankaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay ka soo qaybgalayaasha, waxuuna xusuusiyey mas’uuliyadda dhamaan dhinacyada ka saaran warbaahinta iyo shaqadeeda, sida Xukuumada, hay’adaha warbaahinta, NGO-yada iyo dhamaan dhinacyada kulanka ka qayb galay.

Marc Bowden waxa uu xusay in maanta ay Somaliland iyo beesha caalamka u tahay maalin weyn oo ay ka wada hadlayaan sida looga gudbayo caqabadaha hortaagan saxaafadda iyo shaqadeeadaba.

Xidhiidhiyaha Qaramada midoobay ee arimaha gargaarka iyo bani’aadanamida oo ka hadlayey doorka qaramada midoobay ee Somaliland waxa uu sheegay in horumarin balaadhan ay UN-ku ka wadaan Somaliland, iyadoo ururada qaarkood ay muddo dheer ka soo hawlgelayeen Somaliland, isla markaana ay 19 urur oo qaramada midoobay ka tirsani ka qayb qaataan arimaha gargaarka iyo horumarinta Somaliland.

(Waa arin dhiirrigelin na siisay in Somaliland talaabo horusocod ah samaynaysay tan iyo sanadkii 1990-kii, waxana aanu halkan u joognaa sidii aanu dawladda uga caawin lahayn qorshayaasheeda horumarineed ee ay waddo), ayuu yidhi Mark Bowden oo sidoo kale xusay in joogitaankooda Somaliland ay qayb ka tahay siday u caawin lahaayeen dadka laga tirada badan yahay.

Mark Bowden waxa uu sheegay in hay’adaha qarmada midoobay ee ka hawlgala Somaliland ay ka shaqeeyaan 450 ruux kuwaasoo 90% ay Somaliland u dhasheen kuwaasoo ku kala sugan guud ahaan gobolada Somaliland. iyadoo la waafajinayo heshiisyadii aanu la galnay dawladda Somaliland.

Xidhiidhiyaha Qaramada midoobay ee arimaha gargaarka iyo bani’aadanamida oo ka hadlayey safarkiisii Burco ee maalintii shalay ayaa sheegay inuu ku taxaluqay arimaha gargaarka ee Somalialnd oo uu ku sheegay inay sanadkii hore gaadhay ilaa 140 Milyan oo Doollar. dhaqaalahaas oo lagu bixiyey dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, Biyaha, saxada deegaanka, Beeraha, nabadgelyada iyo maamul wanaajinta.

 SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories