HomeShir Lagaga Hadlayay Sixir Bararka Iyo Isticmaalka Lacagta Dalka Oo Madaxtooyada Mar...

Shir Lagaga Hadlayay Sixir Bararka Iyo Isticmaalka Lacagta Dalka Oo Madaxtooyada Mar Kale Ku Qabsoomay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost) Kulan kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa loona adkayn lahaa Go’aamadii hore uga soo baxay Shirarkii kan ka horeeyey ee madaxweynuhu gudoominaayey ee la isla qaatay in hoos loo dhigo doolarka korna loogu qaadi lahaa isticmaalka Shillinka Somaliland.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Shirkan oo qaatay saacado ayaa waxa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) waxaana ka mid ahaa hadaladii Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Marwo Khadra Xaaji Gaydh “Kulanka maanta ka dhacay Madaxtooyadda oo uu isugu yeedhay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadu kana soo qaybgaleen agaasimeyaasha guud ayaa lagaga wada hadlaayey sidii kor loogu qaadi lahaa ee loo quwayn lahaa shillinka Somaliland, hoosna loogu dhigi lahaa Doolarka, tiiyoo uu maanta meel fiican marayo, isla markaana halkaa looga sii gudbi lahaa oo lagu salayn lahaa meceeshada laftigeedana hoos loo dhigi lahaa arrintaas oo awaamiirtaa uu farayey wasiirku agaasimeyaasha guud madaama ay yihiin mishiinada wasaaradaha ka shaqeeya, sidii xitaa kuwa ay lacagaha doolarka ahi soo galaan looga dhigi lahaa Somaliland shillin, wax kasta oo dawladda ka baxayaana uu Somaliland shillin u noqon lahaa Arrintaas ayaa maanta shirka lagu falan qaynayey waxaana ka soo baxay go’aamo aad iyo aad u wanaagsan oo dalka iyo dadkaba u dan ah”

Sidoo kalena waxa ugu danbayn halkaa waxaa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Muuse Abees oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen “maanta oo aanu halkan isugu yeedhnay Agaasimeyaasha iyo Hay’addaha madaxa-banaan qorshuhuna uu ahaa sidii loo quwayn lahaa shilinka Somaliland ee aaminkiisa loo heli lahaa, si shillinkii Somaliland, mushaharkii shaqaalaha iyo meelwalba lagu qaato shillinka Somaliland, Zaad-kii iyo E-Dahab-kii oo labadaba loo furayna in lagu shubto shillinka Somaliland.

Wasiiru dawlaha oo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale yidhi “Markaa Maanta waxa la farayey shaqaalaha dawladda in la tayeeyo shillinka Somaliland oo kor loo qaado, waxa kale oo loo sheegayaa dadweynaha in sixirkii Somaliland laftiisa uu maanta meel wanaagsan marayo go’aana dawladu ku gaadhay in uu 6,000 kun oo shillin gaadho, cid walbana waxa la farayaa go’aamadaa la qaatay ee sixirka ah in sideeda loo fuliyo cidii ka hortimaadana talaabadeeda ayaa la marinayaa waxaanan dadweynaha leenahay ku dhegenaada, Ascaartan kor u kacdayna baayac-mushtarka waxa aanu faraynaa inay hoos u dhigaan oo ay la socdaan maalin walba waxa uu sixirku marayo, waxa aanu leenahay qolada shaqaalaha ah ee aanu maanta halkan isugu nimidna in isu-duwayaasha gobolada loogu gudbiyo shillinka Somaliland, Hay’addaha ku qaata mushaharka lacagta adag waxa la farayaa iyagana inay lacagta ku shubaan baanka, dabadeedna loogu bedelo wixii sixirka suuqu marayo, Arrintaasaanu maanta isugu yeedhnay oo aanu kala hadlaynay agaasimeyaasha iyo hay’addaha madaxa-banaan, waana aanu isla qaadanay go’aamo adagna waanu isla gaadhnay. 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories