HomeShir Lagaga Hadlayay Maamulka Hawada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Burburay

Shir Lagaga Hadlayay Maamulka Hawada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Burburay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nairobi, (SLpost)- Dawladda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu burburay shir farsamo oo laga wadahadlayey maamulka hawada Somaliland iyo Somaliland oo ay Qaramada midoobay qabanqaabisay.Duulista

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Cumar- Sayid Cabdilaahi Aadan oo Hogaaminayey Wafti Somaliland ugu qayb galay shirkaasi, ayaa shaaciyey inay shirkaasi ka baxeen ka dib markii lagu soo bandhigay qorshe lidi ku ah heshiishkii maamulka hawada ee Somaliland iyo Somaliland.

Agaasime Cumar-Sayid ayaa sidoo kalena sheegay in shirkaasi uu burburay guud ahaan, ka dib markii Qaramada midoobay ay dhinaca Soomaaliya u xaglisay, arrimahaasina waxa uu kaga hadlay War saxaafadeed uu maanta ka soo saaray oo u dhignaa sidan:- “ Maalintii Salaada ee 7/7/2015-ka ayaanu ka soo amba baxnay dalkii aniga iyo la taliyaha wasaarada ee arimaha aviationka Axmed Omar Mohamed (Cago dable) si aanu uga qayb galno shir farsamo oo Hay’ada ICAO nagu casuuntay anaga iyo guddi farsamo oo dhigayaga ah oo ka socotay Soomaaliya, oo lagu qabanayey Magaalada Nairobi.

Shirkaas oo ku saabsanaa in Daneeyayaashu (stake holders ) ay farsamo ahaan ka doodaan qaabkii iyo hanaankii hawada Dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray loo wada maamuli lahaa oo labada dhinac uga wada faa’iidaysan lahaayeen.

Waxa shacbi waynaha Reer Somaliland ka dharagsan yahay gudo iyo dibabda in tiraba sadex jeer Soomaliya ogolaatay saxeexdayna in maamulka hawada Somaliland iyo Soomaliya la dajiyo caasimada Hargeysa iyada oo ay maamulayaan guddi isku dhaf ah , isla markaana tiraba dhawr jeer hayada ICAO ku cadaysay dhamaan Qiimaynadeedii in meesha ugu haboon ee la dagi karo tahay Hargeysa.

Waanu ka xunahay in dawladda Soomaalia ka baxday dhamaan heshiisyadaas oo dhan, iskana indha tirtay waaqaca iyo xaqiiqada hortooda taala iyada oo qol madaw hayda ICAO kula soo saxeexatay heshiis aanaan isku ogayn isla markaana kuwada socon awoodna ayna u lahayn fulintiisa.

Waxaanu shacbiga reer Somaliland la socodsiinaynaa in shirkii farsamada ahaa na loo soo bandhigay document qaybo qoraal ah oo u xaglinaya dhinaca Soomaaliya, isla markaana aan ku dhisnayn wax tixgalin ahna siinayn dhamaan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac.

Anaguna ka wasaarad ahaan arintaas waanu diidnay anaga oo dhamaan ka qayb galayaashii shirka oo uu ka mid ahaa safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya oo xubin sharafeed ka ahaa shirka hortooda ka cadaynay mawqifka Somaliland ee ah in la tixgaliyo heshiisyadii hore isla markaana marnaba aan gorgortan la galin Karin xaqa ay Hargeisa u leedahay marti galinta maamulka hawada.

Sidaas ayaanu shirkii ku burburay kagana soo baxnay ka dib markaanu wada tashi la yeelanay madaxdii naga saraysay.

Waxaanu dadka reer Somaliland ku calool adkaysiinaynaa inaynu dal ahaan awood dhaqaale iyo mid farsamaba u leenahay inaynu maamulano hawadeena arintaasina ay fududahay sidaynu imikaba u maamulano dhulkeena iyo badeena , laakin aynu tix galinay kana dhur sugaynay dhex dhexaadinta beesha caalamka oo doonaysay in aan hawada la siyaasadayn ee gudi farsamo oo isku dhaf ah inay maamusho, iyaguna ay dhex ka ahaan doonaan, arintaas oo gabi ahaanba meesha ka baxday.”

ALLA MAHAD LEH.

Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland.
09/07/2015

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories