HomeShir Lagaga Arrinsanayo Boko Xaraam Oo Maanta Ka Furmaya Nigeria

Shir Lagaga Arrinsanayo Boko Xaraam Oo Maanta Ka Furmaya Nigeria

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nigeria armyAbuja, (SLpost)- Waxa maanta ku shiraya caasimada Abuja ee dalka Nigeria, taliyeyaasha ciidammada dalalka Nigeria deriska la ah, iyagoo ka arrinsanaya dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhaca tan iyo markii xukunka Nigeria uu la wareegay madaxweyne Muxamadu Buhari.

Taliyaha ciidammada Nigeria ayaa marti gelinaya taliyeyaasha dhiggiisa ah ee dalalka Chad, Cameroon, Niger iyo Benin.

Guul laga gaadho dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam ayaa waxa muhiiim u ah wada-shaqeyn dhex marta dalalkaasi.

Is-aaminaad la’aan soo kala dhex gashay dalal badan oo gobalka ah, ayaa mar hoos u dhigtay weeraradii ay qaadayeen ciidammada Nigeria.

Bishii hore, madaxwyenaha dalka Chad, Idris Deby, ayaa sheegay in nasiib-darro ay tahay in ciidammada Nigeria iyo Chad aanay wada shaqeyn lahayn, isaga oo horena aad u dhaliilay doorka ciidanka Nigeria uu ka qaadanayay dagaalka Boko Xaraam.

Madaxweynaha cusub ee Nigeria Muxamadu Buhari, ayaa isla markii loo dhaariyay xilka sheegay in wada-shaqeynta dalalka gobolku ay muhiim tahay.

Si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam ayuu madxweynuhu amray in xarunta taliska ciidan ee Nigeria loo bedelo magaalada waqooyi bari dalkaasi ku taalla ee Maiduguri, halkaasoo udub dhexaad u ah kacdoonka Boko Xaraam. Ciidanka Nigeria ayaa sheegay in haatan ay ku dhaqaaqeen tallaabadaasi.

Madaxaweyne Buhari ayaa doonaya taageero caalami ah oo dheeraad ah in laga siiyo dagaalka ay Nigeria kula jirto Boko Xaraam.

Buhari oo ka qeyb galyay shir madaxeedka G7, ayaa sheegay in Nigeria ay doonayso in xog laga siiyo xidhiidhka Boko Xaraam ay la leedahay ururka Daacish iyo sidoo kale tabobarada iyo hubka ay haysato.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories