HomeShir-guddoonka Guurtida oo soo Bandhigaya Habsan Sanadeedkii Xildhibaanada

Shir-guddoonka Guurtida oo soo Bandhigaya Habsan Sanadeedkii Xildhibaanada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Shir-gudoonka Golaha Guurtidda Somaliland, ayaa  sheegay inay  dadweynaha iyo warbaahinta u soo bandhigi doonaan dhawaan Xildhibaanaddii fadhiyadda ugu badan ka maqnaa Golaha sannadkan sii dhammaanaya ee 2015-ka.

 

Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Guurtidda Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa  arrintaas ku soo qaaday  hadal uu ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 58-aad ee Golaha  Guurtidda oo shalay  furmay.

“Waxa si rasmi ah innoogu furmay, kal-fadhigii 58-aad ee Golaha Guurtida, kal-fadhi cusub baa innoo bilaabmay  sannadkuna waa dhammaad. Mudaneyaasha waxaan u sheegayaa in la sheegi doono habsan sannadkeedii xildhibaanada. Rag odayaal ah baynu nahaye waa in aynu soo dedaalnaa oo aynaan shaqada qaranka ka maqnaanin.Ajandihii berri (Maanta) ayaa la qaybinayaa,”ayuu yidhi  Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtiddu.

 

Geesta kale xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka mida  Mudaneyaasha aqalka Odayaasha, ayaa  shacabka ugu baaqay in ay ku dedaalaan ilaalinta iyo adkaynta nabad-gelyada, isagoo arrimahaas ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Mandaqadan aynu ku nool nahay waxa ka jira dhibaatooyin badan oo xagga ammaanka ah. Markaa waxa loo baahan yahay in arrimahaas isha lagu hayo oo lagu dedaalo ilaalinta ammaanka iyo xasiloonida dalkeennu ku caano maalay.”

Xildhibaan Maxamuud Xarreed, mar uu ka hadlayay kal-fadhigan 58-aad ee ay guda galeen waxa uu yidhi “Waxa noo furmay ajandihii kal-fadhigii 58aad, kal-fadhi kasta oo Guurtidu yeelato waxa muhiimada koowaad leh arrimaha ammaanka, sidaa darteed,  bulshada reer Somaliland waxaanu ku adkaynaynaa in ay ammaankooda ilaashadaaan.”

Fadhigan furitaanka kal-fadhiga 58aad ee aqalka odayaasha  ayaa waxa ka soo xadiray  badi xildhibaanda golahaas ayaa waxa la filayaa in fadhiga maanta  xildhibaanda  loo qaybiyo qoddobada ajandaha kal-fadhiga 58-aad ee u furmay, si ay dood iyo falayn-qeyn uga yeeshaan.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories