HomeShir-guddoonka Guurtida oo ka hadlay siday u arkaan Fasiraadda Sharci ee Madaxweynuhu...

Shir-guddoonka Guurtida oo ka hadlay siday u arkaan Fasiraadda Sharci ee Madaxweynuhu ka dalbaday Maxkamadda Sare

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa  ka hadlay tallaabada madaxweyne Siilaanyo kaga dalbaday Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka inay tafsiir sharci ka bixiso go’aanka khilaafka siyaasadeed abuuray ee golahaasi muddo-kordhinta ugu sameeyey madaxweynaha iyo Wakiillada, kaddib markii lagu guul-darraystay in Guurtida lagu qanciyo ka-tanaasulka go’aankaas oo xisbiyada mucaaradka ahi ku gacan-saydheen.

Khilaafkii Golaha Wakiillada oo la Xaliyey, Nuxurka Go’aamo Guurtidu ka soo saareen iyo qaabilaaddii labada dhinacGuddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac, ayaa sheegay inay Gole ahaan awood u sharci u leeyihiin, cid kalen aanay kala-tashan muddo-kordhinta oo dastuurka dalku fasaxay, balse madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu Maxkamadda sare ka dalbado tafsiir sharci haddii uu mad-madow dastuurka dalka meel-ka-dhac ku ah ku arko qodobbada sharci ee ay muddo-kordhinta u cuskadeen.

“Muddo-kordhinta annaga madaxweynuhu nagama dalban, golaha wakiilladuna nagama dalban, laakiin annaga sharcigaa na faray, waxa sharcigu na farayna, waa waajib aanu gudanayno. Sharcigu nama farayo inaanu madaxweynaha weydiinno oo nidhaahno Intee baa doonaysaa oo ku kalsoon tahay (Muddo-kordhin), taasna ma samayno annagu,” Sidaas ayuu yidhi Siciid Jaamac oo u warramay telefishanka HCTV.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay haddii uu mad-madow ku arkay go’aankayagii qodobbada aanu cuskannay qaybo ka mida ama dastuurka ka hor-imanayo inuu mar kaas u gudbiyo Maxkamadda Dastuuriga oo ah ta qudha ee tafsiir ku samayn karta wixii sharciga ku saabsan ee hay’adaha dowladdu ku kala shakiyaan.”

Mar Guddoomiye Siciid Jaamac la weydiiyey inay ku qancayaan go’aamada ka soo baxa Maxkamadda Sare, waxa uu yidhi, “Maxkamadda Dastuuriga ahi waa maxkamadda dastuurku u fasaxay, dastuurkuna waa sharciga ugu sarreeya dalka, waanu ku qanacsanahay, sababta aanu ugu qanacsanahayna waa weeyaan kalsoonida aanu maxkamadda ka qabno oo ah inaanay xukumaynin wax sharci-darro ah oo dastuurka iyo xeerarka dalka wax u dhimaya.”

Madaxweynaha Somaliland, ayaa 8-dii bishan August u gudbiyey Maxkamadda Sare warqad uu ka codsaday tafsiir sharci oo lagu sameeyo Heshiis xal-siyaasadeed lagu sheegay oo Xisbiyada iyo Xukuumaddu xilliga doorashada ugu muddeeyeen bisha December ee sannadka 2016-ka iyo Muddo-kordhinsannad iyo 10 bilood ah oo Guurtidu qalinka ugu duugtay Madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, taas oo xilliga doorashada ku riixday badhtamaha sannadka 2017-ka. Codsiga madaxweynuhu u gudbiyey Maxkamadda Sare ayaa yimi kaddib markii Guurtidu ku gacan-saydhay soo-jeedin madaxweynuhu kaga codsaday inay muddo-kordhintooda ku saleeyaan heshiiska dhexmaray xukuumadda iyo Xisbiyada.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories