HomeShir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland oo dawladda Somaliya uga digay inay Wax ka...

Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland oo dawladda Somaliya uga digay inay Wax ka Beddelaan Qodobbadii ka soo Baxay Wejigii Afraad ee Wada-hadalladda laba Waddan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md Siciid Jaamac Cali, ayaa dawladda Soomaaliya uga digay inay isbeddel ku sameyso qodobbadii ka soo baxay wejigii afraad ee wada-hadallada labada dal ee bishan horaanteedii ku qabsoomay magaalda Istanbul ee dalka Turkriga, kaas oo qodobkii ugu xaasaasinaa ee ku jiray ahaa is-afgarad iyo heshiis laga gaadhay murankii ka dashay maamul hawada Sare.

Md. Siciid Jaamac Cali  waxa uu sheegay in Somaliland ka tashanayso haddii dawladda Somaliya wax ka beddel ku samayso qodobbadii ka soo baxay wada-hadalladaas iyo heshiiskii laga gaadhay maamulka hawada Sare.

 “Waxa wada-hadalada goob joog ka ahaa Dawlada Turkiga oo iyadu marti qaadka Shirka fidisay. Haddii ay wax iska badelaan oo qodob ka mid ah qodobadaas, siiba qodobka Hawada oo ay yidhaahdaan intaas ha laga soo horaysiiyo ama ha laga dambaysiiyo, waa wax laga wada-hadli karo oo meel la isla dhigi-karo, laakiin haddii qodobka Hawada ay wax  ka beddelaan waxay noqonaysaa inay saamayn ku yeelato sii socodka wada-hadaladii iyo heshiiskii labada Dawladood ee wada-hadalada ,”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha guurtida ee Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali oo u warramay Telefishanka madaxa bannaan ee HCTV.

Siciid JaamacMd. Siciid Jaamac Cali oo xubin ka ahaa weftigii Somaliland uga qayb galaysay wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu sheegay inay suurta gal tahay in wada-tashi ay ka yeelanayaan haddii Dawlada Soomaaliya isbeddel ku samayso qodobka heshiiska ee Hawada. “Haddii ay wax ka badelaan oo Baarlamaankoodu ansixiyaan isbeddel xukuumadoodu ku samaysay qodobka Hawada, waxa Dawladda Somaliland ku waajib ah inay iyaduna wada-hadal ka yeelato sidii ay ka yeeli lahayd wada-hadaladii iyo qodobkaas, waxaanu ka yeelan doonaa wada-tashi,” ayuu yidhi Md Siciid Jaamac.

Digniinta Somaliland u jeedisay Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Hawada ee Soomaaliya uu dhawr jeer ku celiyey in maamulka Hawada sare xaruntiisa ay noqon doonto Magaaladda Muqdisho, isla markaana Xarunta laga furayo Magaaladda Hargeysa ay ahaan doonto mid farsamo oo hoos taga xafiiska Muqdisho, Iyada oo qodobkii Heshiiska wada-hadallada ku jiray tilmaamayey in Xarunta Hawada laga dhigo Magaalada Hargeysa isla markaana guddi labada dal ka kooban ay wada-maamuli doonaan dakhliga iyo hawlaha Hawada Sare ee dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.INFO/HARGEYSA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories