HomeShir-guddoonka Cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Xilka la wareegay

Shir-guddoonka Cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Xilka la wareegay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Shir-guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Sabtida maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay shirguddoonkii hore ee Golaha Wakiillada muddo-xileedkoodu dhammaaday.

Golaha Wakiillada Cusub oo fadhigoodii u horreeyey yeeshay Salaasadii todobaadkii hore, ayaa doortay saddexda xubnood ee Shir-guddoonka Golaha oo dhammaantood ka soo baxay Labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani. Cabdirisaaq Khaliid Axmed, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golahaas, halka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay Siciid Mire Giire, halka Guddoomiye ku-xigeenka 3aad loo doortay Cali Xaamud Jibriil.

blankMunaasibad xarunta Golaha loogu qabtay Xil-wareejinta labada shir-guddoon, ayaa waxa ka qayb-galay hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi qaran, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, maayarka Caasimadda, Ururrada bulshada, siyaasiyiin, Xubno ka tirsan Xildhibaannadii hore iyo kuwa cusub ee Golaha Wakiillada iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku xigeenkiisii Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo munaasibadda ka hadlay, ayaa shirguddoonka cusub inay ku dedaalaan sidii ay isugu wadi wadi lahaayeen Xildhibaannada Golaha, isla markaana uga wada-shaqayn lahaayeen danta guud iyo waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

blankShir-guddoonkii hore waxa ay ugu baaqeen shir-guddoonka iyo Golaha Cusub ee la doortay inay dhammaystiraan hawlaha wakhtigu u saamixi waayey golihii hore oo ay ugu horreeyaan ansixinta iyo dhammeystirka xeerar iyo shuruuc golaha hortaalla, kuwaas oo ay ka mid yihiin sharciga caasimadda iyo ka saxaafadda Somaliland oo qabyo ah.

Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga muxaafidka ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo madhasha hadallo ka jeediyey, ayaa kula dardaarmay shirguddoonka cusub iyo golaha inay ka shaqeeyaan midnimada golaha iyo sidii ay u sii ambaqaadi lahaayeen sharciyadii uu ka tegay golihii hore.

blankWasiirrada wasaaradaha Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Xidhiidhka goleyaasha iyo dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku booriyay Shirguddoonka iyo Xildhibaannada cusub ee golaha inay ilaaliyaan danta Guud ee Qaranka, isla markaana ay gutaan waajibaadka dastuurku u jideeyey.

Maayarka Hargeysa Md Cabdikariin Axmed Mooge, siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaanno ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo Xidhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, ayaa iyaguna dhankooda sheegay in golaha ay kala shaqayn doonaan waxyaabaha ay uga baahdaan islamarkaana ay siin doonaan wixii talo iyo tusaale ah ee ay uga baahdaan, iyagoo dhanka kale ugu baaqay in Xildhibaannada cusub ay ka shaqeeyaan midnimada iyo Danta Golaha.

blankGuddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guuleed oo halkaasi ka hadlay, ayaa halkaas ka ballan-qaaday inuu isku wadi doono 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiillada islamarkaana ay wada-shaqayn yeelan doonaan xukuumadda.

blankGuddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, waxa uu sheegay inay gole ahaan guda-galayaan hawlahooda Qaran oo ay bilaabayaan maalinta Berri oo ay u isugu iman doonaan fadhigooda labaad.

Gebo-gabadii munaasibadda, gudoomiyihii Hore ee golaha Md Baashe Maxamed Faarax ayaa Gudoomiyaha Cusub ku wareejiyey dhammaan hantida iyo agabka goluhu leeyahay, 11 buug oo ka kooban Siyaasadaha hab-maamul, waxqabadkii 15kii Sano ee ugu danbeeyey, hab-raacyada shaqo gudasho iyo qaar ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee golaha iyo qarankuba ku shaqeeyo. Waxa kale oo shir-guddoonka cusub lagu wareejiyey xeerarka qabyada ah ee golaha horyaala ee maraya wejiyada kala duwan ee ay shuruucdu marto.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories