HomeShir Deeq-bixiyeyaasha Reer Yurub kula Xisaabtamayaan Xukuumadda Somaliland oo Hargeysa ka furmay

Shir Deeq-bixiyeyaasha Reer Yurub kula Xisaabtamayaan Xukuumadda Somaliland oo Hargeysa ka furmay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

HARGEYSA (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa ku qabsoomay shirka 7aad ee Isku-duwidda Mucaawimooyinka Somalialnd, kaas oo dib loogu naaqishayo isla markaana lagu qiimaynayo wax-qabadka iyo mashaariicda laga fuliyey maalgelintan Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo dhaqaalihiisa ay bixiyaan waddamo ka tirsan Midowga Yurub, kaas oo maamulkiisa ay gacanta ku hayso Xukuumadda Somaliland.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) oo la aasaasay sannadkii 2013-dii, waxa maamulkiisa gacanta ku haya Xukuumadda Somaliland, waxaana loogu talo-galay in dhaqaalihiisa inta ugu badan lagu kobciyo ilaha wax-soo-saarka dalka iyo horumarinta Adeegyada Bulshada.

DSC_0380Shirkan oo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) maanta ka furay Hotel Maansoor, Maalinta Berri ahna la soo gebo-gabayn doono, waxa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Madaxtooyada, Xannaanada Xoolaha, Caddaaladda, Deegaanka, Ciyaaraha, Macdanta iyo Tamarta, Khayraadka Biyaha, Ganacasiga, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Madax kale oo ka socotay laamahada dawladda, Ururrada bulshada rayidka ah, kuwa dhallinyarada, Ganacsato, madax ka socotay deeqbixiyayaasha, gaar ahaan waddamada Midowga Yurub, dibloomaasiyiin, saraakiil ka socotay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah, Baanka Adduunka iyo Urur-goboleedka IGAD,

Shirkan oo sannadkii laba jeer laysugu yimaaddo, qaban-qaabadiisa ay iska leedahay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii lafo-gur loogu samayn lahaa mashaariicda ka fulay dhaqaalihii hore loogu bixiyey sanduuqa horumarinta Somaliland iyo warbixinaha xisaab-celinta mashaarciidaas iyo sida ay mudnaanta u kala leeyihiin, iyadoo la isku jaangoyn doono qorshayaasha sannadaha soo socda iyo meelaha u baahan in xoogga la saaro.

DSC_0262Madaxwaynaha Somaliland oo shirkaas furay, ayaa qaadhaan bixiyeyaasha uga mahad-celiyey wada-shaqaynta ka dhaxaysa xukuumaddiisa iyo taageerada ay ka geystaan sanduuqa Horumarinta Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu beesha Caalamka, gaar ahaan waddamada Yurub ee dhaqaalaha ku taageera Sanduuqa Horumarinta Somaliland uga mahad-celiyey wada-shaqaynta ka dhaxaysa xukuumaddiisa, isaga oo faahfaahin ka bixiyey barnaamijyada ka hirgalay qorshayaal hore loo dejiyey iyo ku-talo-galka miisaaniyadda dawladda ugu jira mashaariicda horumarineed ee dhinacyada adeegyada bulshada.

“Waxaanu immika haynaa 18 milyan oo Dollar oo lagu darayo miisaaniyadda 2015-ka oo loogu talo-galay adeegyada bulshada iyo qalabayn. Tani waxay muujinaysaa dedaallada wada-shaqaynteenna,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

“Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ah nidaamka Dhaqaale ee dawladdu ugu talo-gashay in lagu bixiyo Qorshaha La-macaamilka u gaarka ah Somailand, waxaanu diyaar u nahay inaanu ka dhigno mid guulaysta oo Somaliland ku soo jeediya indhaha Caalamka.

Waxa jeclaan lahaa inaan ku marti-qaado inay qayb ka noqdaan hababka kale ee kor loogu qaadi karo taageerada Sanduuqa Horumarka Somaliland oo ficil ahaan u taagan Heshiiskii Cusbaa (New Deal) oo shaqaynaya,” sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay, ayaa si faahfaahsan uga warramay ujeeddada shirka iyo qodobada lagu lafogurayo oo uu sheegay inay tahay waxqabadka ka fulay mucaawinooyinka Somaliland la siiyo oo war-bixin loogu gudbinayo deeq-bixieyayaasha.

Mr Anderson oo ku hadlayey magaca dawladda Denmark, ayaa ka dhawaajiyey sida ay ugu qanacsanyihiin Horumarka Somaliland ay gaadhay isagoo xusay inay sii wadi doonaan deeqaha iyo mucaawinayooyinka ay siinayaan Somaliland. Sarkaalkani waxa kale oo uu ka hadlay xubin haweenka ah ee loo magacaabay Guddiga doorashooyinka oo uu sheegay inay soo dhawaynayaan.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo madaxdii ka socotay ka qaybgalayaasha shirkana dhammaantood, kuwaas oo dhammaantood wakiilladii ka socday deeq-bixiyeyaasha uga mahadceliyey taageerooda Somalilad.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories