HomeShir Ay Hore Ugu Dhawaaqeen Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo Qaban-qaabadiisu Socoto Iyo...

Shir Ay Hore Ugu Dhawaaqeen Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo Qaban-qaabadiisu Socoto Iyo Nuxurka Uu Xambaarsan Yahay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa  (SL.Post) Siyaasiyiin ka soo jeeda bariga magaalada Burco iyo Koonfurta Hargeysa, ayaa dhawaan iclaamiyay qabashada shir lagu sheegay inay ku falanqaynayaan xaalada siyaasadeed ee Somaliland, kuwaas oo la sheegay in ujeedada ay ka leeyihiin tahay helista cudud mucaaridnimo.

 

 

axmed-mire

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hure  (Buubaa) oo u arrintan uga waramay Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay,  ayaa ka waramay qaban qaabada shirka ay doonayaan inay qabsadaan beelaha galbeedka Burco iyo bariga iyo koonfurta bari ee Hargeysa iyo sida uu arko aragtida taban ee gudoomiyaha xisbiga Ucid ka bixiyey.

 

 

Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay cadaadis la sheegay inay xukuumadu saartay sidii aan loo qaban lahayn shirkaasi, balse waxa uu tilmaamay in qaban qaabashada shirkaas ay gacanta u galiyeen madax dhaqameedka ilaa hadana aan wakhti loo qaban.

 

 

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa  oo ka hadlaya wakhtiga shirkaasi la qabany ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Shirkaas lama odhan dib buu u dhacay  mana maqal wakhti uu dhacayana lama sheegin, Guddidii dhaqanka ee loo saaray arintaas wali war nagumay soo celin  wakhti loo qabtayna ma jiro”

 

 

Ismaaciil Hure Buubaa oo aanu wax ka waydiinay cadaadiska la sheegay inay xukuumadu saartay qabashada shirkaasi ayaa waxa uu ku jawaabay “Beeluhu waa kuwaas wada shiraya  ee meel kasta lagu shirayo  oo waxba kuma jabna, laakiinse waxa loo shirayaa waa maxay?, haddii uu yahay wax danaha umadda dhibaato u geysanaya ha laga fiirsado  laakiin haddii uu yahay shir wax hagaajinaya ilama aha inay wax dhibaato ahi ku jiraan, Aniguna  ma filayo wax dhibaato ah oo shirkan umadda  ugu jira inay ka soo bixi doonaan  wanaag mooye”.

 

 

Sidoo kale waxa uu ka hadlay sida ay la tahay aragtida uu Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ka bixiyey shirkaasi ayaa waxa uu yidhi “Qofku xaq buu   leeyahay cidna afka la qaban maayo, lamana cabudhinayo, haddii uu isagu (Eng: Faysal Cali Waraabe) sidaas u arko shirka  dad badan oo kalena  si kale ayey u arkaan, waana dimuqraadiyad, qofna afka ma qaban karo qof kale laakiin waxa fiican in wixii wanaagsan laga wada shaqeeyo.”

 

 

 

Sidoo kale  mar aanu siyaasi Ismaaciil Buubaa waydiinay in ujeedada shirkaas ay u qabanayaan tahay sidii ay beelaha shirayaa u taageeri lahaayeen xisbi kaliya ayaa waxa uu ku jawaabay “Ma jecli runtii aan ka hor dhaco, shirkan dad dhaqan ayaa loo saaray, waxaanu shirkani ku hawlan yahay wanaaga iyo wax wada qabshada, arimaha siyaasadana waa loo iman doonaa oo wakhtigooda ayaa la gaadhi doonaa, sidaas ayaanay arintu madax dhaqameedka gacantooda ugu jirtaa oo aanay siyaasiyiinta ugu jirin.”

 

 

Somalilandpost Hargeysa.

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories