HomeShillin Soomaalilaandka itaalka daran yaa hagraday?!!!

Shillin Soomaalilaandka itaalka daran yaa hagraday?!!!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Anigoo tixraacaaya maqaalka magaciisu ahaa “Kaashkii Somaliland Yaa Liqay” ee uu qoray Dr Ahmed Ali Kaahin kuna soo baxay wargeyska Sahan cadadkiisii 270aad ee 05/10/2015 haddii aan isku dayo inaan wax ka idhaahdo sababaha uu la itaalka daraaday shilinku marka loo eego lacagta qalaad ee uu leeyahay shaydaanka ugu itaalka roon dhaqaale ahaan iyo military ahaan ba dunidan maanta aan joogno waxa aan ku soo ururuin lahaa qodobadan:-

  1. Baanka dhexe oo kaalintiisii gabay
  2. Baahida iyo haqabtirka oo aan isu dheelitirnayn
  3. Dagaalka dalka Yemen

 

Kaalinta baangiga dhexe(Roles & responsibilities)

Shaqooyinka baanka dhexe waxa ka mid ah:-

  • Dejinta iyo fulinta siyaasad lacageed oo u horseedda dalka iyo dadka koboc dhaqaale iyo shaqo abuur
  • Horumarinta degenaanshiiyaha nidaamka maaliyadeed ee dalka(Promote financial stability)
  • Maamulidda, soo saarista iyo qaybinta lacagta dalka(manage nation’s currency production & distribution)
  • Ku wargelinta dadka xaaladda dhaqaale ee guud ahaan dalku kolba maraayo iyagoo soo saaraaya tiro koob dhaqaale(periodic economic statistics.)

 

Haddaba marka aad eegtid qodobada afarta ah ee aan ka soo qaadannay shaqooyinka baanka dhexe waxa keliya ee uu innooga hawlgeli jiray waxay ahayd maamulidda soo saarista iyo qaybinta lacagta oo isaga oo keliya ayaa daabacaadda iyo qaybintaba lahaa, isaga uun baa innaga ilaalin jirey lacagaha la soo samaysto ee forgery-ga ah balse waxa aad hadda moodaa in xataa kaalintaas lagala wareegay oo shirkadaha ku shaqaysta “ Mobile money transfer” ka wareejiyeen. Lacagta noodhka ah( currency notes) waxay bedeshay lacagihii ka horeeyey ee dahabka iyo fidada ahaa iyo weliba habkii is-weydaarsiga(barter system) sidaas darteedna dadku waxay u aqoonsan yihiin inay tahay ta keliya ee ka dhaxaysa ee ay wax ku kala iibsadaan(medium of exchange) waxaana masuul ka ah baanka dhexe, hadaba waxa hadda innagu soo kordhay dhibcahan moobaylada laynoogu shubo lana waydaarsaday ee laynagaga urursaday malaayiinka doolar shaydaanka innaguna dhibca uun isku warwareejinaynno iyadoo noodhkiina rag innaga urursadeen oo khasnada waaweyn iyo meelo ay ku keydsadaan u samaysteen, danahooda ganacsi ee hunguri weynaanta ku dhisanna ee ay innoogu sheegaan maalgelintana u adeegsadaan iyadoo uusan baankii ku shaqada ilaalinta daabacaadda lacagtana dhaadanayn malaayiinta dhibcaha ah ee la abuurtay, kuwaasoo ka qaybqaatay sicir bararka aafeeyey dhaqaalihi danyarta iyo wadankaba guud ahaan. Maxay ku kala gedisan yihiin haddii aan malaayiin noodhadh ah soo daabacdo iyo marka aan malaayiin dhibco ah abuurtay dhegoodana baanku uusan iga hayn !! iskaba daa in ay iga hayaan wax u dhigmee aysan ka warqabin saamaynta ay dhaqaalaha ku yeelanayso iyo sida aan u shaqaynaayo!!! Bal ka warran haddii uu burburo system-yadan electronic  ah maxaa damaanad u ah dadweynihii adeegsanaayey ilayn waa kanoo baankii wax damaanad ah kama hayee iyada iyo dhigaalada kale ee urursadaanbee!!! Ma dejisan tahay shuruucdii lagu kala bixi lahaa haddii is-maan dhaaf yimaado, meeshu ma meel ay cid walba ka fushataa wixii ay doontaa!! Waxaynnu aragnay jiif oo jaqdii, waxaynaan ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigtay Bontus Marine oo malaayiin doolar dadka kaga urursatay kalluunka badda !! yaa dadka uga masuul ah ilaalinta hantidooda!!!

 

  1. Baahida iyo haqabtirka lacagta shaydaanka(demand & supply)

 

Waxay ahayd in waxa aynnu dhoofinnaa ka bato amma le’ekaado waxa aynnu soo dejisanno ee aynu dibadda uga baahanahay ammase ugu yaraan la soo baxnno waxa aynnu quudanaynno iyo waxa aynnu xidhanayno waxase muuqata taas cagsigeeda markaa sidee ummad noocaas ihi uga bad-baadi kartaa sicir barar, cunaqabatayn iyo inay midiidin  u noqoto ummadaha wax la soo baxa!!!

Sidaas darteed waa in dawladdu u jihaysaa dadka dhinaca waxsoosaarka oo ay dhiirigelisaa beeralayda,xoola dhaqatada iyo dadka ku hawlan wax la soo bixidda, miisaaniyadana qayb laxaad leh ka siisaa waxbarashada , caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo beeraha marka laga yimaado difaaca qaranka.

 

  1. Dagaalka dalka Yaman

Yamani waxay ahayd sayladda ugu weyn ee xoolaheennu u dhoofi jireen sannadka oo dhan(whole the year) waxaana innaga soo geli jirey lacag adag haba ka raagto ganacsatada’e, haddaba dagaalka ka dhacay dalkaasina wuxuu meesha ka saari dakhligii halkaas kasoo xeroon jirey, waayatiinkiisiina wuxuu shidaal u sii noqday dabkii sicir bararka ee gudaheenna marka horeyba ka hulcaayey waxaanan u gacan gelnay cadow aan naxayn oo marba markab geel amma adhi ah innagu soo celiya.

 

Ugu danbayn waxa aan isleeyahay waxyaalaha sicir bararka innoogu wacan qodobadaas aan kor ku soo xusay, waxaanan leeyahay waxa hagraday baankii ilaalin laha qiimaheeda iyo qaayaheedba, waanan soo dhawaynayaa wixii sixid iyo naqdin labadaba.

 

Allaa mahad leh

Maxamed Jaamac Iriir

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories