HomeShilalkii Ugu Dhimashada Badnaa ee ka Dhacay Xaramka Inta la Ogyahay.

Shilalkii Ugu Dhimashada Badnaa ee ka Dhacay Xaramka Inta la Ogyahay.

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Shilkii dhowaan ka dhacay xaramka barakaysan ee Makkah oo ay ku naf waayeen 107 ruux oo ka mid ah xujaajtii sannadkan 2015ka isu diyaariyey in ay gutaan waajibaadka xajka, isla markaana ay ku dhaawacmeen 238 ruux, waxa uu dad badan maskaxdooda ku beeray in ay su’aal iska weydiiyaan bal in shilkan kuwo kale oo la mid ahina ay soo mareen Xaramka xilliga ay dadku xajka u joogaan. Haddaba qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa qormo uu degelka Mamlaka Press ka sameeyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee inta la xasuusto ugu dhimashada badnaa ee xaramka ka dhacay:

  1. Sannadkii 1975kii:

Dab aad u weyn oo ka kacay taandhooyin ay dadka xajayaa deggenaayeen oo u dhowaa magaalada Makkah, waxaana ku naf waaya 200 oo qof. Qaraxani waxa uu ka dhashay haan gaas ku jirto oo qaraxda, waxa aanu si dhaqso ah ugu faafay taandhooyinkii ay xujaajtu deggenaayeen.

  1. Sannadkii 1987:

Ciidamada Ammaanka ee dalka Sucuudiga ayaa xoog ku kala kaxeeyey mudaharaad mamnuuc ahaa oo ay xaramka gudihiisa ka dhigeen xujaajtii sannadkaas ka socotay dalka Iiraan, iska hor imaad dhex maray ciidamada ammaanka iyo dibad-baxayaashaas ayaa waxaa ku naf waayey 402 ruux.

  1. Sannadkii 1990kii:

Is-cidhiidhi ka dhacay mid ka mid ah jidadka Mina oo dhulka hoostiisa, waxaana jiray warar xooggan oo sheegayey in nidaamkii hawada keenayey jidkan uu xumaaday, waxaana shilkaas ku dhintay Kun Afar boqol iyo Labaatan iyo Lix Xaaji (1’426).

  1. Sannadkii 1997kii:

Dab weyn oo ka dhashay kululeyso gaas ku shaqaynaysay ayaa ku faafay taandhooyinkii xujaajtu deggenayd waxaana ku naf waayey Saddex boqol, Afartan iyo Saddex Xaaji, halka uu dhaawacuna ahaa Kun iyo Shan Boqol oo Xaaji.

  1. Sannadkii 2004ta:

Is-cidhiidhi ka dhashay tirada xad dhaafka ah ee xujaajoo Mina ka dhacay maalintii koowaad ee dhagax-tuurka sannadkii 2004ta ayaa waxaa ku dhintay 244 ruux.

  1. Sannadkan 2015:

Maalin Jimce oo ahayd gelinkii dambe ee 11kii September 2015ka ayaa roobab dabaylo aad u xooggan watay oo ka dhacay Xaramku waxa ay dusha sare ka soo rideen mid ka mid ah wiishashka xoogga badan oo ka mid ahaa qalab lagu fulinayey ballaadhin lagu samaynayey xaramka oo xajka dartii loo yara hakiyey. Wiishkaasi waxa uu ku soo dhacay meel u dhow kacbada gaar ahaan maqaam Ibraahiim waxaanu dilay 107 Xaaji halka dhaawacuna ka noqday 238 xaaji.

 

 Xigasho: Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories