HomeSHIINAHA: Qoysaska oo loo Ogolaaday in ay Dhalli Karaan Laba Caruur ah

SHIINAHA: Qoysaska oo loo Ogolaaday in ay Dhalli Karaan Laba Caruur ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Beijing(SLpost):- Xukuumada Shiinaha ayaa dabcisay sharcigii iyo siyaasadii qoyska u degsanaa, gaar ahaan dhinaca dhalmada, waxaana qoysaska dalkaas loo ogolaaday in ilme labaad ay dhali karaa, halkii ay hore uga ahayd ama sharcigu uga ogolaa oo kaliya ilme kaliya in qoysku dhalaan.

 

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka u faafisa dalka Shiinaha ee Xinhua oo Somalilandpostsoo xigtay, waxa la dabciyay siyaasadii 1979-kii dalkaas lagu soo rogay ee ahayd in qoysku ilmo qudha dhali karaan, waxaana loo ogolaaday in labo carruur ah ay dhalaan, sida loo malaynayana waxa dabcinta sharcigan sababay dhibaato dhinaca carruurta iyo dhalinyarada oo ka jirta dalkaas, taas oo dib u dhac ku keeni karta dhaqaalaha koraya ee Shiinaha.

 

Ku dhawaaqistan aan la filanayn ee lagu dhawaaqay arbacadii todobaadkan ayaa la rajaynayaa in uu sii jiri doono.

Saamaynta uu yeelan doono  isbeddelkan  lama filaanka ah ee Khamiistii shallay lagu dhawaaqay ayaa la filayaa in ay uu u socon doono si tartiib ah . Laakiin dakhliga dalka adduunka ugu dadka badan oo bata, xitaa korodhka yar ee dhalashada ayaa ka turjumi kara baahida sare ee dadka Chineseka ah in ay udhaqaajiyaan adduunka oo dhan .

 

Go’aanka u ogolaanaya laba kasta oo is qaba in ay yeeshaan laba caruur ah , soona afjaraya  siyaasadda ku xadidaysa qoysas badan oo magaalooyinka ku nooli in ay yeeshaan hal ilme , ayaa ku soo beegmay dadaalka rasmi ah ee loogu jiro dhiirigelinta koboc dhaqaale oo ku salaysan qarashaadka.

 

Aabo dhalay wiil sideed (8) jir ah oo magiciisa la yidhaahdo Wei Gaung, ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisu ay horeba u tixgelinayeen in ay dhallaan ilme labaad, inkasta oo kharashka ku baxayaa uu ku niyad jabinayo ayuu sheegay. Waxa kale oo uu Wei xusay in cuntada, dharka, qalabka ay caruurtu ku ciyaarto iyo casharada dugsiga iyo kharashaadka kale ee ku baxayaa uu k aka badan 100, 000 (Boqol kun oo Yoonka Shiinaha ah)

Cilmibaadhayaal deegaan oo arrintan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in la rajaynayo boqolkiiba shan ilaa boqolkiiba toban (5% to 10%) in ay kor u kacdo heerka dhalashada ee dalka Shiinuhu

 

Siyaasadda hal ilmo ayaa la loogu tala galay in ay lagu dhowro ilaha dakhli waqti wakhti uu fakhri badani ku baahay taasoo laga cabsi qabay in uu saameeyo korodhka dadka aan nidaamsanayn . Sidoo siyaasaddii hal ilme lagu xadidayey ayaa sababtay da’da celcelis ahaan Shiinaha oo sii xumaata , taasoo keentay welwel ku saabsan in shaqaaluhu yaraanayaan, dadka hawlgabka ahina sii kordhayaan.

 

China ayaa hore u lahaa mid ka mid ah da’da celcelis ahaan ugu badan da’ dhexaadka(Median ages) waddamada Aasiya oo ah ee 37.3 sano sanadkii 2014, isla markaana  kor ugu kici karta 40 sanno,  sannadka 2025 , sida laga soo xigtay Warbaahinta Eghbal ee Euromonitor International oo ah shirkadda Cilmibaadhiseed.

 

Cabbirka da’da shaqaalaha Shiinaha oo 15 ilaa 64 ah ayaa la filayaa inuu hoos u dhaco laga bilaabo sanadka soo socda , sida ay Eghbal Euromonitor ku qiyaastay in shaqaaluhu dib u nusqaami doono11 milyan oo qof  inta u dhaxaysa 2015-2020

 

Khubarada ayaa sheegaya in ay ku qaadan doonto labaatan sano in caruurta dhasha inta siyaasaddan dabacsan ay saameyn weyn ku yeelanayaan shaqaalaha dalka . Laakiin waxa khasab noqonaysa bay yidhaahdeen in la kobciyo dhaqaalaha sida ugu dhakhsaha badan badhtamaha sanadka soo socda.

 

Saamaynta Dhaqaale ee Siyaasaddan Cusub?

 

Khamiistii , Shirkadda Mead Johnson ee Nafaqada ka shaqaysa , taas oo samaysa caanaha  caruurtu cabto , ayaa kor u qaaday in badan boqolkiiba saddex (3 %) .

.

“Shiinuhu wuxuu noo yahay suuq wax iibsi oo muhiim ah, markaa waa in aannu  si taxaddir leh isha ugu haynaa la qabsiga siyaasadda ugu dambaysay , ” ayuu yidhi Chris Perille, afhayeenka shirkadda .

 

Jeremy fast , oo ah ganacsi abuure kasameeya ganacsiga Shiinaha , ayaa sheegay in siyaasadda halka ilmo ahi ay waxyeelo u gaysanayso korodhka dadka ee dalka,   laakiin korodhka dadka ee ay dhakhso u keenayso siyaasaddan dambe waa fursad ganacsi oo qiimaheedu kor u dhaafayo trillion doolar ah .

 

“Dhamaan dadku waxay u baahan doonaan in la siiyo , dhar , hoy , caafimaad , ka shaqaysiin , gaadiid , iyo isku-xidh” ayuu yidhi  jeremy.

 

 

Xigasho: Xinhua – waxa afka soomaaliga u soo haltabiyey Somalilandpost

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories