HomeShiinaha Oo Jabuuti Saldhig Militari Ka Dhisanaya

Shiinaha Oo Jabuuti Saldhig Militari Ka Dhisanaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Jabuuti(SLpost)- Miltariga Shiinaha ayaa wada hadallo kula jira, dalka Djibouti, kuwaas oo ku aadan sidii uu Shiinuhu uga dhisan lahaa dalkaas saldhigyo, taageera howlgalada Shiinaha ee dhinaca Nabad ilaalinta iyo la dagaalanka Budhcad badeedda.

 

Hadalkan ku aadan wada hadalka Djibouti iyo Shiinaha ayaa waxaa shaaciyay labadaba wasaaradood ee difaaca iyo arrimaha dibadda ee Shiinaha, maalinimadii Khamiis.

 

Hadalkan ayaa sidoo kale ka dambeeyay hadal bishii May ee la soo dhaafay uu Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle u sheegay warbaahinta Faransiiska, oo ahaa in dawladiisu ay wada hadal kula jirto Shiinaha ku aadan saldhigga uu doonayo Shiinaha inuu ka sameysto dalkaas.

 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha , Hong Lei, ayaa sheegay in saldhigyadan ay shiinaha ka caawin doonaan dhinaca sahayda,  gaar ahaan shidaal qaadashada maraakiibta iyo dayuuradaha Milatary ee shiinaha, waxey yeelan doonaan meelo ay ku nastaan ciidamada Shiinaha oo ay isku abaabulaan marka ay howlgallo ka fulinayaan Africa, iyo keydad cunto.

 

“Xarumahan la dhisayo waxey ka caawin doonaan ciidamada Shiinaha, inay kaalin mug leh ku yeeshaan howlgalada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay , inay fuliyaan howlgallo ay ku ilaalinayaan maraakiibta mareysa xeebaha Somalia iyo gacanka cadmeed, isla markaana ay bixiyaan kaalmo bani aadnimo, waxey shiinaha ka caawin doonaan gudashada waajibaadyada caalamiga ah, si ey gacan uga geystaan nabadda iyo xasiloonida gobolka” Ayuu yidhi afhayeenka.

 

Afhayeen sidoo kale u hadlay wasaaradda difaaca ee Shiinaha ayaa sheegay in Shiinuhu uu doonayo inuu kaalin muuqata ka qaato xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida gobolka.

 

Horaantii bishan, ayaa sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Shiinuhu waxa uu booqday Dalka Djibouti, halkaas oo uu ku soo kormeeray markabka ciidamada badda Shiinaha ee qeybta ka ah howlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeedda.

 

Mareykanka, iyo Farnsiiska oo Djibouti gumeysan jiray ayaa labaduba saldhigyo military ku leh dalkaas.

 

Waxaa intaa dheer in ciidamo kala duwan oo dalal kale ka soo jeeda ay adeegsadaan dekedaha Djibouti, gaar ahaan ciidamada qeybta ka ah la dagaalanka budhcad badeedda xeebaha Somalia.

 

Dadka ka falooda arrimaha milatariga ee reer galbeedka ayaa xidhiidhiyay Qorshaha Shiinaha ee saldhigan iyo horumarka military ee uu gaadhay, laakiin Bejing oo ka jawaabeysa walaacaa ayaa sheegtay inaysan saldhig military oo weyn aysan ka dooneyn inay ku yeelato meel shiinaha dibadda ka ah.

 

Geeska Africa waxaa ka jooga Shiinaha ilaa iyo sanadkii 2010kii, maraakiib dagaal oo qeyb ka ah howlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeedda Somalia.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories