HomeShiinaha Oo Jabsaday Xogta Internet-ka 4 Milyan Oo Shaqaalaha Dawladda Mareykanka Ka...

Shiinaha Oo Jabsaday Xogta Internet-ka 4 Milyan Oo Shaqaalaha Dawladda Mareykanka Ka Mid Ah

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

washington, (SLpost)- Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in xafiiska maamulka shaqaalaha ee Maraykanku uu maalinta Isniinta ee soo socota bilaabi doono inay ogaysiiyaan shaqsiyaadka uu saamaynta ku yeeshay weerar ballaadhan oo lagu qaaday shaqaalaha  dawladda Maraykanka.Internet-Explorer-hacked

Xafiiskan ayaa ururiya macluumaadka gaar ah ee Malaayiin ka mida shaqaalaha Federaalka ee dawladda Maraykanka isla markaana bixiya ruqsadaha tilmaamaya shaqaalaha lagu kalsoonaan karo ee u shaqaynaya xafiisyada dawladda.

Masuuliyiinta xukuumadda ayaa ka gaabsaday inay si furan u cambaareeyaan weerarkan lagu xaday macluumaadka shaqaalaha iyaga oo sheegay inay baadhisi socoto.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta Maraykanka iyo dadka wax falanqeeya ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in koox fadhigoodu yahay dalka Shiinaha inay masuul ka ahayd weerarka dhinaca Internetka ah ee lagu soo qaaday hay’ado kala duwan oo Maraykanka ah.

Weeraradan dhinaca Internetka ayaa lagu bartilmaameedsaday macluumaadka shaqsiga ah ee dad gaadhaya illaa 4 Milyan oo ka mida shaqaalaha Federaalka Maraykanka ee iminka iyo kuwii horeba.

Brad Garrett oo hore ula shaqayn jiray hay’adda dembi-baadhista Maraykanka ee FBI ayaa yidh. “Goobta weerarka laga soo qaaday ayaa ah dalka Shiinaha, Su’aasha la isweydiinayo ayaase ah door ma ku leedahay dawladdu mise waa koox gaar ah oo Computer-ada jabsata.”
Dawladda Shiinaha ayaa jawaab cad ka bixisay eedaha loo soo jeediyey ee lala xidhiidhiyey weerarka lagu qaaday shaqaalaha dawladda ee Maraykanka.

Hong Lei oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Shiinaha ayaa ku doodday. “Waxaanu ka filaynaa dawladda Maraykanku inay joojiso eedaha aan sal iyo raadka toonna lahayn, taas bedelkeedana ay muujiyaan is-aaminaad iyo wada-shaqayn”

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee dalka Maraykanka John Earnest ayaa si kooban arrintan uga hadlay, waxaanu yidhi. “Gunaanadka arrintan uma boodi karo, oo kama hadli karo cidda weerarkan geysatay ama dalka geystay”

Wuxuu Afhayeenka Aqalka Cad oo hadalkiisa sii wata uu sheegay in dawladda Maraykanka iyo Shiinuhu ay xilligan ka wada xaajoonayaan arrimaha la xidhiidha weerarada dhinaca internetka.

“Marka laga hadlayo dalka Shiinaha, waxaad la socotaan in madaxweynuhu marar kala duwan iyo kulan walba oo uu la yeeshay madaxweynaha haatan xukuma dalka Shiinaha inuu u muujiyey walaaca isa-soo taraya ee la xidhiidha weerarada ka imana dalka Shiinaha”

Afhayeenka ayaa sheegay in dawladda Maraykanku ay qaadayso tallaaboyin xooggan oo lagu difaacayo laguna ilaalinayo xogta dawladda si aanay ugu soo dhicin kooxaha weerarka ku soo qaadaya computer-ada Maraykanku.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories