HomeSHEEKO XIISO LEH - Bakhaylkii Xeeladda Yaqaanay ~ W/Q: Cali Xuseen

SHEEKO XIISO LEH – Bakhaylkii Xeeladda Yaqaanay ~ W/Q: Cali Xuseen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa la yidhi baribaa waxa jiray nin. Ninku dadka wax ma siiyo mana deyrsho, Qof walba xeelad iyo khiyaamuu kaga baxaa oo qof waliba wuxuu ka tagaa isaga oo farxaan ah oo aan wax la siin. Berigii dambe ayaa ninkii la isu wada sheegay oo la ogaaday.

Maalintii dambe ayaa afar wadaad ninkii soo raadsadeen oo is yidhaahdeen; Bal ninkan la sheegayo soo eega oo haduu bakhayl yahayna wa…cdiya haddii dadku been ka sheegayana dadka ka celiya.

Wadaaddadii baa ninkii u yimi oo ku yidhi “Waar ma adaa ninka bakhaylka ah ee la sheegaa?”
Markaasuu ninkii yidhi “Walaalayaal dadka ha ii maqlina ee waxaad iga aragtaan igu xukuma, iminkana soo dhowaada si gobanimo ah baan idiin sooryaynayaaye”

Markaasaa wadaaddadii is eegeen oo is yidhaahdeen “Waar malaa dadkaa been ka sheegaya ee aan fadhiisanno oo wuxuu yeelo eegno”.
Markaasaa ninkii afadiisa oo aad u af taqaana u yeedhey oo uu ku yidhi; Naa ardaa-nijaasigii harag-ey nimanka u soo gogol”
Nimankii baa markay nijaastii iyo harag ey maqleen is eegay oo yaabay. Markaasaa naagtii harag ardaa u soo dhigtay. Markaasaa nimankii oo shakisan uu haddana naagtii ku yidhi;
“Naa hadhuubkii Qar Dooro saalo dameereed ku soo uumi” Nimankii markay hadhuubka magac xumaantiisa iyo waxa lagu uuminayo maqleen ayaa naxdin iyo yaab loo keenay. Markaasay naagtii wax aanay nimaku aad u arkayn hadhuubkii ku uumisay. Markaasay u timi oo tidhi; “Hadhuubkii waa diyaar” Markaasuu haddana ku yidhi; “Orod oo sacii hebel ee aan agoonta ka soo dhacay odayaasha u soo lis”
Markaasaa wadaaddadii iyagoo muraaradilaac ah meeshii ka dareereen oo yidhaahdeen: “Waar naga tag soortaada cunni mayno’e shaydaanyohow”
Markaasuu ka daba tagay oo ku yidhi, “Walaalayaal ha iga tagina eh waxaan idin siiyo hubsada”.Ma niman waxaa maqlay baa wax hubsanaya judhii bay wadada cagta saareen. Isna waa intuu doonayay.

Cali Maxamed Xuseen Wacays

wacays_gg@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories