HomeSHEEKO KALE KEEN: Xidigiye iyo Xorfad – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

SHEEKO KALE KEEN: Xidigiye iyo Xorfad – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Cabdisalaan Yaasiin

Nin xidigiye ah ayaa waxa uu dhaqan u lahaa in uu habeenkii dibedda u baxo oo xidigaha dhugto. Meelo kala duwan ayuu ka eegi jiray xidhigaha si u ogaado isbedelada ka dhacaya deegamada balaadhan ee cirka.
Isaga oo meel uu ka fiirinayay xidigihii ka dhaqaaqay, habeenkuna aad u madowyahay oo ay gudcur tahay, ayaa xidigiyihi ku dhacay xorfad weyn oo hoos qodon. Waxaan naxdin ahyn, waxoogaa hurbuusooyin ah ayaa gaadhay. Ka dib markii uu ogaaday inaan lafi jabin, cadna go’in, dakharona gaadhin, ayuu kor eegay. Wuxu arkay in aanu ka bixi karay xorfadda oo ay aad u dheertahay.
In uu badbaado u baahanyahay ayaa u caddaatay. Si uu helona wuxuu u irkaday in uu qayliyo. Qayladisii ayaa dadkii ku dhowaa maqleen, markaasaa xorfaddii lagu soo ururay. Nin dadkii soo gurmaday ka mid ah ayaa yidhi, “Waar waa kuma ninka xorfadda ku dhacay ee ka dhex qaylinayaa?” Waydiintii ayuu maqlay, markaasuu u jawaabay oo yidhi, “Waar xidigiyihii magaalada ee xorfadda iga saara.”
Nin baa u jawaabay oo ku yidhi, “Xidigiye, wax badan baad cirka eegaysay oo aad cilmi falag ku fooganayd. Bal imika waadigan caalamkii hoose jooga eh, caynkee ayuu yahay? Iyamaase cibardu tahay inaad iska eegtid, ma caalmka sare mise caalamka hoose?”
Xidigiyihi wuxu ugu celiyay, “Waar caalamka sare waa heehaab iyo heeso maaweel; ka hoosina waa hog madow iyo halaag eh oo hadda uun baan gartaye; meesha iga saara!!!”

Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories