HomeSHEEKO KALE KEEN: Wax Ku Qaado Waanada ~ W/Q: Prof. Cabdisalaam...

SHEEKO KALE KEEN: Wax Ku Qaado Waanada ~ W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Cabdisalaan Yaasiin

Habiinkii “Laylatul Israa”, markii uu Rusulkeenu, Sala Laahu Calayhi Wa Salam, samada u dheelmay isga oo Malak Jibriil, Calayhi Salaam, la socdo, waxa la tusay dad wixii aduunkii ay ka shaqaysteen abaalkeedii la mariyay ka dib markii ay dhinteen. Sida culimo ay ka midyihiin Al-Bayhiqi iyo Ibn Jariir inoo soo gudbiyeen, aragtiyahaa Rasuulka, Sala Laahu Calayhi Wa Salam, lu tusay ee uu inoosoo tebiyay, ujeedadeedu waxa weeye inaynu wax ku qaadano. Waa waano Ilaahay, Subxaanahu Wa Tacaalaa, ka timi oo uu inoo keenay Rasuulkii runta iyo raxmaddu (SLCWS). Bal Ilaahay haynagu anfaco eh, aan tusaalooyinkaa qaar ka soo qaadno.

Wuxu arkay dad dhagxan waawayn madaxa laga saarayo oo dhulka ku dhacaya. Hadana soo kacaya; hadana dhagaxii la saarayo; hadana dhulka ku dhacaya. Falkaasna lagu celcelinayo. Rasuulki (SLCWS) Jibriil ayuu weydiiyay oo ku yidhi, “Waa maxay dadkani?” Jibriil wuxu ku yidhi, “Waa dadkii aan tukan jirin; ee aan salaad foodda dhigin.”

Hadana wuxu arkay dad jeex yar oo maro ah, oo caradooda uun qarinaya, inna xagga hore saaray inna xagga dambe, oo ku foofaya dhirta naarta iyo dhagaxeeda sida xooluhu ugu foofaan geedaha. Jibriil ayuu weydiiyay oo ku yidhi, “Waa kuma kunna?” Wuxu ku yidhi, “Waa kuwii aan xoolahooda sekeda ka bixin jirin.”

Hadana wuxu arkay dad luqantoodu ta geela oo kale tahay oo inta afka loo kala qaado lagu qulaaminayo dhagaxan naar ah; isla markiibana inta ay qayliyaan dabada ka sii daynaya. “Kuwanna waa kuwama?” Ayuu ku yidhi Jibriil. “Waa kuwii xoolaha agoonta dulmi ku cuni jiray.” Ayuu u sheegay Jibriil.

Hadana wuxu arkay dad calooshoodu tahay sida guryaha oo kici kari la’. Markay kaca is yidhaadaana dib u dhacaya. “Kuwana waa kuma?” Ayuu ku yidhi Jibriil. “Waa kuwii ribada cuni jiray,” ayuu ugu jawaabay.

Hadana wuxu arkay dad dibnaha lagaga jarayo maqas xadiid ah. Marka la jaro ka dibna, sidoodii ku soo noqonayaan dibnihii. Hadana la jarayo. Sidaasna lagu celcelinayo. “Kuwana waa kuma?” Ayuu weydiiyay Jibriil. “Waa kuwa hadalkoodu fidnada kiciyo,” ayuu ugu jawaabay.

Hadana wuxu arkay nin urursaday rar weyn oo aanu qaadi karayn; hadana leh ha laysoo kordhiye. “Kana waa kuma?” Ayuu weydiiyay Jibriil. “Waa nin ummadaada ka mid aha oo amaana sida oo qaadi kari la’; hadana doonaya in loo kordhiyo,” ayuu ugu jawaabay. Alahayow na nabadgeli oo nicmadaada naga dhawr.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories