HomeSHEEKO KALE KEEN: Wacad Ma leeyahay? – W/Q: Prof. Abdisalam Yassin

SHEEKO KALE KEEN: Wacad Ma leeyahay? – W/Q: Prof. Abdisalam Yassin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Mas iyo reer ayaa meel wada degay. Markii lays arkaa cabsiyi timi oo la kala baqay. Dhowr jeer ayaa reerki isku deyay inuu maskii dilo; umaysi suuro gelin. In muddo ah wax sheed layska eegtoba, reerkii oo aroos diyaarinaya ayaa maska meel dheer kala hadlay. Wuxu ku yidhi, “ Waar, cabsi joogto ah kuma jiri karo eh, aan hesheen, oo wacad alla galo in aynu is nabadgelino.”

Wacadkii ayaa reerkii iyo maski galeen. Iyaga oo cabsidii ay maska ka qabeen ka baxday, ayay farxaddii arooska iyo ciyaartiisii u jeesteen. Nabad, farxad, iyo dabaaldeg ayaa lagu seexday. Hasa yeeshee, nimcadi ma sii waarin oo maskii caruuskii ayuu qaniinay oo dilay. Waana baxsaday.

Isaga oo firdhad ah oo la daba joogo ayaa waxa uu ku soo baxay nin socoto ah. Wuxu ku yidhi, “Waar ninyahaw i magan geli dad baa idaba socda oo doonaya inay i dilaan eh.” Ninki wuxu u celiyay, “Mas baad tahee sideen kuu aaaminayaa?” “Wacad alle ayaynu gelaynaa,” ayuu ku yidhi maski.

Wacadkii ayay geleen. Ka dibna intu maski ninkii koray ayuu qoorta iska duubay. Halkii cabsidu joogtay markay ka fogaadeen, ayuu ninki maski ku yidhi, “Kaa soo fogeeyay halkii cabsidu taalayay, hadaba soo deg oo iska nabad gel.” Maski wuxu u celiyay, “Waar weli nabad ma arko eh, inuu wacad alle inoo xidhmo iyo in kale, dad iyo duunyo saddexda inoogu soo horeeya aan arankeena hor dhigno oo ha ka garnaqeen.” Ninkii oo doonaya sidii uu naftiisa ugu badbaadin lahaa maskan luqunta iska duubay ayaa yidhi, “Bal waayahee ina wadi.”

Markii u horaysay waxay ku soo baxeen awr duq ah oo socon kari waayay oo meel laga guuray. Awrkii ayay u sheegeen arrinkoodii. Ka dib markii labadiiba dhagaystay ayaa awrki yidhi, “Labdiinuba waad aragtaan xaaladayda. Intaas oo sanadood ayaan inan rag u adeegay. Maraan taranta geela ugu filaado, maraan rarka iyo reerka u qaado, maraan u dhaamiyo. Maalintii aan hawlgabay ee aan dhaqaaqi kari waayayna, cidlaada aad aragtaan ayuu igaga tegi. Masow, inan rag wacad malaha eh, ninka dil!”

Markii labaad waxay ku soo baxeen oday da’ ah oo isna keligii meel fadhiya. Arrinkoodii ayay odaygii hor dhigiin. Odaygiina wuxu ugu jawaabay, “Waad i aragtaan oo kaligii ayaan halkaa kuududaa. Waan dhaqay oo aan dhalay. Kuwii aan dhalay iyo kuwii ay dhaleen iyo xoolahaan dhaqayba cidlaadaasi ayaan ka joogaa. Masow, inana rag wacad malaha eh, ninka dil.”

Mar saddexaadkii, oo ah markii markii u dambaysay garnaqa, ayaa maskii iyo ninkii ku soo baxeen dawco. Dawacdii ayay arrinkoodii hor dhigeen. Dawcadi waxay ku tidhi, “Anigu wax isku raran uma garqaado eh, bal horta ka dega.” Maskii ayaa ninka qoortiisii ka soo degay oo dhulkii fadhiistay. Dawacdii ayaa ninkii ku tidhi, “Waar ka degye hadaba iska celi maska!!!”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories