HomeSHEEKO KALE KEEN: Raxan Gaagaab ah – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

SHEEKO KALE KEEN: Raxan Gaagaab ah – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

blankQoraaga Carbeed ee caanka ah ee la yidhaa “Al-Jaxid”, oo uu kutubtiisa ka mid yahay kitaabka canka ah ee la yidhaa “Al-Bukhalaa”, ayaa sheeko xiiso leh oo isga qabsatay, kitaabkaasi kaga sheekeeyay.

Wuxu qoraagu sheegay inay jirtay qof gabadh xaalad nafsi ahi heshay. Gabadhii waxay sheegatay inay habeenkii seexan la’dahay, oo mar alla marka ay jiifsato raxan jin ah oo gaagaabni u ku soo ururayaan oo ciyaar aan kala go’ayn habeen oo dhan dusheed ka qabsanayaa.

Markii xaaladdii ay ku jirtay qaadi kari weyday, gabadhi waxay u tagtay wadaad. Dhabaatadeedina way ugu warantay. Wadaadkiina waxay weydiistay inuu ka furdaamiyo jinkan gaagaaban ee ay habeenkii ka seexan la’dahay.

Wadaadkii markii uu xaaladdii gabadha aad u eegay, ayaa wuxu ku yidhi, “Cilaaj kaa kaxeeya jinka gaagaaban ayaan kuu qorayaa. Waxanse doonayaa si cilaajku u fulo, inaad ii keento qof insi ah oo eg jinkan gaagaaban ee aad ka seexan la’dahay.”

Gabadhii markii ay wadaadka kaalintiisii ka baxday, ayaa waxay la kulantay Al-Jaaxid oo jidka marayay. Al-Jaaxidna wuxu ahaa nin gaaban. Gabadhii inta ay Al-Jaaxid joojisay ayay ku tidhi, “Raali iga ahaw, walaal. Waxa ku doonaya wadaadka kaalinta leh.” Gabadhii intay Al-Jaaxid soo kaxaysay ayay wadaadkii gacanta ka saartay. Ka dibna way ka tagtay.

Wadaadkii ayaa Al-Jaaxid ku yidhi, “Waxan kuu doonayo gabadh ma kuu sheegtay?” “Maya,” ayu yidhi Al-Jaaxid, “ee waxay igu tidhi wadaadka kaalintan leh ayaa ku doonaya.” Wadaadki wuxu ku yidhi Al-Jaaxid, “Gabadhu waxay ka seexan la’dahay raxan jin ah oo gaagaaban oo habeen oo dhan dusheeda ku cayaaraya. Waaxanay iigu timi inaan ka furdaamiyo jinkaasi gaagaaban ee ay ka seexan la’dahay. Cilmi dibigii markii aan eegayna, waxa cilaaj u noqday inaan qof insi ah oo jinkaasi ay ka seexan la’dahay u eg helo. Inaan gabadha furdaamiyaana taas ayay ku xidhantahay. Sidaas ayaad iigu timi oo luguu soo kaxeeyay. Si aynu gabadha u furdaaminona, cliaajkii ayaynu hore ka gelaynaa u diyaar garow!!!”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories