HomeSHEEKO KALE KEEN: Mar Labaad Ku Celi - Prof. Cabdisalam Yaasiin

SHEEKO KALE KEEN: Mar Labaad Ku Celi – Prof. Cabdisalam Yaasiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
Cabdisalaan Yaasiin

Nin dalmar ah oo dhul badan maray ayaa dalkiisii ku noqday ka dib markii uu muddo dheer ka maqnaa. Magaaladii uu ku noolaa ayaa aad loogu soo dhoweeyay. Soo dhoweyntiina aad buu ugu riyaaqay. Waxaanuu bilaabay inuu dadkii magaalada uga sheekeeyo  wuxuu soo arkay iyo waayihii soo maray.

“Nimaan dhul marini dhaayo la’,” ayuu sheekadiisii ku bilaabay Dalmar isagoo tookh ku jiro codkiisa, “lixda qaaradood ee aduunkaba waan isaga gooshay.: Afrika, Urub, Aasia, Ameerikada Waqooyi, Ameerikada Koonfureed, Ustreelia. Jabaan iyo  cadeed ka soo baxa ayaan ka wareegay; Hawaayi iyo halkay ka dhacdona waan tegay. Dad mooc walba waan soo arkay: madow, maariin, casaan, cawl, caddaan, gaagaab, dhaadheer, indhweyn, indhayar.” “ Yuug iyo Yamanyuug ma maqasheen? Ayuu weydiiyay dhegaysteyaashii. Waxay ugu jawaabeen, “Haa. Waanu maqalay.” “Yuug iyo Yamaanuugna waan arkay,”  ayuu ku yidhi.

“I been to Antwap and Radhadham. I dok on Marsay and Mumbay; Shikago  and Shanghai. I sail round the Kayb and kanada. Ibeen all obar the wald, yang man!” Ayuu yidhi Dalmar inta uu is ilaaway oo af Ingriisi ku hadal. “Waa maxay waxaad af Ingriisiga ku sheegtay?” Ayay dadkii dhegaysanayay  weydiiyeen. “Ilayn nin badweyn ku raagaan ahay, raali ahaada waan yara muquurtee,” ayuu yidhi.

“Goormay kuugu darayd socdaalada; sideese uga baxday?” Ayaa nin weydiiyay. “Aaaah!” Ayuu isla markiiba yidhi, “Maalintaas ma maalin baa la mid ahayd. Maalintaas oo kale hore  iima soo marin.” Intuu in yar aamusay ayuu raaciyay, “Waxanu galay dhulka Yuugga iyo Yaamnuugga. Goor barqo ah ayaanu magaaladii u dhaadhacnay. Waxanu ku beeganay fagaari weyn oo tartan ciyaareed ka socdo. Fagaarihii ayaanu ku baydhnay. Markaanu dadkii dhexgalay ayaa la yidhi ka soo qaybgala tartanka. Waa la ordayaa; waa la boodayaa; waa legdamayaa; waa feedhtamyaa, waran baa la turayaa, dhaqgax culus baa la tuurayaa, culays baa la qaadayaa . Ha sheegin wax mesha ciyaar ka socota! Lama tirin karayn.”

“Ma ka qayb gashay tartankii?” Ayaa la weydiiyay. “Horta markii hore waan yara hakaday; ilayn nin tartamo ciyaareed loo carbiyay maan ahayne. Ciyaaraha inaan guudkaas ka daawado mooyaane, hore uga ma qayb qaadan. Talaa igu cadaatay. Markaan se cabaar isla shawray,  waan calool adaygay, oo waan ka qayb galay.”

“Kuwii ayaad qayb gashay?” Ayaa la weydiiyay. “Dee ilayn waan calool adaygee, mid aanan ka qayb gelini ma jirto,” ayuu si dhakhso ah u yidhi “waxan ka qayb galay orodkii, boodadii, legdintii, feedhkii, tuuryadii; iyo dhamaan kuwii kaleba.”

“Maxaad guulo ka soo hoysay?” Ayaa nin ku yidhi. “Mid aanan guul ka soo hoynin ma jirin,” ayuu ku jawaabay. “Ma dhamaantoodba?” Ayaa loo celiyay. “Haa, dhamaantoodba,”  ayuu si degdeg ah u yidhi,isaga oo aan dareensanayn inuu faanyo wuxu sheegayaana suurtogal ahayn  “weliba mid walba waxan ku guulaystay boqolkiiba shan iyo todobaatan in ka badan!!!”

Nin dadkii dhegaysanayay ahaa ayaa ku yidhi, “Bal guulahaa mar labaad maad noogu celin si anana aanu uga mabsuudno?” Wuxu ugu jaawbay, “Libin waqti iy waayo ka soo wareegay, laguma celin karo, ee sheekada ku raaxaysta!!!”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories