HomeSHEEKO KALE KEEN: Budhcad Madax ah – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasin

SHEEKO KALE KEEN: Budhcad Madax ah – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dawladihii Shiinaha ee hore mid ka mid ah ayaa kala daadatay oo noqotay dawlad faashil ah. Burburkii dawladood waxa dadkii ugu darsmay abaaro iyo dufaano is dabjoogo. Cunadii ayaa yaraatay; dadkiina gaajo iyo macaluul ayaa ku habsatay. Waxana u xigay qas iyo qalalaase.

Dadkii maatada ahaa gaajadii iyo macaluushii waxa ugu darsamay budhcad iyo tuug dhac iyo dil la dhex gashay. Xaaladdii waxay gaadhay in laga quusto in noloshu mar kale caadi ku soo noqoto.

Dadkii iyaga oo quus jooga, ayaa wixii madax iyo waayeel is helay shireen. Nin tmadax ahaa oo kalsooni weyn lagu qabay ayay hogaamiye u doorteen oo xil saareen in uu dalka ku soo celiyo nabad gelyo, xsilooni, iyo maamul kala dmabayn iyo haybad leh.

Hogaamiyihi wuxu hawshiisii ka bilaabay in uu ciidan amaanka suga dhiso. Xayaysiis ayuu u sameeyay ciidanka uu doonayay in uu dhiso. Saddex heer oo kala sareeyana uu yeelay.

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Heerka ugu sareeya wuxu ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin dad-dil iyo budhcad. Waxaanu ka dhigay madaxdii u saraysay ciidanka; mushahaaradii ugu badnaydna wuu u qoray. Heerka labaadna wuxu Ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin tuug, oo derejadii iyo mushaharkii labaad lagu qaatay. Heerkii sadeexaad ee ciidankana waxay noqondeen dhuljiifkii gurdan raacay budhcadda iyo tuugta oo noqday askartii ciidanka, mushaahaardii u hoosaysayna loo qoray.

Muddo laba todobaad gudahood ayaa taliyihii arrinta loo xilsaaray dhisay ciidan kun askari ku dhow. Ka dibna, ciidankii ayuu habeeyay oo ciidan is haysta oo rasmi ah ka dhigay. Markii uu ku qancay in uu ciidankii gaadhsiiyay halkuu la doonayay, ayuu soo tubay oo la hadlay.

Wuxu ku yidhi, “Wixii dembi ah ee aad qof qof u gaysateen waa laydinka saamaxay. Mar dambena laydiin raacimaayo. Hasa yeeshee, waa in aad ka toobad keentaan iskana maydhaan dembiyadii aad  qaranka ka gasheen. Si aad dembiyadaa isaga maydhaana waa inaad budhcaddii iyo tuugtii saaxiibadiin ahaa ee ku soo biirwaayay ciidanka soo qabataan haddii ay idin diidaana laysaan!”

Ciidankii qorshihii taliyuhu u dejiyay ayay si dhab ah u fuliyeen. Waxaanay ku guulaysteen muddo sanad gudihii inay laayaan saaxiibadood oo cidhibtiraan budhcaddii iyo tuugtii. Ka dibna dadki helaan nabad gelyo, xasiloon, iyo maamul dawladeed!!!

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories