HomeSheeko gaaban: Subaxdii saaxiibka wacnayd! - W/Q: Saddam Carab

Sheeko gaaban: Subaxdii saaxiibka wacnayd! – W/Q: Saddam Carab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Saddam Carab

Waa subax samaanteeda leh, maankaygana ku suntan, dhammaan cidii lagu martiqaaday munaasibadu intii aanay guryohoodda kasoo huleelin waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii ay muuqaalkooda u qurxin lahaayeen, labiska ugu fiicanna u qaadan lahaayeen, maadaama ay xafladu ahayd mid heerkeedu aad sareeyo, madax iyo masuuliyiniba isugu iminayso, oo la isku arkayo.

Isagu se intii uu ku mashquuli lahaa qurxinta muuqaalkiisa wuxuu ka door biday waqtina siiyay sidii uu maankiisa uga soo maroojin lahaa waxa uu munaasibadda la tagayo.

Looma kala hadhin madax iyo mijo, yar iyo wayn ee wa laga soo xaadiray goobtii ballantu ahayd, inkasta oo waqtigu sidii soomaalida caadada u ahayd uu dib u yar dhacay, laakiin wax kale iskama badalin ee sidii loogu talo galay ayuu barnaamijku u socday.

Marba ciddii kalmada lahayd hadii loo yeedhay, oo ay hadalkoodii munaasibadda khuseeyay ka yidhaahdeen, waxa la soo gaadhay isagii, wuxuu ku qornaa qofka ugu dambeeya ee kalmada la siinayo, waxay ahayd goor dadka xaflad kasoo qayb galay indhohoodu daaleen, maskaxdooduna daashay, waqtigii xafladuna gaba-gabo ku dhawaa.

Markii loo yeedhay ee uu cod baahiyaha(Microphone) gacantu ku dhigay waxa markaliya daalkii iyo caajiskii uu ka duulay dadkii madasha fadhiyay, intii aanu hadal kale odhanba salaantiisii waxay soo jeedisay dareenka dadkii xaflada ku sugnaa, waayo wuxuu ahaa hadal yaqaan waliba leh cod nool oo kasoo baxayey naf nool, af noolina uu ku dhawaaqayo, salaan kadib hadii uu habmalyo iyo bogaadin usoo jeediyay cidii xaflada loo sameynayey iyo martiqaadka ay usoo fidiyeen, kalmadii madasha khusaysayna ka yidhi wuxuu hadalkii kusoo daray talooyin iyo tusaalayaal guud oo uu gocanayey inuu mar uun dad sidan u tiro badan oo horfadhiya uu u hibeeyo, hadallo qiiro iyo qaracanba quluubtooda ku ridayb ayuu ku qul-quliyay oo u tabiyay, hadalo maskaxdooda ka fikirsiiayay, maankoodana muusanow ku riday ayuu u miisay intii meesha fadhiday, waxaan hadaladiisii dhaxal galka ahaa ka xasuustaa oo ka mid ahaa:

“Dad jira oo xumaha ka damqada wanaagana daajiya noqon maysaan waligiin hadii aydaan iska dhigin idinku, iskana dhigi maysaan hadii aydaan isku dayin inaad iska dhigtaan, hadal aan hawl lahayn oo aad horumar ku gaadhaysaan waa wax aydaan helayn ee ha la ogaado midhaa, hammi hiigsi uun ku kooban waligiinna ku aflixi maysaan, Dadnimadu waa inaad qof qof  isku toosisaan, isku taakulaysaan oo aad isku tiirsanaataan, ma aha inaad is durtaan oo aad is dooxdaan, inaad is collaysataan ood isku calool xummaataan, qofafka oo hagaagaa waa qarannimo hagaagta, dadnimada iyo dunji wanaagu waa astaanta horumarka bulshada.

Samirku waa furaha guusha, quustuna waa furaha guul-darrada, quluubtiinna galiya in aydaan qarrannimo dhab ah waligiin qotominayn ilaa aad qodqodka iyo qaloocinta ay qabyaalada ugu horayso daysaan, danta gaarka ah ee ta guud laga horaysiinayo ilaa aad daysaan, qof-jeclaysiga  aad daysaan, quusta daysaan!  Ma jirto taariikhda dad quustay oo quudhsaday naftooda oo haddana horumar aduun iyo mid aakhiraba gaadhay, inta aad cidkale ku tiirsantahay ogow in xoriyadaadnu laalantahay, wax aad samaysan karto inaad cid kale kasugtaa waa nusqaanta ugu way nee dad yeesho, maxaad u quudhsatay naftaada, maxaad se ugu qancisay inaad guul daraysatay? Wax kasta oo aad hiigsato ogow inaad gaadhayso, waa hadii aad hawl iyo waqtiba siiso”

Dadkii madasha ku sugnaa kalmadiisanni waxay ku dhalisay hammi, waxay ku beertay hiigsi, waxay ku keentay qayiran waxay ku keentay qiiro, waxay ku afuuftay dareen yididiilo oo qiiro galiyay, hadaladiisu way ka fikirsiiyeen waanay ka fajiciyeen ka qaybgalayaashii xaflada, way ku diirsadeen, waxaanay nooleeyeen quluub jabitaan isbiday, waxba yaan hadal kugu daalin  waxay ka baxeen goobtii iyaga oo aad moodo in latoosiyay dareenkoodii hurday, dadnimadoodii iyo damiirkoodiina la diiriyay.

Lasoo xidh xafladii, waxaan se xidhi kari laayahay xusuusteeda, oo xiskayga ku noqotay bar aan ka ba’ayn abidkeed.

Subaxdani wax kale kagamay duwanayn kuwa aynu naaqaano, laakiin saaxiibkeeda  ka soocay subaxaha kale!!

 

Sheeko Gaaban: Subaxdii Saaxiibka Wacnayd

Qalinkii: Saddam Xusseen Carab

saddamcarab@gmail.com

Hargeisa – Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories