HomeSHEEKO GAABAN: Shuruud baa ku xidhan! – Qalinka: Barkhad M. Kaariye

SHEEKO GAABAN: Shuruud baa ku xidhan! – Qalinka: Barkhad M. Kaariye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankUgamaan baranin in uu ordo, balse degdeggiisa ayaan ka gartay in uu wax cusubi jiraan, intii uu igu soo socdayse waxaan ku ducaysanayay in aanu war xun ii sheegin. Sidii uu u soo ordayay ayuu agtayda soo fadhiistay, hadba wuxuu u holladaa in uu ii sheego waxa jira, haddana waxa ka dhex gala neef-tuurka oo wuxuu isku dayay in uu xiiq-tirto. Aamus nasasho ahaa ka dib, wuxuu ii bilaabay wixii uu doonayay in uu ii sheego; “Maanta waxaanu is-raacnay guddoomiyihii iyo xubno kale,” ayuu hadal ku bilaabay. Aniga oo garan la’a guddoomiyaha iyo xubnaha uu sheegayo ayaan waydiiyay, “Guddoomiyahee?” markaasuu inta uu wejiga ururiyay igu yidhi, “Waar niyow wax walba ciyaar ha ka dayine na dhegayso. Anigu ma ogayn shirka jira, laakiin markii aan raacay ayuu na geeyay goobtii shirka.” Wali aniga oo aan fahmin guddoomiyaha uu ka hadlayo, ayaan isku dayay in aan iska dhigo in aan fahmay, iskuna dayo in aan sheekadiisa ka dhex helo cidda uu sheegayo iyo ujeedada shirka, cidda qabsatay iyo halka lagu qabtay.

Isaga oo aad mooddo in uu u qushuucay madaxa aan u ruxayo ee aan iska dhigayo in aan fahmayo waxa uu ka hadlayo, ayuu isaga oo dhoollacadaynaya uu  hadalkiisii sii watay, “Adiga laf ahaantaada waan ku soo mari lahaa oo waan ku kaxayn lahaaye, haddana waxa laygu yidhi looma baahna, sababtoo ah shirku anaga ayuu gaar noo ahaa!” kelmadda uu yidhaahdaaba way igaga yaab badnayd kelmaddii ka horraysay! Wuu sii waday hadalkiisii kuye,

“Markiiba shirweynihii ayaa bilowday, waxa halkeer la soo joojiyay afar nin oo u tartamayay jagada guddoomiyenimada iyo ku-xigeenka, aakhirkiina waxaanu dooranay guddoomiye iyo ku-xigeen, si dimuqraadiyad leh ayuu guddoomiyihii hore ee aanu wada soconay u wareejiyay xilkii.” Waar bal kaalaya inkaartan, wali waxa maankaygu isweydiinayay waxa xilka la kala wareegay iyo cidda xilka loo hayay ee loola wareegay. Aniga oo yaabban, ayuu hadalkiisii sii amba-qaaday oo uu yidhi,

“Guddoomiyaha cusub ee aanu dooranay waa nin aftahan ah, markii khudbadda la siiyay ayuu ka hadlay qodobo xasaasi ah oo dadkii goobta joogay u qusheeceen. Wuxuu shirkii soo hordhigay qodobo dood wanaagsan laga galay oo la xidhiidha danaha guud ahaan ururka iyo intayadii shirweynaha qabsatay. Waxaanu shirkayagaasi shuruud ku xidhay xisbiyada iyo ururada siyaasadda!” halkaa marka uu marayo ayay wax ii yar iftiimeen oo cidda shuruudda lagu xidhayo gartay, laakiin wali aniga oo garan la’ ciddan shirka qabsatay, ayaan waydiiyay, “Waar horta hana waaline, wa’ayo dadkan shirka qabsaday, maxaa loo qabtay, yaa ka qaybgalay, qodobo noocma ah ayaa laga soo saaray?” inta uu igu qoslay ayuu yidhi, “Shirka waxa qabsaday ururkayagii ma-guursadayaasha, waxa loo qabtay aayo-ka-tashiga xubnaha ururka, waxa ka qayb-galay dhammaan dadka aan xaasaska lahayn, qodobada laga soo saarayna waa kuwane dhegayso; xisbiga cod ka doonaya ururkayaga dadka aan xaasleyda ahayn waa in uu buuxiyaa shuruudahan;

-In marka uu talada qabto uu aroos-wadareedyo noo sameeyo.

-In ubadka noo dhalan doona uu sii dhiso dugsiyadii ay wax ku baran lahaayeen.

-In saamiga ugu badan ay xukuumaddiisa ka qaataan xubnaha ururku.

-In uu dhul iyo goobo la dejiyo qoysaska la dhiso uu ku talo-galo.

-In uu maxkamadaha ku amro in aan la kala furin qoysaska is-qabta. iyo qodobo badan oo kale..”

Qalinka: Barkhad M. Kaariye

Email: kaariye104@gmail.com

Booqo: www.kaariye.blogspot.com

Hargeisa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories