HomeSHEEKO GAABAN: Maxaa Sidan Kaa yeelay?!

SHEEKO GAABAN: Maxaa Sidan Kaa yeelay?!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankIsagu yaab oo Haddana yabaal, Baadh-baadh oo bidhaansay, baal walba ka milicsay, Haba sheegin in wax uun ugasoo dhibceen, wuu ka sal  gaadhi waayay  barwaaqada iyo badhaadhaha ninkani ku baashaalayaa halkan ay uga soo burqanayso, Bilo iyo baryo dhan ayuu baadi goobi jiray, kaliya wuxuu u xuraamayaa, u xiimayaa ee u xiiqsanayahay waa inuu ka gun iyo gabagabo gaadho gadda iyo go’a  gobeed ee dul gibilaysan kuna gadaaman saxiibkii halka ay kasoo gaadhayso. Waa inuu ka warkeeno waxa saaxiibkii sidan ku suntay ee ku sifeeyay. Sidu waa sidan hoos sawirkeedu ku qoranyahay,

Waa In markii iyo maalintii uu milicsadaba uu arko isaga oon maan baxsanayn, oo aan murugaysnayn, murugo hajoogtee  wajigiisa iftiinka iyo farxadu buux dhaafisay, waa dhoola cadayn, waa waji furnaan joogta ah, waa  wehel wanaagsan oo waqtiga aad la joogto si hagar la’aan kuugu miisaya murti iyo mahadhooyin aad sahay iyo saad uga dhigato kuna dhaafto dhiidhida & dhibaatooyinka noloshu kugu dhalinayso. Isagoo war war, walbahaar, iyo weecaal ku jira Alleba ma wafaajin waa hadii ay jirtaba’e, Ogow hadda waa  asxaaab  isku xididaysatay , is xog waraysta oo isxaal og.

Dadka intii aragtay ama la dhaqantay u boge oo la isku tilmaan, hadii la isla soo hadal qaado midba kakale ku yidhi aniguba arkay eema aragtay, iyo haaye tolow ma awliyaa?

Dadkan uu la noolyihiin ee ab iyo af, dul iyo diir, dhul iyo dhaqan, diin iyo duriyadba  ay wadaagaan, isku fikir iyo fikradoo maaha, isku muraayadna maxidhna oo wax aan iyaga muuqanbuu Halacsadaa, wax aanay ka warhaynbuu ku hamiyaa, wax aanay u heelanaybuu halgan ugu jiraa, wax ay ka baraad laayihiinbuu baadi goobayaa waysadana u biyaystay, dareen aan iyaga ku jiribaa isaga damiirkiisa si hoose u xadantaynaya xakamahana ku jiidaya.

 Daaro dhadheer uma dhisna oo waxaaba lagu tiriyaa inta wax mahaysatada ah, Ogow waa wax mahaysato aduun iyo lacag ah laakiin waa wax haysato wax aan aduun iyo lacag midna goyn karin, Dukaamo waa wayni uma furna oo Dilaal isnacayna maaha, Baabuur cad  ma wato oo waligiiba biriigga maqaban, hoonkana ma buquujin , mansab iyo xil dawladeed mahayo oo kuwa la dulmiyee duunyadooda dib looga laaluushuu ku jiraa haddii ay hawli ka gashoba, mansab se maguuraana oo aanu miridh iyo daxaltoona waligii maraynbuu ummada ku dhex haystaa.

Hoogtada Haynta Aduun ee Habeen dhaxa ah isaga oo aan waxbadani kagasoo hagaagin haddana wuu daganyahay , dagaanaantu ifkay uga soo baxday oo wajigiisaad ka daalacanaysaa in wer wer, walbahaar, iyo hayn yari aduun midina aanay wehel u hayn, Habsami usocdka hawlihiisa aduun iyo u hagar bixida baryada alle waa midda uu ku billan yahay ee baabi’isay baabahna ka dhigtay baryo uu baryootamo Bina aadam kale oo lamida, haba ka hayn roonaadee.

Hadii saaxiibkii baadi goob iyo raad gur ku goobay gudcuraha habeen iyo muuqatada dharaareedba, kasoo dhalin waa baadidoonkaa sidkiisu dheeraday, isagoo u socda sidii uu uga sal gaadhi lahaa saamiga nasiib ee uu kaga suntanyahay dadka kale, Haduu ka hawlyaraysan lahaa kana hadhi lahaa raad goobkan waxaan marnaba iyagu ka hadhsan oo had iyo jeer ka war doona iyagoo isaga waa saaxiibkiiye usoo dhex maraya, ….Haddaba waxuu talo kusoo koobay inuu saaxiibkii si toosa u waydiiyo waxay doonto haku qaadatee.

Ka meer meeristii iyo marba dib u liqidii muhashada maankiisa ka dhex guuxaysay soo af meerantay oo u badheedh maalin ugu muuqatay  inay fursada ugu fiican ee u ku waydiiyo noqoto, hadii waqtiga iyo waxa jira sikooban la iskaga waraysatay woxoogayna lawada fadhiyey shaahiina la fuuqsaday, ayuu usoo tabinayaa su’ashiisii  isagoo dhoolacadaynaya ku yidhi  saaxiib  waxaan ku su’aalay igu saluugba oo waxa sidan kaa yeelay, ii sifee iina saaf, sanadaan ka salgaadhistiisa u soognaa, se dhinanca u saari wayay, Dhaaxaan badigoob ku jiray waxna kasoo dhibci waayeene, Maxaa Sidan Kaa yeelay?

Intuu u hal celiyaybuu ku yidhi maxaad ka wadaa ‘maxaa sidan kaayelay’? Runtu siday ahayd kumuu rafan fahamka su’ashaa ee hubsiimo iyo isla hanwayni la’aanbuu u biday inuu ugu jawaabo sidan,

Saxiibkii su’ashaa kale ee lagusoo celiyay mabuu sharaysane  mar labaadbuu ku shareeray oo yidhi, Hayntaada kooban & War war la’aantaada, Maqaamkaaga & Mamuumuskay  ummadu kuu hayso, Duunyo la’aantaada & Deganaanshiyahagani isku kay qaban wayday!!!!!  Kumaan arag adigoo waligaa cid u cabanaya, cid ka cabanaya ama qudhaada lagaa cabanayoba, kumaan arag waligay adigoo Qof baryaya, ama Cid kuu baryootantay baabah ku diraya,  Sidaan kaaga war hayo cidi kaagama warqabto,dhaayahaygu abidkay kumay dhicin adigoo la dhididay ama ku dhakafaraay dhalanteedka dhal dhalaaka  aduun ee waxba kama hadhaanka qoran,  ogsooni cid aduun kugu soo horta si hoose iyo si muuqata midna in aanay jirin’e saaxiib ii saaf  oo sidan maxaa kaa yeelay?

Isagoon jeclayn in lagu amaano arinta uu ku sifaysanyahay, isagoon jeclay inuu is sharaxo ama lagu sharfo xaaladan uu ku suganyahay, haddana  wuxuu jeclaa in lala jaqo nimcada oo u tilmaamo tubta uu ka helay  markaasuu ugu   jawaabay “saaxiib waxaad ogataa uurkana ku haysaa, faqri iyo wax mahaysato inuu yahay qofka qalbigiisa kalsooni la’aan iyo niyad jabi ka buuxdaa, horumar aduun iyo mid aakhrina inaanu gaadhin qof la han yar naftiisa oo hawl ay qaban karayso ku seejiya inaanay ahayn naftani tii qaban lahayd, qof cid kale uun wax kasugayana noqdo, waa qof quudhsaday naftiisii intaanay cid kaleba quudhsan, Ogow oo guuldaro ka wayni ma jirto inaad col hortiiba jabto. Waxa kale oo aad ogsoonaataa  in cid kasta oo ALLE aan rumaysnayni baahanantay qalbigiisuna arradanyahay, Ogow in qof aan is aqoonsanayni  baahanyahay abidkii.

Hadii nasiibku aanu kusiin oo aanad camal fiican hayn ha u dhaqmin in aanad fursad dambe nolosha ka helayn , hana is odhan daaro kuuma dhisna, dukaamana malihid dunida nasiib kumaad yeelane’  ogsoonow  inaad hammigaaga gaadhaa in ay xidhantahay kaliya inay adiga kasoo go’do oo waqti iyo dadaaalna aad galiso.

Isagoo amuusan dhabankana gacanta ku haya ayuu saaxiibkii yidhi hayaabin ee ogsoonow  furaha noloshu waa kalsooni dhamaystira iyo inaad kudarto ficil wixii kuu suurto galinaya, Ogow caawinta iyo garabgalka inta kaa lidataa inay ku gayaysiinayso daganaashiiyo iyo waayo aragnimo ah in cidkasta oo hoosayn isku tuhunta cidi ka hoosayso iyo sidoo kale cid kastoo isla wayn inay jirto cid kasii wayni, ku darso oo islawaynidu inay tahay midda khalqiga aad lanooshahay iyo allihii ku abuurabay kugu nacayaan walow ha jiraan in dan kugu qabta oo ku daba qablaysaaye inta dantoodu kugu xidhantahaye.

Maxaad uga qancisay naftaada inay guul daraysatay adigoo haysta waqti aad guul kusoo dhalin karto, horayso iyo dambayso lama arag qof quudhsaday naftiisa oo haddana heer gaadhay, miyaanad ogayn xikmadda afka qalaad ee macneeheedu yahay ‘sidaad naftaada u aragto ayey dadkuna kuu arkaaan’ maaha qaad qaad oo dadka iska waynaysii iskana dhig wax aanad ahayn oo been dadka usheeg, laakiin adigoon intaa midna samayn naftaada waad ku qancin kartaa inay isbadal samayn karto oo ay ka dhabayn karto waxa ay hawaawiyayso.”

Fariintani waxay ku noqotay fajac iyo inay ka fikirsiiso oo  hadalba kor usoo dalici waayo, wuxuu uga shidaal qaadatay intii noloshiisa u hadhsanayd, cidkastoo oo talo ama tilmaan waydiisatana wuxuu u sheegayay taladaa mahadhada ahayd ee uu ka helay saaxiibkii.

Alla Mahadle .

Sheeko Gaaban: Maxaa sidan kaayeelay?

Qalinkii: Saddam Xuseen Carab.

Saddamcarab@gmail.com

Hargeisa – Somaliland

April  – 2012

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories