HomeSHEEKO GAABAN :-Jidh dilkii Ina Jinaw..

SHEEKO GAABAN :-Jidh dilkii Ina Jinaw..

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Jinaw Xaddi Geelle wax ay ahayd raqaye caydh ah oo ku dhex nool reero ladan. Cooshadda ay deggen tahay waxa hareeraha ka ka xigay dhismayaal qurux leh, rinjiyo kala jaad jaad ah na lagu nashqadeeyay. Jinaw jaarkeedu war kamay hayn. Isha dhaqaale ee ay ku noolayd wax ay ahayd keeryoon/ gaadhi gacan wiilkeedu masaariifta uga soo saaro. Qoyskan waayaha adduun ku tasaboobay guriga ku xiga waxa deggen sheekha xaafadda. Sheekh Haashim habeenkii markuu soo carraabo waxa uu soo qaadaa waxa gasiin qoyskiisu u baahanyahay iyo qaar aanu u baahnaynba. Bishu markay dhammaatana waxa uu gaadhiga ka rogaa raashinkii bisha la quudan lahaa. Haddana kala badhka bisha waxa uu keenaa wixii go’ay iyo biririftii carruurta oo jallaato iyo buskud u badan. Waxaas oo alaab ah marka uu kala rogayo jinaw iyo wiilkeedu macaluul ayay islla ag fadhiyaan. Ishooda galac lihi waxa ay jirtaa guriga Haashim…xuquuqda jaarnimo ka sakaw Jinaw iyo Haashim waa qaraabo isku dhaw. Haddana dammiirkiisa Weli kuma soo dhicin in uu derso xaaladda qoyskan tabaalaysan.. Waqti dheer wax la isku dul noolaadba, maalin maalmaha waxa ka mid ah ayaa waxaa masaajid soo galay Jinaw wiilkeedii. Waxa uu ugu soo galay Haashim oo ka sheekaynaya xuquuda jaarka iyo qaraabada. Maalintaas Ina Jinaw aad ayuu u xayraansanaaa keeryoonkana waxba looma saarin. Waxa kale oo uu aad uga xumaaday ninkan iskala fogaynaya ee ka sheekaynaya xuquuda jaarka, waxa uu la yaabay sida aanay afkiisa iyo afcaashiisu isu waafaqayn. Run aahaan aad ayuu uga xumaaday maalintaas. Hadallada Haashim waxa ka mid ahaa:
“Xuquuda jaarka diinteennu aad ayay uga hadaashay, axaadiis badan ayaana kusoo arooray, aad ha loo ogaado xuquuqda jaarka.”

Ina Jinaw waxa isu qaban waayay munaafaqnimada Haashim iyo af macaankiisa. Waxaa kale hadallada da Haashim ka ahaa:
“Xuquuqda jaarka quraanka ayaa lagaga hadllay Nebi Maxammed NNKH waxa ka digay inaad seexato jaarkaaga oo gaajoonaya.”

Halkaa markay marayso ayaa ina Jinaw dadkii ka dhex kacay isagoo cod dheer ku qaylinaya waxa uu yidhi:

Munaafaq,Munaafaq Munaafaq, waa beentaa waxa aad sheegaysaa.. Markii uu intaas afkiisa ka soo baxday ayaa la islla oogsaday oo Ina Jinaw la habaaray. Qallad ilaahay ku ridka masaajidka ka saara ayuu mu’addinkii ku tiraabay. Inta laba diblle loo qabtay oo dhirbaaxo iyo haaraan dabada loo qabtay ayaa inankii debedda loo tuuray. Macaluushii haysay waxaa kaga daray jugta oogadiisa loo geysaytay. Maalintaasi waxa ay ahayd maalin xanuun badan. Markii salaadda laga soo baxay ayay wadad iskaga soo hor baxeen Ina Jinaw oo tawstii qaba iyo Haashim. Si bahdil ka muuqdo ayuu farta ugu yeedhay iyadoo cadho ka muuqato wejigiisa. Waxaanu waydiiyay su’aalo maag ku jiro:

Maxaad maanta masaajidka uga dhex qaylinaysay?

Ina aad munaafaq tahay ayaan caddeeyay.

Bilaa akhlaaq ayaad tahaye aniga saas ha iila hadllin uskagyahow.!

Wax aad masaajidka ka leedahay ee aad ummada u sheegayso maad ku dhaqantid adigu?

Intaa markuu yidhi intuu sheekhii dhalaalay sida Burcadka ayuu dhirbaaxo indhaha muudsaday. Yarku nin dhuuban oo xoog caato u ah buu ahaaye inta uu dib u booday ayuu feedh sanbaruuqada kaga hubsaday. Dhiig cas ayaa isa soo daayay, khamiiskiisii caddaana fasaqay, laba feedh oo kalana caloosha ayuu uga raaciyay. Intaa wixii xigay wuu miyir doorsoomay sheekhii waxaanu noqday sidii wax suursan oo ay iska gurayso. Qaar ka mid ah dad kii xaafadda ayaa arkay sheekhii xaafadda oo dhulka galgalanaya iyo laptop kiisii oo tuugi la sii yaacayso. Markaas ayaa xaafadiiba ina Jinaw daba yaacday, TUUGA TUUGA ayaa lagu qaylinayay seked walba dad baa kasii eryanayay, ugu danbayn meel is-goys ah ayaa lagu qabtay. Markaas ayaa gacan Nebi nin doonow lagaga dhigay(kal mayti) tuu taagaba way jebiyeen. isaga oo sakaraad ah ayaa la geeyay saldhigga. Markii askarta loo sheegay in uu Sheekh Haashim fara saarayna wax ay u geysteen jidh dil kale oo xoog leh. Dhinaca kale laba xaas oo Sheekh Haashim qabay waxay yimaadeen gurigii Jinaw, waxaanay ka dhigeen meel la degay. Habeennimadkiina gabadh yar oo sheekhu dhalay ayaa cooshaddii islaanta dab sudhay.

Haashim marka laga tago aqoonta kooban ee uu xaafada sheekha ugu yahay wuxu ganacsiyo waa weyn ku leeyahay koonayaasha magaalada oo dhan. Waa taas sababta askari iyo shicibba la isaga dhisaa…

Maanta iyo maalintii xabsiga la dhigay waa isku afar sano. Weli maxkamad lama hor geyn. Maalin aan fogayn ayaan xabsiga ku booqday isagoo is beddelay, nafta uun baa ku jirtay. xaqiiq waxa uu lahaa il geeriyaad. Hadda ogow gorsoorku waa madax bannaanyahay ayaa dhegaheenna ka batay. Ummad kastana ilbaxnimadeeda waxa laga eegaa sida ay ula macaamisho dembiilaheeda.

W/Q: Xamse Cabdi Ibraahim

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories