HomeSHEEKO GAABAN: Hadduu ogaan lahaa - W/Q: Saddam Xusseen Carab

SHEEKO GAABAN: Hadduu ogaan lahaa – W/Q: Saddam Xusseen Carab

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...
blank
Saddam Carab

Duunyada iyo deeqda Alleba dadka uma simin, sidoo kale xoogga iyo xirfadana lagu kala tag. Xag kasta oo aad ka eegto noloshiisu way dhamays tiran tahay oo korkiisaad ka garataa, judha aad aragtana waxaad is odhanaysaa kan malaha way u tobanowday.

Waa labaatan iyo dhawr jir xoogiisa laba libaax aanay madhinayn, dhalaannimo wuxuu kusoo koray guri lagu dhex libdho baaxadiisa, dhirta ku dhex taalna midhaha cinabka iyo rumaanku goonyaha uga soo dhaceen, dhuuniga uu hungurigiisa mariyaana waa caynba cayn cidda haysataaba ay yartahay. Wuxuu ka dhashay qoys nimcada iyo naruuradu isu gaadhay.

Odayga dhalay waa maalqabeen xoolihiisu ay afarta dacal ee magaalada dhex siqayaan, ubadna kanaa u cida. Wax walba isaguu ka jecelyahay xataa labadiisa indhood. Agtiisa hiif daaye lagulama hadlo, islaanta dhashay oo dharaaro canaanatayna waabay isku dhaceen.

Wax walba wuu la ogolyahay wax uu waydiistayna waligii maya muu odhan, kal gacaylka uu u qabo awgii xataa waqtiguu yaraa wuu kala maagay dugsiyada waxbarashada. Wuu dhergaa dhidid li’i, ismanuu dhakafaarin waligii oo naasbaa u godlanaa waana lala ogolaa goor uu ka gudhaba!

Maalinba gaadhi caynuu gundhada u galaa, hablo baddan oo uu haynta aabihii ku hodayna way ku hamiyaan oo habeenba mid buu la caweeyaa oo uu la casheeyaa. Caawa huteelkii magaca lahaa buu ballan ku leeyahay, habeen dambena hebla lasoo cashee, habeenka kasii dambeeyana arooskii hebelbuu kasoo ciyaari, sidaasay naftiisu ugu yeedhisaa, mararka qaar noloshiisa run iyo riyo u kala saari maysid. Laakiin waqtigaa la haya oo waayahaa saaciday.

Adduun waa hadhkaa labadiisa galine, maantana waa u xaalad kale oo odaygii dhalay adduunkaba  ka huleel, xoolihii mood iyo noolbana wuu uga dhintay dhaxalbaanay u noqdeen, gacantiisana way soo wada galeen.

Laakiin ogow oo siduu u xoog wayn yahay uma xeelad badna, siduu u muuqaal wacanyahay uma maskax badna, siduu u feedhoo wayn yahayna uma fikir badna,xoolihiisa se waa lagu qiimeeyaa waana lagu qadariyaa.

Habeen kaliya kumuu fikirin siduu u maarayn lahaa maalka badan ee uu masuulka ka noqday, haleelba uma hayo, habeenkii waa u socod, waa u saamalayl waa u  huteel joogid waana u hadal iyo haasaawe ma dhalaysa, dharaartiina waa u hurdo waa u qaadiro, waana u qayiran. Masuuliyad uu ogyahay ma jirto, xataa waxbana iskamay badalin oo sidii ayey hawadiisu u hogaamisaa hawlna umaba hanqal taago.

Iswadi maayaan oo sannado kooban kadib ayuu kaga soo hoyday dhamaan wixii maal odaygu ka god galay, waanu ka fara madhan yahay. Geed kasta oo cagaarnaa abaarsay, ceel kasta oo biyo ka galac lahaayeenna guntiisu omosbay la dil-dilaacday, muuqaalkii aad ku il doogsanay jirtay maanta ishu waabay kugu ilmaynaysaa hadaad eegmada ku rajiso.

Maanta haddaad aragto waad ku mur maysaa inuu isagii yahay iyo inkake, waa isagii iyo maaha ayuu maankaagu isugu qabnayaa, gadaal uun baad ka ogaanaysaa inuu isagii oo ay ku qaloocatay yahay. Dhererkiisii iyo dhalaalkiisii maanta ugusoo hagaagi maysid, oo muuqaalkiisii wuu is doorshay, intaad hoos iskula hadashaad odhanaysaa ma sidanaa u dambaysay.

Baahi iyo balaayo oo dhami isagay kasoo kalahdaa, darxumada iyo diifta foolkiisa ka muuqataana cadayn kuugu filan. Qofka aan hore u aqoon aqbali maayo in bari  nimcadu biyo dhigtay oo la daba boodi jiray, ogow se haday mar kuu godlantahay marbay kaa gudhaa, haday kaa gudhantahayna marbay kuu godlataa, hadii mar la qadarin jiray maanta waa la quudhsadaa, hadii la daba ordi jirayna maanta waa laga didaa aragtiisa! Ha isa siin waxaanad ku waarayn, hana ka quusan wax aanad ka dhiman, hoogtada aduun ee habeen dhaxa ah baa hibo loogu yeeli jiray maantana way ka guurta oo gambo ma hayee maxaa lagu qadariyaa?

Intaan hoos iskula hadlaybaan is idhi tolow marxuunkii “Haduu ogaan lahaa” inankiisa silica iyo saxariirka haysata muxuu samayn lahaa?

Aqoon uu ku xoogsi tago male, xirfad uu ku xamaashana haba sheegin, wax kale uma yaallaane waa inuu muruqiisa maalo magaaladana dhinaca ka galo.

Sheeko Gaaban: Haduu ogaan lahaa!

Qalinkii: saddam xusseen carab

saddamcarab@gmail.com

Hargeisa – Somaliland    Ougst 5, 2012

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories