HomeSHEEKO GAABAN: Fariintii safarka – W/Q: Saddam Carab

SHEEKO GAABAN: Fariintii safarka – W/Q: Saddam Carab

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
Saddam Carab

Waa casar gaaban  roob aan badnayn oo dhulka qaboojiyey ayay markaa jaqaftiisii go’day, naftu waxay jecelaysanaysay socodka lugta ah, neecawda dhulka qabow soo dul martayna waxay kugu beeraysaa farxad nafsiyeed, cadceedu waxay usii jeeday godkeeda midabka casuusta  iyo falaadhaha  bilaa kulka ah ee ay bixinaysay waxay muuqaal qurxoon gayaysiinayeen dhulka, judhii uu roobku qaadayba waxaan u socdaalay goobtii aan rabay, waxa aan marayey meel cidhifka magaalada ah, waa kaligay waxaan la xanshashaqayey naftayda, waxaan la shawrayey qaligayga waayuhu qalibeen iyo niyadayda nabaradu hagaasiyeen, marna waxaanu ka sheekaysanaynay dadkaygan heermay, fikir li’ida aqoon yahankayga iyo mooganaanta madaxdayda, sidii aan fikirkaa iyo fajacaa ugu maqnaa mise waxaaban maqlay shanqadh ka baxday meel aan iga durugsanayn isla markiiba way joogsatay shanqadhii, waan istaagay aniga oo didsanaani iga muuqato, judhiiba waxaan  ilaabay waayihii iyo waqtigii aan falanqaynayey  dareenkayguna wuxuu si buuxa ugu mashquulay ogaanshaha waxa sanqadhay, hareeha iyo hortaydaba hadaan eeg eegay waxba waan arki waayay, intaan shaydaanka iska naaraybaan is idhi malaha waa dhirtan ay dabayshu lulayso ee iska soco.

Waan iska dhaqaajiyay socodkaygiina waan iska sii watay, aniga oo aan in dooraba socon ayuu igu bilaabmay hammigii iyo humaagii nolosha ee hallaasiga ahaa,waxaa igusoo butaacayey su’aalo doora goorta aanu qof jeclaysiga caadifada ku dhisan dhaafi doono, goorta aanu qaranimada baran doono, goorta aanu qabyaalada dhaafi doono, goorta aanu qayrkayo gaadhi doono goorta ay dhalin yaradayadu waajibkooda gudan  doonaan, goorta ay awoodooda isticmaali doonaan iyo su’aalo kale oo ciidaa ka badan oo aan jawaab u waayay, midiba ta kale ayey ka darnayd.

Waxaan muusanawgaa ku jiraba, waxaaan  dareemay daal iyo in socodkuba dirqi igu yahay, waxaan dareemay in ay awoodaydu sii diciifayso, tamar li’I jidheed imay hayn, waa maalintii aan garwaaqsaday in wax kasto oo la qabanayo niyadda laga qabto, tamar kasta oo aad leedahayna ay maamusho doonista qalbi ahaaneed ee qofka, niyadayda oo ay su’aalihii iyo fikirkii aan ku maqnaa diciifiyeen ayaa keentay inaan socodba dargan waayo,ma sii socon karo’e waxaan eegtay meel aan ku nasto, geed aan wadada ka fogayn oo hadh wanaagsanaa ayaan ku hoos dhacay.

Hadii aan cabaar nastay lakiin maankaygu mashquulkii ku jiro, waxaan maqlay cod meel ka dhawaaqaya, waa cod saafiya qofbaad moodaa …wuu dhawaaqayaa waanu dhurmayaa, waxaan garwaaqsaday in codkani ila hadlayo, wuxuu gosha ii galiyay fariin diiran, wuxuu faraqa iigu guntay fariin sahay iyo saadba ii noqotay, wuxuu yidhi:

“Waan dareensanahay waxaad la doorsoontay,waan ogsoonahay waxaad la tawaawacayso, waxa jira dad kula mida oo fikradan kula qabaa waxaa se ka badan inta aan dhaadanayn dhibka idin taabtay, aadbaanan ugu faraxsanahay in aad heegan ugu jirtaan sidii loo heli lahaa bulsho dhan walba ka dhisan, bulsho dhaqan iyo akhlaaq suuban ku sifowda,sidii loo heli lahaa bulsho gaadha qayrkeeda, waxaan se iga talo ah ha daynin dadaalka aad wadaan la arkee inaad guul ka ka gaadhaan, ha quusanina la arkee inaad ka gaadhaan hamigiina, wax kasta oo aad holato wanaagna ku tuhunto ka bilow naftaada, ha yaraysan wanaaga wuxuu ku dhaxalsiiyaa waa wanaag,  hawl kasta oo aad gashaanna ha joojinina jeerood ka midho dhalisaan, ha ka baqannina buuraha iyo mawjadaha ka horeeya gaadhista hiigsiga iyo himiladiina idinka oo mar walba la kaashanaya Ilaahay, idinka oo mar walba aaminsan qadarka iyo qoraalka Alle, hankaaga yaanu waabin waqtiga iyo waayuhu,yaanu diciifin darbiga adag ee horyaalaa, ogsoonow hawl kasta guulbaa laga gaadhaa markaad u samirto,markaad waqti siiso”

Mar kaliya  aniga oo aan nuuxsan intii hadalku socday,ayaan kor madaxa usoo qaaday sidii qof miyir doorsoomay oo imika soo miiraabay, dar-daarankani wuxuu ladnaan dhaxalsiiyey qalbigagyii sii laciifayey,waxaanu soo nooleeyey niyadaydii  naafowday, isla markiiba waxa I buux dhaafisay fir-fircooni, waxaanan is arkay in daalkii iyo wahabkiiba iga baxay.

codka fariintani ku lamaanayd marba marka ka dambaysa ayuu sii daciifayey, dhagtaan lasii raacayey…wuu sii xabeebanayey ilaa uu ka gaadhay heer u joogsado…… Alla miyuu sii wado intaan niyada iska idhi ayaan ka sara kacay fadhigii oo aan socodkaygii dib u bilaabay, uma malaynayo inta dardaarankani sahay ii yahay inaan socodka joojin doono, safarkiibaan ku jiraa ilaa hadda oo fariintanba dirqi ayaan ku haleelay inaan kuusoo diro’e waa inoo markale nabadeey!

 

Sheeko Gaaban: Fariintii Safarka

Qalinkii: Saddam xusseen Carab

saddamcarab@gmail.com

Hargeisa- Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories