HomeSheeko Gaaban: Balwad ma leedahay?! – Qalinkii: Saddaam Xuseen Carab

Sheeko Gaaban: Balwad ma leedahay?! – Qalinkii: Saddaam Xuseen Carab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Saddam Carab
Saddam Carab

Waa casar dheere cadceeddu aanay kuluyl badan lahayn goobtuna waa badhtamaha magaalada. Maan iman baryahan suuq iyo aaggiisba oo baylahdaydaan waqtigii uga maarmi waayay.  Waanigan se galabtaba jooga! In muddo ah haddii aan suuqa hadba dhan u dhex qaaday, aakhirkii ayaan soo fadhiistay makhaayad kal hore ay iigu dambaysay. Koob barraada ii dhiib ku idhi yarkii kabaryeeriga ahaa.  Saa kursigii igu xigay waxa soo dul kadaloobsaday oday gadh caddaati ah. Korkiisa ayaad ka dheehanaysay dhaqan wanaag iyo aqoon ku daboolan kalkiisa. Qiyaas ahaan waxaan u maleeyay in uu i garanayo, aniga se waa markii iigu horraysay foolkiisa. Gadaal baan se ka garawsaday in aanu isna i kasayn. Wuu i bariidiyey, aniguna si ixtiraam leh  ayaan uga hal celiyey bariidadii. Intaas ka dib waxaa la  ii dhiibay shaahii isagana koobbaa loo dhigay.

Haddii aannu si guud oo kooban  u wada sheekaysannay, ayaa si aanan filayn uu ii waydiiyey “Balwad ma leedahay adeer?”. Waxay igu noqotay amakaag iyo u qaadanwaa aan yarayn waydiintani. Illeen wax aanad samayn oo lagugu tuhmaa naxdin ba’anaa! Balwad iyo aniga maxaa iska kaayo galay. Intaanan u war celin ayaan deg deg isula sheekaysatay oon idhi tolow ma wajigaaguu odaygu ka dheegtay wax qaaddiro qaad u eg, mise hadalkaaga? Markaasaan isku qanciyey midna!. Oo haddaa muxuu arkay? Mooyi. Saa ismaan difaacine is idhi waydiintan hore wuxuu ku keenay ka godli maankiisa si uu warcelinteeda kuugu sheeego, deed ku idhi ‘Adeer ma qof balwadle ayaan u eekahay?”. Intuu dhoolla caddeeyay buu igu yidhi oo ma waxaad i leedahay balwad ma lihi? Ma dhici karto!. Adeer iga wallee  waa iga dhab ayaan dhaar ugu maray, aniga oo doonaya in aan u caddeeyo xaqiiqdayda!

Isdaji adeer, haddii aanad hore u lahayn imika yeelo, sida ugu degdegga badan taladayda waa inaad u yeelataa balwad! Ha kugu adkaado bilowgeeda hore, waad se ku badhaadhi beryo kooban ka dib waxa san eed balwad ka yeelato’e. Halkaa markuu marinayo ayaa wax iiga bidhaameen hadalkiisa. Judhiiba waxay maskaxdaydu gooni isaga saartay balwadihii igu qufulnaa ee Qaad iyo Sigaar ahaa oo maqalkoodu igu badnaa. La yaab maan lahayn sidaan isugu garaabay markii dambe, balwad haddii la soo hadal qaado waxa hortayda yimaad uun lammanaha ‘Qaad iyo Sigaar’ waana abuur rabbaaniya in qofka waxa maqalkiisa ku bata, malihiisuna u bato.

Dib baan u fiiriyey weedha ‘Balwad’, markaas ayaan  gartay in balwaddu tahay-hawl qabatin qofku caadaysto oo si joogta ah u sameeyo, bar-bilawgeedu adagyahay inta badan, muddo ka dib se qofku la qabsado dabadeed qofku uu noqdo mid markasta u baahan  ama ay adkaato in uu joojiyaa’. Haa.. waa taas balwaddu dhab ahaan, oo illeen shay kaliyaba ma aha bala maashaydu! Odaygii markaan halkaa marayo ayuu gartay in aan imika la haysto siina waday taladiisii.

‘Samayso  iskuna day in aad yeelato  balwad wanaagsan. Barista iyo ku beeridda aad naftaada ku beerto balwaddu waxay lama huraan u tahay naftaada iyo noloshaadaba. Hawl kasta oo aad qabanaysana maad awooddeen ama hollateen haddii aanay balwad kuu noqon ama ugu yaraan kuu soo noqonayn! Ma qof baa jira nool oon lahayn balwad!? Qof ahaanta adiguba hore waad u lahayd haba yaraato ama aanad aqoon ba’e. Tusaale ahaan, socodku waa balwad. Ma u malaynaysaa in aad dargan lahayd haddii aanay lugahaagu la qabsan balwadna ka dhigan socodka?! In aad akhrido toban bog oo qoraal ahi waa hawl adag haddii aanay balwad kuu ahayn ayuu ii raaciyey hadalkiisii. Akhrisku waa balwad, dhagaysigu waa balwad, qoriddu waa balwad, hadalku waa balwad, kallahaaddu waa balwad, hurdadu waa balwad, beentu waa balwad, runtu waa balwad, qaadku waa balwad, shaahu waa balwad, wax dhigashadu waa balwad…..waa balwad…..waa bawlad…. Balwad oo idilna kuguma dardaarayo!, se ta san ee saalloon ayaan kugu dhiirrinayaa!’ Ayuu igu yidhi isaga oo koobkii shaaha dhagta haya.

Haye, mahadsanid adeer… wax aan ahayn oo hadal ah waan iska waayay. Murtida markaad waaqic ahaan ula kulanto, ayaad dhadhansataa macaankeeda, dheehataa muggeeda ood la dhaygagtaa miisaankeeda! waxaan maqli jiray gadhba gadhbaa la tusaa… runtii wuu iga gadh waynaa aniga, waliba in badan. Awooddiisuna waxay xataa ii diidday in aan si qumman hadalka uga guro. Aniga oo hoganaya, hoos u foorara hadalkuna dirqi igaga soo baxayo ayaan lahaa haye..haye. balwad waan lahaa walow aanay wax sii buuran ahayn. Haddadanna waan yeelan doonaa!

Talo waayeel bay ahayd oo wax-ku-ool ah. Anigana sida hunguri dhubuqeedbay iigu tagtay! Haddadanna ilaa dhowr shayba balwad baan ka dhigtay, laga soo bilaabo maalintaa, in aan kordhiyana haddii wadku i daayo waan isku wadaa. Haddaba waydiin ha iga ahaatee  adigu balwad ma leedahay? Haddii aad leedahay ma mid tabanbaa mise waa mid togan? Haddii ay taban tahay ma isleeday ka samato bax, haddii ay togantahay se ma isleeday sii kordhi?

Balwad ma leedahay?!

Qalinkii: Saddaam Xuseen Carab
saddamcarab@gmail.com
Hargeisa Somaliland

F.G: Qoraalkani wuxuu markii u horraysay ku soo baxay majalladda Weedhsan, tirsigii 9 aad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories