HomeSheeko Gaaban: Agayn “Again” - W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Sheeko Gaaban: Agayn “Again” – W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

MFX MWakhti, waayadii lasoo maray ka mid ahaa, ayaa laba nin oo reer baadiye ilmo adeer ahi u dhoofeen dhankaa iyo dalka ingiriiska, kadib markii mid ka mid ah labada nin walaalkii lasoo hadlay una sheegay inuu u dhoofinayo qurbaha maalintaas iyo saacaddaas oo ay sii diyaar garoobaan. Siday mii uga yimaadeena xitaa magaalo wuxuun bay u ahayd tii ay diyaaradda kasoo raaceen oo gaadhigii kasoo qaaday ku hor dajiyay gegidii diyaaraduhu ka haadayeen goor gabal dhac ah. Waxay la amakaagsanaayeen bilicda, binooyinka iyo bidhaanka meesha ay soo galeen, iyaga oo moodayay in dibadii loo dhoofayayba ay halkan tahay oo ku qanacsan aadna ula dhacsan baabuurta iyo bini-aadamka kale ee gaal iyo islaamkaba leh ee iswaydaaranaya. Hadda meeshu waa madaarkii ay ka dhoofi lahaayeen, balse iyagu waxay ilaa imika u haystaan waddankii ay ku socdeen. Mid ka mid ah labadii nin ayaa yidhi waar hadaba halkaynu kaga hagaagnaa magaaladda, mida kale muxuu inoogu iman waayay kii ina lahaa anaa idinku sugaya magaaladda? Kii kale oo aan waxba ku dhaamin ayaa isna ku raacay hadalkii saaxiibkii oo yidhi waar in uu ina daydayayaa laga yaabaa ee halkaa ina yar fadhiisi halkaasaa kaah miidhan ah ay cadceedu hayso oo aynaan ku qarsoomayne. Halkay sheegayaana waa iftiinka indhaha gaadhi dhex taagnaa madaarka oo sugayay dad soo dagayay markaas.

Cabbaar markii ay meeshii fadhiyeen ayaa uu darawalkii gaadhigii damiyay nalkii baabuurka, iyaga oo labadii nina mooday in ay cadceedii dhacday oo mid ka mid ahi markiiba lasoo booday: waar waa maxay magaaladdan aynu nimid ee cadceedoo sideedii u caddi mar kaliya iska dhacayso mida kale sawtii galbeed u dhici jirtay waa maxay badhtankay taagnayd un bay ku dhacdee?! Waar bilay daruuri yar qarisay oo ay soo baxaysaa ileen waxaasi wax caqli gal iyo caaddo toona ah maahee. Sidaa waxa yidhi kii kale oo la yaabay waxa uu saaxiibkii u sheegay. Isna waxa uu ugu jawaab celiyay: oo miyaanad arkayn sawtan ay xiddigihii soo baxeen ee ay dusheena tuban yihiin maaha, xitaa waddankani wuxuu leeyahay dayaxyo dhawr ah oo nuur weyn, weliba aad usoo dhaw. Isaga oo laydhadhka faraha badan ee ku xidhan madaarka ku tilmaamaya xiddigo, halka khashaafaddo dhawr ah oo kasoo laadlaadayna uu ku sheegayay dayaxyo. Badawnimo xumaa, iyagoo halkii fadhiya ayaa uu u yimid nin ka mid ah shaqaalihii meesha oo waydiiyay waxa ay yihiin, kadibna u sheegeen in ay ka yimaadeen magaalo heblaayo, halkana ay ku sugayaan ninkii yidhi waan idin soo dhoofinayaa iyagoo u haysta in ay soo gaadheen magaaladdii ay u socdeen. Ninkii shaqaalaha ahaa ayaa fahmay in ay nimankani yihiin qaar aan waxba kala garanayn, oo reer baadiye ah, waxaana uu u sheegay in aanay weli ka bixin dalkoodii, halkana ay tahay gegidii ay diyaaraduhu ka haadayeen ee ku taalay magaaladdooda. Waxa kale oo uu u sheegay inay fadhiistaan halka diyaaradda laga raacayo ee loogu talogalay dadka dhoofaya, waxa uu u fududeeyay meelihii lasii marayay oo dhan isaga oo ka hubiyay waraaqihii ay siteen. Wax yar markii ay fadhiyeenba labadii nin oo afku juuqda gabay oo is gartay inay ku cadaatay badawnimadii ayaa iyaga oo lasii yaaban diyaaraddaha goobta taagan loo yeedhay kadibna fuuleen diyaaraddii, sidaasna ku dhoofeen.

Ammin door ah kadib waxa ay gaadheen dalkii ay ku socdeen ee ingiriiska, oo markii ay diyaaradda ka dageenba isku arkeen ninkii ku sugayay una kaxeeyay huteel uu usii kireeyay.Labadii nin dhibaatada ka haysata xagga dhaqanka iyo dhar xidhashada, waxa u wehelisay afkii oo ay la qabsan waayeen, cid kasta oo ay is yidhaahdaan wax waydiiyana ay ugu jawaabayeen ereyo af ingiriisiya xitaa soomaalida meesha degenayd.

Maalin ayaa lacag waxogaa ah oo la siiyay labadooda la damceen in ay wax kusoo cunaan, waxaana ay galeen hudheel uu lahaa nin Soomaali ah oo ku dhagsanaa meesha ay degenaayeen, waxaana ay ka dalbadeen in uu u keeno Garaw haddii uu hayo, xiiso ay u hayeen cuntooyinkoodii ay cunni jireen iyo boholyaw ay u qabeen ayuun bay ka ahayd garawga ay dalbadeen. Mudalabkii hudheelka ayaa kaga farxiyay in uu garaw yaalo, kadibna u keenay. Wax garawgii la cunaba waxa soo ag fadhiistay laba yar yar oo caddaan ah kadibna inta ay ingiriisi kula hadleen mudalabkii u dirtay hilib. Inyar kadibna loo soo dhigay bahal hiliboo si heer sare ah loo soo shiilay. Labadii nin ayaa inta ay is eegeen yidhi waar hilibkaasoo kalaa maanta inagu fiicnaa, dee waynu saruuraddoonoo hiliba maynaan arag sidaynu meel baastan u nimide. Haa walaahi laakiin maxaynu nidhaahnaa ma kaasoo kale noo keen, sidaas waxa yidhi mid ka mid ah labadooda. Mise intii ay wada hadlayeenba waxa dhameeyay kuwii caddaanka ahaa oo doonay inay kusoo ceshadaan hilibkoodii, kadibna inta uu midi la hadlay mudalabkii ku yidhi Agayn “Again” iyagoo u jeeda cuntadayadii hore noogu soo celi, kadibna loo soo biisay mid la mid ah cunadoodii hore. Labadii nin oo la socday hadalada ay nimanka kale wax ku dalbanayeen ayaa ku yidhi inankii hudheelka Agayn

“Again” iyagoo u haystay in hilibka magiciisa la yidhaa Agayn, mudalabkiina waxa uu ugu soo celiyay garawgoodii. Labadii nin inta ay aad u xanaaqeen ayaa ay ku dhufteen ninkii jamcaddii wax loogu keenay, kadibna ku yidhaahdeen malaha mii bay ka yimaadeen baa lagu yidhiye waxan aannu ku leenahay maanay Agayn “Again” ahayn.

Dhammaad

Fiiro gaar ah: maaha Sheeko aan asalkeeda leeyahay ee waa Sheeko la iiga sheekeeyay oo aan qoraalkeeda iyo qaabaynteeda un leeyahay.

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Arday kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Hargeysa

E-mail: Xiinfiniin_10@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories