HomeSheekh Xaaraan ku tilmaamay Lacagta aan la sharciyeyn ee Xukuumaddu ku soo...

Sheekh Xaaraan ku tilmaamay Lacagta aan la sharciyeyn ee Xukuumaddu ku soo rogtay Gaadiidka laga soo dejiyo Dekedda Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

NewsHargeysa (SLpost)– Imaamyada Masaajidadda magaladda Hargeysa qaarkood, ayaa Khudbaadihi Salaadda Jimce ee maanta kaga hadlay muranka iyo khilaafka toddobaadyadii u dambeeyey ka dhex-taagnaa Ganacsatada Baabuurta soo dejisa iyo Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo isku khilaafsan bixinta lacag aan cashuur sharciya ahayn, balse ay Wasaaradda hawlaha guud ugu yeedhay lacag lagu hubinayo tayada Gawaadhida ka soo dega Dekedda Berbera.

Murankan u dhexeeya Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland iyo Ganacsatada Macdarlayaasha ee Baabuurta soo dejisa, ayaa keentay inay Boqollaal Gaadhi ku xannibnaadaan Dekedda Berbera oo aan laga soo saarin, ka dib markii ay Gacansatu ka cawdeen lacagta Wasaaraddu sheegtay in lagu hubinayo tayada Baabuurta oo halkii Gaadhi-ba Siddeetan Doollar ah, taasoo ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn oo cid gaar ah lagu naas-nuujinayo, isla markaana laga hirgeliyey Dekedda Berbera oo aanu ka soo bixi karin Gaadhi aan soo marin Shirkadda Wasiirka Hawlaha guud sameeyey ee hawshan u qaabbilsan, taasoo uu ku adkaystay inaan wax laga beddelayaa jirin.

Hase-yeeshee, Culimada Masaajiddada Hageysa qaarkood, ayaa Salaaddii Jimce ee maanta Khudbadaha ay ka jeediyeen ku soo qaatay mawduucan  muranka dhaliyey ee u dhexeeya Ganacsatada Gaadiidka keena iyo Xukuumadda talada haysa, isla markaana waxa ay sheegeen inay xaaraan noqonayso Diiniyan haddii aan cashuurta la qaadayaa sharci ahayn. Waxaanay Xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in Shirkadda Tayada Gaadiidka dib loo eego sharcigeeda, isla markaana la waafajiyo sharciga.

Iimaamka Masaajidka Caddeeye oo ku yaalla degmadda Ibrahim Kood-buur ee magaalada Hargeysa, ayaa dadweynihii ku tukaday Salaadda Jimce oo uu waramay khudbaadi uu sheekha misaajidka tuujinayee nuqul ka mid ah khudbaadi uu kaga hadlaye arrinta uu dhexaysa shirkada tayada babuurta iyo ganacsatada soo dejisa gadiidka kala duwan ee macaaradlayasha.

“Nin Asxaabi ah ayaa uu yimid Nebi Muxamed (NNKH) isagoo weydiiyey Nebi Muaxamed (C.S.W) su’aal ku sabsaanayd haddii la igu soo doonto maalkayga oo an ku geeriyoodo anigoo difaacaya ama aan qof ku dilo maxaan noqonayaa? Waxaanu Nebigu (S.C.W) ugu jawaabay; ‘Waad Shihiidday adigoo hantidaada difacayaa haddii lagu dilo, haddaad dil geysatiidna in qofkasi uu ehlo naar yahay.’” Sidaa  ayuu yidhi Sheekh Axmed Aadan oo Imaam ka ah Masjidka Caddeeye.

Waxa kale oo uu Sheekh Axmed intaas ku daray, isla markaana baaq soo jeediyey labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Xukuumaddu inay isla eegaan, isla markaana sharciga waafajiyaan Lacagta Muranku ka taagan yahay ee ay Ganacsatada Gaadiidku cabashada ka muujiyeen, iyada oo dalka iyo dadkaba loo tudhayo.

Ganacsatada Macdarlayaasha ee Somaliland keena Baabuurta, ayaa laba habeen ka hor magaalada Berbera ka sheegay inay Gaadiidka kaga xanniban Dekedda Berbera dib uga raranayaan, isla markaana ay ka dejin doonaan Dekedda Boosaaso ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, maaddaama oo ay Xukuumaddu ku qasbayso bixinta lacag aan sharci ahayn oo cid gaar ah lagu naas-nuujinayo sida ay hadalka u dhigeen.

Geesta kale, Xildhibaanno ka socday Guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Khamiistii kormeer ku tegay Dekedda Berbera, isla markaana waxay la kulmeen xubnaha Khabiirrada ah ee gacanta ku haya Shirkadda hubinaysa Tayada Gaadiidka ee Birtu u dhex-taallo gudaha Dekedda Berbera, kuwaasoo sheegay inay hore ula soo kulmeen dhinaca Ganacsatada cabashada qabta, balse uu dhinacan is-huwanta ah ee Xukuumadda iyo Shirkadda ay samaysatay ay u tageen Berbera. Waxaanay Xildhibaannadu intaas ku dareen inay natiijada waxa u soo baxay marka ay ku soo laabtaan Hargeysa shaacin doonaan.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories