HomeSheekh Umal Oo Iska Fogeeyay Eedda Kenya Ee Al-shabaab, Taasoo Lagu Xayiray...

Sheekh Umal Oo Iska Fogeeyay Eedda Kenya Ee Al-shabaab, Taasoo Lagu Xayiray Hantidiisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nairobi, (SLP)- Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida, kuna jira 86-qof oo ay dhawaan dawladda Kenya kusoo rogtay xayiraad hantidooda, kadib markii lagu eedeeyay inay taageeraan Al-shabaab ayaa iska fogeeyay inuu taageero kooxdaas.

Sheekh Umal oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi, “Waa wax aad loola yaabo in xukuumadda Kenya ay igu eedayso inaan taageero Al-shabaab, oo ay hantidayda xayirto. Arrintan aniga iska dhaafe qof kasta ayay yaab galinaysaa, maxaa yeelay waa la og-yahay halka aanu kala joogno aniga iyo Al-shabaab.”

“Anigu aad ulama yaabani in la igu eedeeyo inaan taageero kooxda Al-shabaab, maadaama aan ogahay inaanan taageerin, naftayduna way og-tahay. Wax is-bedel ah ama saamayn ahna iguma yeelan doonto,” ayuu mar kale yidhi Sheekh Umal.Sheekh-Umal

Sidoo kale, wuxuu sheegay in tallaabadan ay qaaday xukuumadda Kenya ay iyada uun dhaawac ku tahay, maadaama ay iska eedeysay dad badan oo uu ku jiro oo aan wax shuqul ah ku lahayn Al-shabaab iyo wixii la mid ah.

Wadaadkan ayaa warbaahinta ka weerara Al-shabaab, isagoo hore u caddeeyay inaanu waxba ka jirin sheegashadooda ah inay ku jiraan dagaallo Jihaad ah oo ay ku difaacayaan diinta Islaamka.

Ugu dambayn, Sheekh Umal ayaa ka mid ah culimmo xarumo ganacsi ku leh magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Iyadoo hadalkiisan uu yahay kii ugu horreeyay ee uu jeediyo tan iyo markii ay Arbacadii Kenya xayiraadaha kusoo rogtay 86-qof oo Soomaali u badan iyo 13-xawaaladood.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda Kenya ayaa dadka ay xayiraada kusoo rogtay ku sheegtay inay taageeraan Al-shabaab, iyadoo kooxdani ay weerarro badan ku qaaday Kenya, kuwaas oo uu ugu dambeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dishay 148-qof oo u badan ardaydii jaamacaddaas dhiganayay.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories