HomeSheekh Rusheeye Oo Sheegay In Booliska Somaliland Soo Samato-bixiyeen Carruur Uu Dhalay...

Sheekh Rusheeye Oo Sheegay In Booliska Somaliland Soo Samato-bixiyeen Carruur Uu Dhalay Oo Hargeysa Lagu Afduubay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Rusheeye oo ka mid ah Culimada Soomaalida ee Dadka ku daweeya Qur’aanka isla-markaana deggan Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in la afduubay 5 Carruur ah oo uu dhalay, kuwaasi oo da’doodu u dhaxayso 3 illaa 10 jir.

Sheekh Rusheeye oo Dadweynaha kala hadlay Bogga uu ku leeyahay facebook, ayaa sheegay inay jiraan Dad isaga dagaal kula jira isla-markaana dhowr jeer u soo jeediyey inuu faraha ka qaado waxyaabaha uu gacanta ku hayo ee ah inuu Dadka Qur’aanka ku daweeyo, arrintaasina gaadhay in Gurigiisa la rasaaseeyo, haddana Carruurtiisa la afduubo.

blankSheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan deganahay Magaalada Hargeysa, Ilmo yaryar oo 10 jir ugu weyn yahay ayaa Subaxdii Salaasada waxay ka yimaaddeen meel Shaadibiya la yidhaahdo oo ay dhigtaan, waa Shan Carruur ah oo 3 jir ugu yar yahay, waxaana ugu weyn 10 jir, markii ay ka soo baxeen (halkii ay dhiganayeen) ayaa la waayey.”

Sheekh Rusheeye wuxuu sheegay “Wax dhacday in Carruurtii la waayay, anigu markaa Garoowe ayaan joogay, Xaaskayga koowaad baa ii soo sheegtay in Carruurta la waayay, ka dibna Ilaahay baan baryey, intaasi ka dib, Xukuumadda Somaliland aad iyo aad ugu Mahad-naqayaa sidii Sharafta lahayd ee ay Magaalada Hargeysa oo dhami ugu istaagtay Raadinta awlaaddayda, waxaan si gaar ah Ninka Madaxweynaha ka ah Xukuumaddaa khayrka badan Muuse Biixi Cabdi ee Gacanta noo soo geliyey Carruurtii la afduubay, waxa kale oo aan u Mahad-naqayaa Booliska Somaliland oo si khaas ah iskaga xil-saaray raadinta Carruurta.”

Sheekh Rusheeye wuxuu sheegay “Magaalada Hargeysa waa Magaalo nabad ah, wixii ka dhacaana waa wax Qader Ilaahay ah, laakiin Carruurta waxa afduubay waa Xasad, cid kale oo aan wax ka saarayaa ma jirto, waa dad awoodi waayay inay wax iga qaadaan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories