HomeSheekh Maxamuud Suufi Muxumed Oo Caawa Ku Geeriyooday Hargeysa + Taariikh nololeedkiisa...

Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed Oo Caawa Ku Geeriyooday Hargeysa + Taariikh nololeedkiisa oo Kooban

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Alle ha u naxariistee, waxa Caawa Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Somaliland iyo Soomaalida oo dhan.

Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa noloshiisa intii ugu badnayn ku qaatay Fidinta Diinta, waxaana ka aflaxay Culimo badan oo Maanta caan ka ah dhulka Soomaalida, sida Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir iyo Culimo kale oo badan.

Alle ha u naxariistee, Sheekh Maxamuud Suufi, ayaa ka sakow Fidinta Diinta Islaamka, wuxuu door weyn ka soo qaatay Dhismaha Haykalka Dawladnimo ee Somaliland, isagoo soo noqday Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Golaha Guurtida, xilkaasi oo uu hayey 1993-kii illaa 1994-kii, xilligaasi oo Xukunka dalka hayey Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, hal sano ka dibna waxa loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta Aw-qaafta, xilkaas oo uu hayey illaa 2010-kii.

Wixii intaa ku dambeeyay, wuxuu dib ugu laabtay Deraasaadka Diinta Islaamka, isagoo Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ka marin jiray Masaajidka Ibraahim dheere ee Magaalada Hargeysa, iyadoo sidoo kalena Casharadiisa Tafsiirka Qur’aanka Kariimka si joogto ah looga baahin jiray Telefiishanka Dawladda Somaliland (SLNTV) iyo Telefishannada gaarka loo leeyahay qaarkood.

Allah ha u naxariistee Mufti Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Suufi waxa duruusta Diinta Islaamka iyo Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah ka aflaxay Culimo waaweyn oo xilligan magac ku leh bulshada Soomaalida Dhexdeeda, kuwaas oo aynu ka xusi karno Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

blankAlle ha naxariistee Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ahaa Caalim loogu eerto Culuumta Diinta Islaamka, ayaa geeriyooday 16-ka bisha 4-aad ee sannadka 2023, taasi oo waafaqsan 25-ka Ramadaan 1444 Hijriga.

Alle ha u naxariisto Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna haka siiyo Qoyska, Culimada iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories