HomeSheekh Ibraahim Xasan oo Shaaciyey Inuu u Tartamayo Golaha Wakiillada oo cudud...

Sheekh Ibraahim Xasan oo Shaaciyey Inuu u Tartamayo Golaha Wakiillada oo cudud taageero loogu muujiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargesya (SLpost) – Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen oo ka mid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ee u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada ayaa maanta oo Arbaca ah shaaciyey Musharraxnimadiisa.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Huteel ku yaalla Magaalada Hargeysa ayuu Musharraxu ku shaaciyey Musharraxnimadiisa, iyadoo beeshiisuna soo bandhigtay Cududda taageerada ay la barbar taagan yihiin.

Munaasibadda Shaacinta Musharraxnimada Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen oo ay goob-joog ka ahaayeen Madax-dhaqameedka, Waxgaradka, Haweenka iyo dhallinyarada bulshada uu doorashada Golaha Wakiillada ku matalayo Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen, ayaa waxa laga soo jeediyey hadallo taageerayo loogu muujinayo Musharrax Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen, iyagoo xubnaha halkaa ka hadlay ay sheegeen inay dedaal badan u galayaan sidii musharraxoodu ugu soo bixi lahaa doorashada isla-markaana ay Codkooda ugu hibayn lahaayeen.

blankSiyaasiga Axmed Jaambiir Suldaan oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “halgan bay u baahan tahay, Waayo? 82-kaa kursi waxay ka dhaxeeyaan Somaliland oo dhan.”

Xubin kale oo ka mid ah Waxgaradka ka hadlay Munaasibadda uu Musharraxnimadiisa ku shaaciyey Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen ayaa sheegay in sida khaladaadka Dalka ka jira lagu sixi karaa tahay in la doorto Dadka doonaya inay wax saxaan, sida Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Faro-weyne Mr. Faysal oo isaguna ka mid ah Dadka halkaa ka hadlay ayaa yidhi,  “Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen waxaan leeyahay soo dhowow.”

Xubin kale ayaa sheegay, “Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen waxaanu  u aqoonsan nahay inuu yahay Nin Diin leh, Nin Akhlaaqad leh oo wanaagsan..”

Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen oo ah Musharraxa shaaciyey hankiisa oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay qodobbo ka mid ah waxyaabaha u qorshaysan Mustaqbalka haddii uu ku soo baxo doorashada Golaha Wakiillada.

 “Waxa ii qorshaysan ilaalinta Qarannimada. Waxaan niyada ku hayaa in qaladaadka ii muuqda ee sharci ee ka hor imanaya Diinta ama lidka ku ah Akhlaaqda suuban inaan is hor-taago.” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Ibraahim.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax oo iyaguna  halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Musharrax Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen oo ay sheegeen inuu iska sharixi doono Xisbiga UCID oo ay sidaa ku qaateen.

Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen, ayaa inta bulshadu ku taqaanaa shaqsi si weyn uga qayb-qaata horumarinta adeegyada arrimaha bulshada, isagoo ka qayb-qaatay dhismaha jidad laga hirgeliyey xaafado Hargeysa ka mid ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories